Shuruudaha Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Ee Mustaqbalka

 



Shirkii Somalíya ku saabsanaa ee dhawaan lagu qabtay magaaalada London, Somalilandna ka mid ahayd dalalka lagu casuumay waxaa ka soo baxay go'aamo. Qodabka 6aad ee go'aamadaas waxa uu sheegayaa in Somaliland iyo Somaliya yeeshaan wada hadal mustaqbalka.

Sida la wada ogyahay Somaliland ma ahayn gobol ka tirsanaa Somaliya oo ka go'ay sida Koonfurta Sudan, East Timore, iyo Kossovo ay u ahaanjireen gobollo ka tirsanaa dalalkooda dabadeedna ka go'ay duruurfo u gaara iyaga awgood. Somaliland iyo Somaliya waxay kala ahaayeen laba dal oo kala madaxbanaan dabadeedna labadoodii dawladood si laab-la-kac ah isugu biireen 1dii July, 1960.

Midowgaas deg dega ahaa, cadaaalad-xumo iyo dhibaato laxaad leh oo naf iyo maalba leh ayaa ka soo gaadhay ummadda Somaliland. Dhiig badan oo loo daadiyay ka dib, waxay ummadda Somaliland la soo noqotay dawladnimadeedii ay hore u qaadatay bishii June 26, 1960 taas oo ay ku dhawaaqday Jamhuuriyadda Sommaliland sannadkii 1991.

Shirkii London waxa uu caddeeyay inaan la isku qasbikarin inay Somaliland iyo Somaliya dib-u-midoobaan balse si siman uga wada hadlaan danahooda iyo xidhiidhkooda mustaqbalka. Wada hadalkasta oo dhexmara laba dawladood ama laba dal waxa uu leeyahay shuruudo adag oo labada dhinacba ku dhaqmaan si markaas loogu guullaysto wada hadalada. Xukuumadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay shuruudaha hoos ku qoran ku xidhaan wada hadal kasta oo mustaqbalka dhexmara Somaliland iyo Somaliya si looga midho-dhaliyo.

Shuruudaha

1. Waa in ay Somalíya ka dhalataa dawlad gacanta ku wada haysa dalka Somalíya oo dhan (Former Italian Somalíya) waayo Somaliland lama hadlayso gobol ka tirsan Somalíya oo aan talada Somalíya ka go,in, wixii ka soo baxana aanu meelmar noqonkarin.

2. Waa in xukuumadda ama dawladda ka jirta Somalíya ay noqotaa mid matasha dadka Koonfurta oo qudha oo aanay noqon mid fowda ah oo ka kooban 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) sababta oo ah wada hadalku waxa uu dhexmarayaa Somaliland iyo Somalíya oo qudha, ma dhexmarayo Somaliland iyo Somaliweyn.

3. Waa in aanay xukuumadda, baarlamaanka, iyo garsoorka Somalíya ku jirin xubno sheeganaya inay metalaan dalka Somalíland ama gobol ka tirsan Somaliland

4. Waa in xukuumadda Somalíya ka jirtaa aanay aqoonsan ama taageerin koox ka soo horjeedda midnimada iyo qaranimada Somaliland.

5. Waa in wada hadalkasta ku salaysnaado jawi laba dawladood oo siman oo u heelan inay u gogol-xaadhaan Is-aqoonsi iyo xidhiidh walaaltinimo oo dhexmara laba dawladood oo Somaliyeed. Waa Billaahi Tawfiiq.

 

 

 

 

Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: February 1, 2012.