Sidee loo gaadhaa guur farxad leh?
Rasuulka (SCW) ayaa laga wariyay in uu yiri "Muslimka
ugu fiican xaga caqiidada waa kan dabeecada fiican leh,
kuwa idinkugu dabeecada wanaagsanina -
Rag iyo dumar badan oo iska qaba ayaa iskula dhaqma in
ay yihiin cadow, halkii ay ka ahaan lahaayeen asxaab.
Ninku waxa uu isleeyay adiga ayaa qeef ah waxkasta oo
aad dhahdo waa in la qaataa halka xaasku ay is leedahay
ninkaaga la tartan oo xitaa waxy aabaha wanaaga ah ee uu
sameeya maku mahadceliso. Dumar badan ayaan la qancin
karin oo baahidooda shaqsiyeed iyo mida qaraabadeeda
aysan dhamaad lahayn. Raga qaar xaasaskooda si xun ayay
ula hadlaan oo xitaa qaar ayaa gacan u qaada. Hadaba
maxaa talo ah?
1. Horta waa maxay sababta guurka? Waxaa
nasiib daro ah in dad bad an aysanba fa hansaneyn sababta
guurka, sida uu ilaahey u macneeyay guurka asagoo ku
tilmaamey naxariis iyo jeceyl. Balse dad badan ayaan
taas fahmin oo guurka u qaat ay cadaawad iyo is neceyb
joogto ah.
2. Ha noqon kaligi taliyeWalow ninka raga ah
ila ahey ka dhigay magaxa reerka hadana ma ahan in uu
noqdo kaligi taliye oo go'aan kas ta kaligii qaato. Waxaa
raga laga doon ayaa in ay dumarkooda si wanaagsan ula
dhaq maan. Rasuulka (SCW) ayaa laga wariy ay in uu yiri "Muslimka
ugu fiican xaga caqiidada waa kan dabeecada fiican leh,
kuwa idinkugu dabeecada wanaagsanina waa kuwa dum arkooda
si wanaagsan ula dhaqma" Tarmidi.
3. Ku shirkooba
go'aanada. Markii go' aan ku saabsan la qaadanayo qoyska
waxaa mu hiim ah in wada tashi la sameeyo oo mid kaliya
uusan go'aan iska gaarin. Go'aanka si wadajir ah loo
wada gaaro qilaaf kama yimaado. Qofkastana waxa uu
dareemayaa ah miyada uu ku leeyahay qoyska.
4. Haku
xadgudbin xaaskaaga Marnaba ha aflagaadeyn seygaaga ama
xaaskaaga, ha ku dhihin hadal hoos u dhigayo maskaxdooda,
ha u qaadin gacan Rasuulka (SCW) ayaa laga wariyay in uu
yiri "Sidee ayaad u garaaci kartaan xaasaskiina
maalintii sidii adoon habeenkiina ula seexan kartaan?"
5. Is xakamee markaad xanaaqdoXanaaqa sheydaanka ayaa ka
faaideysta. markaan xanaaqdo ha iska hadlin, oo haku
hadlin hadalo aadan dhahdeen markaad caadi tahay.
Markaad xanaaqdo ha hadlin sidaadaba, oo sug intaad ka
dageyso.
6. Muuji dareenkaaga jeceyl Raga iyo dumarka
Soomaalida waxaa laga lahyahay in ay isku muujiyaan
dareenkooda jeceyl. xitaa markay magaalada marayaan
waxay u socdaan sidii dadka kala cararaya. War ilaahey
ayaa isku kiin xalaaleeyay, oo isku muujiya dareenkiina,
ku dheh waan ku jecelahay macaanto /macaane. Muujinta
dareenka jeceylka waxay kordhinayaan saaxiibtinimada
qoyska.
7. La saaxiib xaaskaaga / seygaagaQeybtaan waa
muhiim, ma ogtaay waxyaabaha ay xaaskaaga xiiseyso ?
waxaa muhiim ah in labada qof ee is qaba ay sxbo noqdaan
oo midba midka kale ka warqabo, oo uu ogyahay waxyaabaha
uu daneeyo, markaad ogt ahay waxyaabaha uu seygaaga
jecelyahay way fududahay in aad ku caawiso asaguna kugu
caawiyo.
8. Muuji mahadcelinta Markii xaaskaaga ay
sameyso wax wanaagsan u mahad celi oo u muuji sida aad
ugu qanacsantahay hawsheeda. Ha dareensiin ninkaaga in
uusan reerka faaido u lahayn oo waxyaabaha uu qabto ay
macno daro yihiin, ilaa in uu macno daro yahay mooyee,
waxkasta oo uu qabto u muuji mahadcelintaada iyo sida
aad ugu faraxsantahay waxqabadkiisa. Haddii xaaskagaa
dharka kuu dhaqdo , oo ay cuntada kuu kariso, oo ay
ilmaha iskuulka geyso ha u qaadanin in ay si otomatik ah
waxkasta u qabaneyso balse waa hawl weyn oo muhiim ay
tahay in aad adigu booskeeda is dhigto ka dibna aad
dareento hawsha muhiimka ah ee ay kuu hayso.
9. Kala
shaqee guriga. Raga badan oo Soomaaliyeed ayaa lagu
yaqaanaa in aysan gur iga waxba ka qaban oo ay
aaminsanyihiin in ay tahay hawsha dumarka, balse
arintaas waa qalad, waxaa muhiim ah in ragu ay xaaskooda
ku caawiyaan guriga. Sidoo kale wa xaa muhiim ah in
dumarku aysan ka dhigin hawsha mid qasab ah balse aad
isku daydo in aad ninkaaga ku xiiso galiso in uu hawsha
guriga wax ka qabto.
10. Xiriirku waa muhiim MUHIIM
MUHIIM MIHIIM! aad iyo aad ayuu xiriirku muhiim u yahay,
waa in aad la hadashaa xaaskaaga, waa in aad la hadashaa
ninkaaga oo aad u sheegtaa wixii dhibaato ah oo jira,
haddii labada qof aysan wada hadlin oo aan laga wada
hadlin cabashooyinka waxay tageysaa meel aan laga qaban
karin. balse markii la wada hadlo waxaa la gaari karaa
in xal la helo inta ay dhibaatadu yartahay.
11. Iska
ilow wixii hore Haddii aad hore u dagaasheen ama wax
kale ini dhex mareen balse laga heshiiyay marna ha soo
qaadan. Fadlan iska iloow guud ahaan.
12. Haka dayrin
waligaa noloshaad la daristahay Haka masayrin nolosha ay
ku nool yihiin dadka idinka lacagta badan, dumar badan
ayaa ragooda kadeeda ka dib markii ay ka masayreen
nolosha dumar kale. Hoos u fiiri dadka kaa faqiirsan oo
tusaale ku qaado ilaaheyna ugu mahadceli nicmadiisa.
Kuna qanacsanaada noloshiina.
13. Ninkaaga waqti sii Rag
badan ayaa ka cowda in xaaskooda ay telefoon ku waaleen,
haddii uu ninkaaga daneysto ma ahan in uusan ku jecleyn
ama uu ku qayaanayo balse waa muhiim in aad aaminto
xaaskaaga ama ninkaaga oo aad u ogolaato waqti uu ku
daneysto.
14. Qiro qaladkaaga Markaad qalad sameyso,
qiro, oo raali galin ka bixi. Markii xaaskaa ga ama
ninkaaga uu qalad sameeyo u samee marmariso haka soo
qaadin wax weyn oo u raadi xal.
15. Ha iloobin sariirta.
Xiriirka galmada waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah guurka,
waxa ana muhiim ah in labada qof ay si wada jir ah ugu
faraxsanyihiin oo ay u xiiseynayaan arintaas. Raga qaar
waxaa dhacda ayagoo habeenkaas intiisa badan maqnaa in
ay xaaskooda isaga galmoodaan ayagoon hawsha macayn.
Sidaas looma baahna, galmada waa in laga dhigaa mid
xiiso leh, oo la sii qorsheeyaa oo guriga la carfiyaa oo
ay ka horeysaa dareen, jeceyl iyo istaabasho intaan hoos
loo daadagin.
16. ilaali sirta qoyskaaga. Arintaan waa
mid dadka badankoodu ay ogyihiin balse mararka qaar ayaa
dhacda in xadka laga gudbo. Hakala sheegeysanin
reerkaaga dadka kale, dumarka qaasatan waxay jecelyihiin
in ay ninkooda uga sheegeeyaan dumarka kale, ha sameynin
taas, arinta reerkaagu waa qaas.
17. Qoyska wanaagsani
way isku sabraan. Sabarka, cafiska iyo isku
dulqaadashadu waxay qeyb weyn ka yihiin badbaadada
qoyska. Muhiimadu waxay tahay, ula dhaqan xaaskaaga/ninkaaga
sida adiga aad jeceshay in lagula dhaqmo.
Rag iyo dumar badan oo iska qaba ayaa iskula dhaqma in
ay yihiin cadow, halkii ay ka ahaan lahaayeen asxaab.
Ninku waxa uu isleeyay adiga ayaa qeef ah waxkasta oo
aad dhahdo waa in la qaataa halka xaasku ay is leedahay
ninkaaga la tartan oo xitaa wax yaabaha wanaaga ah ee uu
sameeya maku mahadceliso. Dumar badan ayaan la qancin
karin oo baahidooda shaqsiyeed iyo mida qaraabadeeda
aysan dhamaad lahayn. Raga qaar xaasaskooda si xun ayay
ula hadlaan oo xitaa qaar ayaa gacan u qaada. Hadaba
maxaa talo ah?
1. Horta waa maxay sababta guurka?
Waxaa nasiib daro ah in dad badan aysanba fahansaneyn
sababta guurka, sida uu ilaa hey u macneeyay guurka
asagoo ku tilmaamey naxariis iyo jeceyl. Balse dad badan
ay aan taas fahmin oo guurka u qaatay cadaawad iyo is
neceyb joogto ah.
2. Ha noqon kaligi taliye
Walow ninka raga ah ilaahey ka dhigay magaxa reerka
hadana ma ahan in uu noqdo kaligi taliye oo go’aankasta
kaligii qaato. Waxaa raga laga doonayaa in ay dumarkooda
si wanaagsan ula dhaqmaan. Rasuulka (SCW) ayaa laga
wariyay in uu yiri “Muslimka u gu fiican xaga caqiidada
waa kan dabeecada fiican leh, kuwa idinkugu dabeecada
wan aagsanina waa kuwa dumarkooda si wanaagsan ula dhaqma”
Tarmidi.
3. Ku shirkooba go’aanada.
Markii go’aan ku saabsan la qaadanayo qoyska waxaa
muhiim ah in wada tashi la same eyo oo mid kaliya uusan
go’aan iska gaarin. Go’aanka si wadajir ah loo wada
gaaro qila af kama yimaado. Qofkastana waxa uu dareemayaa
ahmiyada uu ku leeyahay qoyska.
4. Haku xadgudbin xaaskaaga
Marnaba ha aflagaadeyn seygaaga ama xaaskaaga, haku
dhihin hadal hoos u dhigayo maskaxdooda, ha u qaadin
gacan Rasuulka (SCW) ayaa laga wariyay in uu yiri “Sidee
ayaad u garaaci kartaan xaasaskiina maalintii sidii
adoon habeenkiina ula seexan kartaan?”
5. Is xakamee markaad xanaaqdo
Xanaaqa sheydaanka ayaa ka faaideysta. markaan xanaaqdo
ha iska hadlin, oo haku h adlin hadalo aadan dhahdeen
markaad caadi tahay. Markaad xanaaqdo ha hadlin
sida adaba, oo sug intaad ka dageyso.
6. Muuji dareenkaaga jeceyl
Raga iyo dumarka Soomaalida waxaa laga lahyahay in ay
isku muujiyaan dareenkooda jeceyl. xitaa markay
magaalada marayaan waxay u socdaan sidii dadka kala
cararaya. War ilaahey ayaa isku kiin xalaaleeyay, oo
isku muujiya dareenkiina, ku dheh waan ku jecelahay
macaanto /macaane. Muujinta dareenka jeceylka waxay
kordhinayaan saaxii btinimada qoyska.
7. La saaxiib xaaskaaga / seygaaga
Qeybtaan waa muhiim, ma ogtaay waxyaabaha ay xaaskaaga
xiiseyso ? waxaa muhiim ah in labada qof ee is qaba ay
sxbo noqdaan oo midba midka kale ka warqabo, oo uu
og yahay waxyaabaha uu daneeyo, markaad ogtahay
waxyaabaha uu seygaaga jecel yah ay way fududahay in aad
ku caawiso asaguna kugu caawiyo.
8. Muuji mahadcelinta
Markii xaaskaaga ay sameyso wax wanaagsan u mahad celi
oo u muuji sida aad ugu qa nacsantahay hawsheeda. Ha
dareensiin ninkaaga in uusan reerka faaido u lahayn oo
waxyaabaha uu qabto ay macno daro yihiin, ilaa in uu
macno daro yahay mooyee, wax kasta oo uu qabto u muuji
mahadcelintaada iyo sida aad ugu faraxsantahay
wax qaba dkiisa. Haddii xaaskagaa dharka kuu dhaqdo , oo
ay cuntada kuu kariso, oo ay ilmaha iskuulka geyso ha u
qaadanin in ay si otomatik ah waxkasta u qabaneyso balse
waa hawl weyn oo muhiim ay tahay in aad adigu booskeeda
is dhigto ka dibna aad dareento hawsha muhiimka ah ee ay
kuu hayso.
9. Kala shaqee guriga.
Raga badan oo Soomaaliyeed ayaa lagu yaqaanaa in aysan
guriga waxba ka qaban oo ay aaminsanyihiin in ay tahay
hawsha dumarka, balse arintaas waa qalad, waxaa mu hiim
ah in ragu ay xaaskooda ku caawiyaan guriga. Sidoo kale
waxaa muhiim ah in dum arku aysan ka dhigin hawsha mid
qasab ah balse aad isku daydo in aad ninkaaga ku xiiso
galiso in uu hawsha guriga wax ka qabto.
10. Xiriirku waa muhiim
MUHIIM MUHIIM MIHIIM! aad iyo aad ayuu xiriirku muhiim u
yahay, waa in aad la had ashaa xaaskaaga, waa in aad la
hadashaa ninkaaga oo aad u sheegtaa wixii dhibaato ah oo
jira, haddii labada qof aysan wada hadlin oo aan laga
wada hadlin cabashooyinka waxay tageysaa meel aan laga
qaban karin. balse markii la wada hadlo waxaa la gaari
karaa in xal la helo inta ay dhibaatadu yartahay.
11. Iska ilow wixii hore
Haddii aad hore u dagaasheen ama wax kale ini dhex
mareen balse laga heshiiyay marna ha soo qaadan. Fadlan
iska iloow guud ahaan.
12. Haka dayrin waligaa noloshaad la daristahay
Haka masayrin nolosha ay ku nool yihiin dadka idinka
lacagta badan, dumar badan ayaa ragooda kadeeda ka dib
markii ay ka masayreen nolosha dumar kale. Hoos u fiiri
dadka kaa faqiirsan oo tusaale ku qaado ilaaheyna ugu
mahadceli nicmadiisa. Kuna qanacsanaada noloshiina.
13. Ninkaaga waqti sii
Rag badan ayaa ka cowda in xaaskooda ay telefoon ku
waaleen, haddii uu ninkaaga daneysto ma ahan in uusan ku
jecleyn ama uu ku qayaanayo balse waa muhiim in aad
aaminto xaaskaaga ama ninkaaga oo aad u ogolaato waqti
uu ku daneysto.
14. Qiro qaladkaaga
Markaad qalad sameyso, qiro, oo raali galin ka bixi.
Markii xaaskaaga ama ninkaaga uu qalad sameeyo u samee
marmariso haka soo qaadin wax weyn oo u raadi xal.
15. Ha iloobin sariirta.
Xiriirka galmada waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah guurka,
waxaana muhiim ah in laba da qof ay si wada jir ah ugu
farax sanyihiin oo ay u xiiseynayaan arintaas. Raga qaar
waxaa dhacda ayagoo habeenkaas intiisa badan maqnaa in
ay xaaskooda isaga galmo odaan ayagoon hawsha macayn.
Sidaas looma baahna, galmada waa in laga dhigaa mid
xiiso leh, oo la sii qorsheeyaa oo guriga la carfiyaa oo
ay ka horeysaa dareen, jeceyl iy o istaabasho intaan hoos
loo daadagin.
16. ilaali sirta qoyskaaga.
Arintaan waa mid dadka badankoodu ay ogyihiin balse
mararka qaar ayaa dhacda in xadka laga gudbo. Hakala
sheegeysanin reerkaaga dadka kale, dumarka qaasatan
wa xay jecelyihiin in ay ninkooda uga sheegeeyaan dumarka
kale, ha sameynin taas, arin ta reerkaagu waa qaas.
17. Qoyska wanaagsani way isku sabraan.
Sabarka, cafiska iyo isku dulqaadashadu waxay qeyb weyn
ka yihiin badbaadada qoys ka. Muhiimadu waxay tahay, ula
dhaqan xaaskaaga/ninkaaga sida adiga aad jeceshay in
lagula dhaqmo.
Abdinasir Abdirahman
Hassan
contact: 063 4810560
facebook: ibnu naaleeye
|
|