Sida weelka caanaha
hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee
maxaa cunaha dhaafaaye.

********

Curuuqda maxaa kala dhex geli
cadaha hoostooda
Ma ciidaamkanaa jabinaya
cunaya dhuuxooda.

********

Inaanse cadaydo mooyee
waxaan calalsho la'ii diidye
Caqliga yaa ka bi'in tuu
Ilaah ku cir-cadaayeeyey.

********

Cimrigayga oon jirin
intii lagu ciroobaayey
Muga inaan cadaadaan
ka biqi Canab darteede
Cududuhu ma naxaan qofkay
talo ku ciirtaaye

 


Erayadaasi waxa ay ka mid ahaayeen, gabay ka mid aha gabayadii uu tiriyery Cilmi Boodhari. Inbadan baa laga gabyey Caashaqa, inbadan baa laga heesay. Inta badan heesaha  sooma alida ee laxanka la saaray waxa ay ku saabsanyihii Jacayl. Inkastoo qoraalka buugaagta ee  soom aalidu qortay ay iskaba kooban yihiin, haddana waxaaba laga yaabaa in ay kasii xag-jiraan buugaagta laga qoray jacaylka. Ha noqdo mid laga qoray sheeko dhab ah ama mid  Ma anka laga curiyeyba’e. Waxa laga yaabaa, in marka la maqlo buuggaasi waxa uu ku  saabsan yahay jacayl------ uu qofka soomaaliyeed yidhaahdo----- waar, maad wax dhaanta qortid. ”Soomaalidaa caado xume, iguma caydeene, oo ima canaanteen sidaan, cuud ka foofsadaye, waa Cilmi oo gartiisa marsanayey IHN-tee. Jacaylku waa dhismaha Qoyska. Adduunkuna waa qoysas sidaa darteed ” Haddii aan jacayl jirin, nolol wanaagsani ma jirto. Waxa saldhig u ah waa jacayl. Haba kala duwanaado, oo ninka soomaaliyeed marka uu tilmaamayo jacaylkiisa, dee, inta badan wixii uu jeclaa buu ku metelaa, oo waa kii ninkii gabyey lahaa ”Geeluba Ugaasooy, markuu ayda miranaayo, Abeerkiisa naaxiyo, hadduu aaranku iswaayo, isaguba ma kala aamusee waysu Ololaaye”.

Intaa Hordhac iyo Afeef is huwan dheh. Haatan aan u galo maqaalkan aan ugu talo galay buugga la magacbaxay ”Hantaaqo Jacayl” ee uu qoray qoraaga da’da yar Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar). Buuggaagta Afsoomaaliga ku qoran, oo beryahan danbe soo badanaya gaar ahaan dalka Sweden, ayaa ah wax lagu farxo. Dhinac kasta oo bulshada laga eego waxa loo baahanyahay in wax laga qoro, dhaqanka, diinta, Aqoonta, taariikhda, fanka iyo suugaanta iyo qaar kaloo badan. Buuggan oo aan hubo in ay dhallinyaro badani akhriskiisa isha boobsiin doonaan. Waxa uu ku saabsanyahay Cawo iyo Cawaale, oo barasho horteed uu xiise galay Cawo. Barasho dabadeedna jacayl uu halkaa ka unkamay. Jacaykaa oo gaadhay heer adag oo qoraagu uu si farshaxannimo ah inoo soo hordhigay. Jacayladdu iskuma jiraane, waa mid uu qoraago ku hadheeyey Xakame dhaqan iyo diinba oo is xanbaarsan oo aan lahayn hab jacayl-qalaadeedka. Laba goorba waa la guursanayaa Cawo, oo waxa ay Marwo u  noqona ysaa laba nin oo aan ahayn Cawaale, labada midna ma ay aqalgelin. Wixii dhacay iyo Jacaylkii Cawaale iyo Cawo, siduu ku danbeeyey waxa aan u daynayaa buugga laftigiisa oo aan  leey ahay adigaa noo faahfaahin, laakiin, aan dul kaxaadsado qaabka qoraalka buugga.

Buuggu waxa uu qoraagu adeegsaday erayo aan adkayn oo la wada fahmi karo. Lahjadaha Afsoomaaliga waxa uu qoraagu isku deyey in ay ka dhexmuuqdaan. Sheekadu waxa ay  dhac day ama Maancusriskeedu uu ku beegan yahay siddeetamaadkii. Waa xilli qof ahaan aan si fiican u garanayo. Sidaa darteed sheekadu si fiican ayay uga turjumaysaa waayihii xilligaa jiray si guud. Waxaana xiise leh qoraagu xilligaa imisa jirbuu ahaa.? Waxa yaab leh sida  quru xda badan ee uu qoraagu, waa Muuse’e uu innoogu soo gudbiyey Qorane ama dhigane isku xidhiidhsan. Inta badan sheekooyinka jaadkaas ah waxa qoraaga dhib ku noqota xidhiidhinta sheekada oo u baahan si farshaxannimo leh, oo fududaysa fahamka akhristaha. Taasoo lagu kala fiicnaankaro, una baahan taxaddar badan, ayuu Muuse Maxamuud buuggiisii ugu  horre eyey aan odhan karaa imtixaankaa waa uu ka gudbay. Waxa aan leeyahay Muusoow, mar haddii kaagii ugu horreeyey kan yahay, ku xigsii mid kale iyo mid kaleba. Kana faa’iidayso, wixii aad waaya-aragnimo kala kulantay kan kuugu horreeyey. Qoraagu waxa uu qoraa waxa uu xiisaynayo------ rabitaanka qoraaga isagaa xor u ah, oo ma aha in la yidhaahdo, oo  max aad u qori wayday waxaasoo baahi ah ayaa jirta’e. Waxa aanse ku dhiirri gelinayaa qoraa kasta, waxa uu rabo ayuu ka gungaadhi karaa oo u fudud. Qor xiisahaaga iyo rabitaankaaga. Dabcan marmarka qaar waa ay la kulmi kartaa qoraaga arrin uu u arko in ay muhiim tahay in uu qalinka u qaato. Taasi mar mar waa ay dhacdaa.

Buugga Hantaaqo Jacayl, sida magacaba ka muuqata jacaylka Cawo iyo Cawaale, wuu   Han taa qayaa, waxa uu kuu danbeeyona buugga ayaa inoo sheegi. Waxa Buugga ku jira oo  qor aagu inoo soo xulay oo geliyey, meelihii ay ku habboonaayeey, heeso caan ah oo la qaaday  siddee tamaadkii iyo wixii ka horreeyey. Hees kasta halkii ugu habboonayd ayuu qoraagu geliyey. Mar haddii aan qoraalka ku bilaabay gabaygii IHN-tee Cilmi Boodhari, bal aan ku soo gabagabeeyo hees ka mid ah kuwii uu qoraagu u dooray Cawo iyo Cawaale ee ay iyagu isu gudbiyeen. Marka guudka loo dabo, Timaha geddefka, loo xidho, Tirsadaan gu’ qaangaadh, Gayaankoodu uu soo baxo, Ee geedka loo baxo, wada hadasho guurtidu, Laga keeno  Guuny ada, Gacanqaadku uu dhaco, Gibladiyo Cayaaraha, La gimgimo Arooskii, Waa gaari nolol  wa can lagu soo Gardaadshee gobsanaa Hablahayagu. (Heestaa waxa qaada Saalax Qaasin  N aaji). ”Hadba walalacdaadii, laykaa Widhwidhiyoo, Wanaag iyo kalgacal laygu kaa wadhyeey, wehelkaygiyoow i  weedhaa misee, Wahdiyoo i wiiqdee, Socodkii wahsadayeey-----Warsan iyo Weedhsan ii soo waceey” IHN-tee waxa qaadi jirtay Habboon Cabdillaahi.

Ugu danbeyn waxa aan leeyahay Hanbalyo qoraaga buugga qoray Muuse Maxamuud Ciise  (dal mar). Dhiirrigelintaydu waa buugaag kalena noo qor oo ha ku joogsan kan aad ku  bila wday, qal inka iyo khadka aad ku ibo furtay, kuna gashay bahweynta qalinlayda. Dedaal baad samaysay ee halkaa kasii kordhi. Akhristayaashana waxa aan leeyahay dhiirri gelintu waa ay noocya  ba dan tahay ee mid ama laba jaad oo dhiirri gelin ah ku dhiirri geli qoraa kasta oo buug soo saaray.


Nabaadiino

 

 

 

Qore: Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf-Dhegey
Sweden