Madaxweyne Siilaanyo Oo Ergadii Salaadiinta Ahayd Ka Aq bal ay Inuu Horfadhiisto Siyaasiyiinta Ku Bahoobay Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka


 




Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu si rasmi ah u aqbalay inuu horfadhiisto siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku bahoobay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, kuwaas oo ay dhawaan warbaahinta isu mariyeen eeddo kulul.

Ergo salaadiin ah oo toddobaadyadii u dambeeyay isaga dabqaadayay Madaxweynaha iyo golahan, ayaa xalay madaxweynaha la yeeshay kulan balaadhan. Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, waxa ay salaadiintu Madaxweynaha ugu bandhigeen natiijada kulamadii ay la yeesheen siyaasiyiintan mucaaradka ah. Salaadiinta ayaa Madaxweynaha u sheegay inay siyaasiyiintani ka aqbaleen inay ka tanaasulaan magaca gole islamarkaana ay kulan la yeeshaan Madaxweynaha si ay si toos ah ugu bandhigaan dhaliilaha ku duugan 16ka qodob ee ay hore warbaahinta ugu mariyeen.

Dood iyo wada hadal dheer ka dib, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu aqbalay inay salaadiintu is horfadhiisiso labada dhinac isuna dhegaysato doodaha dhex mari doona. Wakhtiga uu kulanku qabsoomayo, ayaa la sheegay in laga sugayo inay salaadiintu cayimaan.

Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ayaa hore si adag u cambaareeyay golahan oo ay ku tilmaameen kuwo qayral sharci ah, halka ay goluhuna ku doodeen inay yihiin gole u kacay badbaadinta qaranka oo ay sheegeen inuu marxalad adag lugaha la galay.

Siyaasiyiinta golahan ku bahoobay ayaa ah rag dalka miisaan ku leh waxaana ka mid ah Mujaahid Xasan Guure, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, Mujaahid Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), Xildhibaan Saleban Cali Koore, Xildhibaan Bulqaas, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo rag kale oo badan.






Source:-Geeska