Shirweynihii Ururka Haweenka Ee Now Oo Galabta Qab soo may Iyo Hogaankii Hore Oo Dib Loo Doortay + Rabshado Ka Dhacay.

 



Shirweynaha ayaa wax shirgudoominayey Wasiir Ku-xigeenka wasarada Caafimadka Marwo Nim co Xussen Qawdhan..... Daawo Sawirrada


Hargeysa (TNN) -Shirweynihii Labaad ee Ururka Haweenka Somaliland ee Now ayaa galabta dib loogu Doortay Guddomiyihii hore Iyo Guddomiye Ku-xigeen hore, Shirweynaha ayaa markii Codey ntu bilaabantay wax ka dhacay Rabashad taasi oo sababtay in Laba Musharax oo u tartamayey Gudoomiye iyo guddomiye ku-xigeen ururka Now iyo taageeryaashoda oo gaadhayey ilaa 20 haw een ah ay Fadhigii ay ka baxeen iyaga oo ku dhawaqayey hadalo ka dhan aha Guddida Shirkaasi shirguddominaysay.

Shirweynaha ayaa wax shirgudoominayey Wasiir Ku-xigeenka wasarada Caafimadka Marwo Nimco Xussen Qawdhan iyo guddomiyaha ururka Xuquqal Insaanka iyo Xubno kale oo iyaguna ka mid ah haween weynaha Somaliland.

Shirweynaha ayaa Wax ka soo Xadiray 76Haween ah oo ka mid ah Ergooyinka ka kala yimid Shanta Degmo ee Hargeysa iyo Deeganada kale ee Somaliland.

Waxanay Guddomiyaha Ururka Haweenka ee Now Mar labbad u doorten Marwo Aniisa Nuur Cigaal waxana u Codeyey 53Haween ah, halka Guddomiye Ku-xigeen Marlaab ay ugu doorten Marwo Sitiin, oo ay u codeeyen 53Haween ah.

Balse Wax madashaasi iskaga baxay Labbadii Musharax ee Guddomiyaha iyo Guddomiye ku-xigeenka u sharaxnaa oo kala ahaa Xaliimo Xaaji Cabdi Nuur iyo Sahra Cali iyo Taagerayashoda oo gadhayey 20Xubnood.

Wasiir ku-xigeenka Ku-xigeenka wasarada Caafimadka Marwo Nimco Xussen Qawdhan oo ku dhawaaqday natiijadii gacan taaga ahayd ee ka soo baxday Codeynta ayaa waxay tidhi “Madasha Wax Fadhiyey 76Xubnood, Aniisa Nuur Cigaal wax Cod Aqlabiyad ah u Codeyey 53Haween ah, Inantii meesha kula tartameysay iyadu meeshii way ka baxday oo way baneysay tartankii , Guddomiye ku-xigeenka wax u tartamayey Sahra Cali iyo Sitiin Xassan Jaamac, marka Sahrana meeshii way ka baxday waxase cod aqlabiyed ah guddomiye kuxigeenkii loogu doortay SitiinXxassan Jaamac waxana u codeyey 53haween ah, runtii waxan odhan karaa guushii waxay racday dhincan hore xilka u hayey, waxan idiin soo jeedinayaa in aad haweenka la soo doortay taageertan idinkuna aad haweenka isku waddan.”Ayey Tidhi Nimo Xussen Qawdhan.

Wax kale oo iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyey Guddomiyaha iyo Guddomiye Kuxigeenka Dib loo soo doortay Aniisa Nuur Cigaal iyo Sitiin Xassan Jaamac Waxanu halkan ka balan qadeynaa mar haddii dib lanoo doortay aanu hawlahaygii halkii ka sii wadno Dhinca mideynta haweenka Somaliland iyo wax kale oo aanu balan qadeynaa in aanu waxqabadkii halkan aanu ka sheegnay ee aanu labbadii sanno ee hore qabanay aanu wax qabad kale la imandoono.

Shirweynaha ayaa wax ku sugnaa Ciidamo badan oo Aamanka Goobta Illaalinayey iyada oo marka qaaran Xaladu farax ka bixi gadhay kadib markii Khilaaf xoogani uu ka dhashay goobta, waxayna sababtay in ay meesha ka dareeran garab ka mid ah garabadii ku tartamayey Hooganka ururka Now.
 

 


Guuleed Yare
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland