Shirweynihii Xisbiga UDUB Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Hargeysa

 


Shirweynihii xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa saaka si rasmi ah uga furmay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qeyb galay 734 ergay iyo 374 oo marti sharaf ah oo ka kala yimid gobolada dalka iyo daafaha dunida.
Shirweynahan oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, marwada koowaad Marwo Hudda Barkhad Aadan, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, dhammaan xubaha golaha wasiirada, qaar ka mid ah Xildhibaanada Golayaasha baarlamaanka Guurtida iyo Wakiilada.

Shirweynahan waxaan ka soo qeyb gelin oo dibada ka joogay murrashixiintii hore u sheegay inay u taagan yihiin jagada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyeen Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo ka soo baxay xisbiga UDUB.

Xafladii maanta oo aad loo adkeeyay ammaanka huteelka maansoor ee shirweynaha lagu qabanayay, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo Guddoomiye u ahaa Guddidii qaban qaabada shirweynaha ayaa ka war bixiyay waxqabadkii xisbiga ee sanadihii la soo dhaafay waxaanu sheegay inay UDUB uu tusaale fiican u yahay axsaabta kale ee dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland wuxuu sheegay in xisbigoodu ay rajaynayaan inay sii horumariyaan hanaanka dimuqraadiyada dalka oo uu xusay inay bud-dhige u ahaayeen.

Shirweynaha oo socon doona muddo laba cisho ah waxa maalinta barri ee Arbacada lagu wadaa in lagu doorto murashiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka xisbiga UDUB u meteli doona doorashada madaxtooyada ee loo cayimay inay dalka ka dhacdo 29-ka bisha sadexaad ee sanadkan. Waxaana la filayaa in lagu ansixiyo dib u soo doorashada madaxweyne Md Daahir Rayaale iyo Ku xigeenkiisa Md Axmed Yuusuf Yaasiin.

Sidoo kale, waxaa furtiaankii shirka warbixino kala duwan oo ku wajahan marxaladihii xisbigaasi soo maray ka jeediyay Guddoomiyeyaasha gobolada ee xisbiga UDUB iyo qaar ka mid ah jaaliyadaha dibada.
 

 


Faysal Cabdilaahi
Hormoodnews