Sidee baad noloshaada wax uga bedeli kartaa?

10% Waxaa ku dhacaya nolashaada way ka baxsan yihiin awooddaada oo waxbana kama qaban kartid 90%. Waxa Noloshaada ku dhacayaa, waxa ay ku xidhan yihiin falkaa dhacay ficilka aad kala hor tagayso ama hadaan si kale u dhigo - Reaction (Redulficilkaaga ). Taas oo ah wixii dhacay talaabada aad kala hortagtay.

Maxay tahay macnaheedu taas? Taa macnaheedu waxa weeye 10% ma xukumi kartida noloshaada oo awood uma lihid inaad xukunto waxa kugu dhacay oo ma joojin kartid.

Tusaale: Gaadhiga oo kaa Jaba ama Diyaarada oo ka habsaanata waqtigii loogu talo galay iyo wixii la mid aha wax aad adigu xukumi karto ma aha. 10% dhacadooyink iyo xaaladaha dhacaya ma aha waxa gacanteena ku jira laakiin, waxaynu xukunaa 90%ka hadhay.

Sidee bay ku dhacda sidaasu? Jaawbtu waxa weeye (Redulficilkeena) waxaa ka dhalanaya dhacdooyin. Aynu sii caddaynu arintaase:

Adiga oo Reerkaagii cunno la cunaya ayaa Inaantaadii yarayd oo ordaysaa qaxwihii kaaga daadisay dharkii shaqada. Dabcan ma awoodid in aad iska joojiso dhacdadaa. Ficilkaa dhacay Falka aad kala hor tagtay waxa uu noqday in Aabihii Inantii dagaalo. Inantiina oydo, Hooyadiina ku cararto sidii ay u masaxi lahayd qaxwihii meesha ku daatay, Odaygiina isaga oo cadhaysan u cararo sidii uu isakaga soo bedeli lahaa dharkii qaxwuhu kaga daatay.

Dhacdadaa yar waxa ay keentay in Inaantii oydo, Odaygii iyo Hooyadii isku qayliyaan, taas ayaana sabab u noqotay in ay wada habsaamaan! Odaygu shaqadii ayuu ka habsaabayay. Inantii madrasaddii ayay ka habsaanatay! Odaygii oo cadhaysan ayaa Reerkii la cararay oo Gaadhigii ku qaaday! Waxa ay keentay cadhadiisii in meeshii Gaadhiga lagu wadayay 30km/h uu ku maro 60km/h ilaa lagu qabaty oo lagu ganaaxay! Inantii waxay ka degtay gaadhigii iyads oo cadhaysan! Odaygiina aanu odhan Aabo maca-salaamah.

Maalintii waxay ugu bilaabantahay dhib. Waxay ku dhamaatay dhib. Waxa uu soo noqday Odaygii iyada oo ay Hooyadii iyo Inantii ay ku cadhaysan yihiin. Maxay sidaas ku dhacaday? Waayo Ficlikii dhacay falkii lagala hortagay muu hagaasanayan. Kaas ayaana u sabab noqday waxaas oo dhacdooyin ah!

Hadabaa maxay maalintiisu u xumayd ma qaxwihii ku taatayba ayaa sababta leh, ma Inanta ma ninkii ganaaxay, mise isagaaba sababta lahaa?! Jawaabtu waxa weeye isagu ma laha awood uu iskaga celiyo qaxwaha ku daadatay, laakiin sababaha ka danbeeysa isagaa keenay.

Hadaba Akhristow, Waxaas oo dhan waxa ay u dhacayaan hadaand wanaajin (Redulficilkaaga) marka ay wax kugu dhacaan waxa uu keenayaa dhib ka badan wixii dhacay. Taasina waxa ay sii cadaynaysaa xaqiiqda Qaaciidadii ahayd 10% waxa kugu dhacaya in aanad xukumi Karin balse Baaqiga 90% in ay ku xidhan tahay sida aad adigu ula dhaqanto dhacdadaa dhacday.

Hadaba Qaacidada 10/90 waa muhiim faa’iido badan ayay keentaa in yar oo inaga mid aha ayaa taqaana oo isticmaasha.

Akhristow bal dhugo qisadan yar:

Nin ayaa soo kallahay goor hore si uu ugu soo tukado Salaada Subax Masaajidka. Wuu waysaystay, waxanu uu u soo kacay xagii Masjidka. Markii uu marayay qiyaastii kala badh dariiqii ayuu kufay. Waxaana ka wasakhoobay dharkiisii. Wuu kacay markaas buu gurigiisii ku laabtay, dharkiina uu iska bedelay oo uu dib u waysaystay. Dib ayuu ugu laabtay Masaajidkii, isla meeshii markii hore uu ku dhacy marka uu marayo ayuu hadana meshii lafteedii ku kufay, markaas ayuu hadan kacay oo ku laabtay gurigiisii oo dharkiina iska bedelay oo soo waysastay oo uu hadana soo laabtay.

Nin sitay Toosh ayuu kula kulamay dariqii. Waxa uu ku yidhi, "Yaad tahay"? Markaas ayuu ninkii ku jawaabay, "Waxaan ku arkayay adigoo laba jeer ku dhacay meeshan markaas ayaan kuu soo qaaday Tooshkan si aan kugu ifiyo dariiqa ilaa Masaajidka"! Markaa ayuu u iftiinayay Dariiqii illaa Masaajidkii. Markii ay Albaabkii Masaajidka gaadheen waxa uu ku yidhi, "Soo gal aan soo tukanee"! Ninkii Tooshka sitay ayaa diiday in uu galo Masaajidkii. Dhawr jeer ayuu ninkii ku cel-celiyay, "Soo gal'! Isna wuu iska diiday! Markaas ayuu waydiiyay, "Maxaad u diiday inaad Tukato"?! Waxa uu ugu jawaabay, "Waxaan ahay Shaydaan! Anigaa ku riday markii hore si aan kuugu celiyo gurigaaga oo aanad ugu Tukan Masaajidka laakiin waad soo noqotay. Markii aad ka soo noqotay Gurigaagii si aad hadana ugu soo Tukato Masaajidka Illaahay ayaa denbigaagii la dhaafay. Markaa markii aad hadana mar labaad dhacday ee aad gurigaagii ku soo labatay ee aad dharkii iska soo bedeshay soona weysaysatay kuna soo laabatay Masaajidkii Illaahay. Waxa loo denbi dhaafay dadkii gurigaaga joogay oo dhan. Markaa marka sadexaad hadaad nagu dhacdo waxaan ka baqay in Illaahay u denbi dhaafo dadka Magaalada ku nool oo dhan! Sidaa awgeed ayaan kuu caawinayay ee naga gal Masaajidka"!!

 

 

 



By: Xuseen Sulub