Siilaanyo Oo Ka Hadlay Hirdanka Siyaasaddeed Ee Burco Iyo Kulamo Ay La Yeesheen Wufuud Reer Yurub Ah
 

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa sheegay faahfaahin ka bixiyay kulamo ay maalmihii u dambeeyay la yeesheen wufuud reer Yurub ah oo booqasho ku yimi Somaliland, kuwaasoo socdaalkoodu la xidhiidho indho-indhaynta geedi-socodka doorashooyinka iyo xog-raadinta muranada siyaasadeed ee haatan taagan.

Axmed-Siilaanyo oo uu xalay xog-waraysi kooban khadka telefoonka kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu ka hadlay loolanka siyaasadeed ee maalmihii u dambeeyay hadheeyay magaalada Burco, isla markaana waxa uu goleyaasha Baarlamaanka ugu baaqay inay si degdeg ah talo uga dhiibtaan muranka ka taagan dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada iyo dhamaadka xilka Madaxtooyada.

"Wufuudu (Sweden iyo Ingiriisku) axsaabta iyo Komishankaba way arkee, waxayna inta badan naga xog-waraysanayeen arrimahan taagan, sida Diiwaangelinta, waqtigan dib-u-dhacay iyo waqtigan yara adag ee dalku galay. Markaa annaguna mawqifyadayada ayaanu uga waramaynay, xisbiyada iyo Komishankuna way uga warameen.

Waxaanu u sheegnay halka aanu ka taaganahay arrimahaas, annagoo mar walba uga mahadnaqayna doorka ay ka ciyaarayaan Dimoqraadiyada dalka iyo taageerada ay u hayaan Somaliland....haddana welwelada badan ee ka dhashay ama aanu ka qabno xaga Diiwaangelinta tusaale ahaan khaladaadka ka yimi ee aan sidii la doonayay u dhicin ee mugdiga badani ku jiro iyo sharciyada Madaxweynaha ee dhacaysa, iyadoo aan waqtigii doorashada la gaadhin aragtida aanu ka qabno ayaanu u sheegaynay, iyaguna arrintoodu waxay u badnayn guubaabo uun iyo in dhibaatooyinkaa badan ee jira ay fahmi karayaan, laakiin cid walba ay ku dhiirigelinayeen in xal la helo oo la gaadho." Sidaa ayuu yidhi.

Mar la sii waydiiyay inay jireen qodobo gaar ah oo ay weftigan Yurub ka socday u soo jeediyeen oo la xidhiidha tanaasul ay mawqifkooda ka muujiyaan ama ay ka balanqaadeen inay dhinaca kale cadaadis ku saarayaan, waxa uu uu ku jawaabay "Waxay soo jeediyeen talooyin guud oo ay cid walba u soo jeedinayeen, waxyaabihii badnaa ee aanu dawladda ka sheegaynayna kollay dawladda dibaddana waa lagagala hadlay bay yidhaahdeen. Laakiin, waxa la yeelayo waxay u arkaa inay tahay arrin Somaliland u taala loona baahanyahay in is afgarad laga gaadho siday rajaynayaan."

Axmed-Siilaanyo oo la sii waydiiyay maadaama waqti koobani ka hadhay xilliga ay Madaxweyne Rayaale iyo Ku-xigeeniisa kaga egtahay xil-hayntoodu, inuu jiro dabac ay ka muujinayaan mawqifkoodii hore iyo waxa ay yeelayaan, waxa uu sheegay in waqtiga doorashada la qabanayo Komishanku cayimayo, isla markaana aanay waxba ka qabanin waqtiga ugu horeeyay ee ay doorashadu ku qabsoomi karto.

"Laakiin, waxa muuqata inay xilligii doorashadu dhici lahaydba ay ka soo horaynayso waqtiga Madaxweynuhu dhacayo, taasna mawqifka aanu ka taaganahay waatii aanu dhowr jeer sharaxay, halkii uun baananu taaganahay," ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Wuxuuna muujiyay in aanay aqbali doonin muddo-kordhin mar kale loo sameeyo Madaxweyne Rayaale, isla markaana ay go'aan ka gaadhista arrintani u taalo goleyaasha Baarlamaanka. "Waqtigu wuu is gurayaaye, waxaanu goleyaasha ku guubaabinaynaa inay si dhakhso ah u fadhiistaan oo ay arrintaa talo ka dhiibtaan," ayuu raaciyay.

Todobaadkii aynu soo dhaafnay, axsaabta Mucaaradka ah iyo Komishanka doorashooyinku waxay isku maandhaafeen qaabka loo hawlgeliyay Mishiinka kala shaandhaynaya dadka isu diiwaangeliyay codbixinta doorashooyinka soo socda. Sidaa darteed, Guddoomiye Siilaanyo oo la waydiiyay halka ay arrintaani haatan marayso waxa uu ku jawaabay, "Weli arrimahaasi oo dhani way taagan yihiin, walaacuna sidii buu u jiraa." Wuxuuna tilmaamay in Komishanka iyo hay'adda Interpeace inay qirsan yihiin khaladaad badan oo ka soo baxay Diiwaangelinta, taasoo uu tilmaamay in mugdi badani ku jiro.

"Markaa su'aashu waxa weeye; waxaas oo dhami iyadoo ay maqan yihiin sida loo odhan karo xilligaas baa la qabanayaa doorashada, waayo annaga ayaanay noo muuqanba," ayuu yidhi. Waxa uu sheegay in markii ay Komishanka wax ka waydiiyeen arrintaas, in Guddiga doorashooyinku keliya ku adkaysteen inay waqtiga ay u cayimeen ee 31 May 2009-ka ku dhacayso.

Ka sokow arrimahan, waxa labadii maalmood ee u dambeeyay dhaqdhaqaaq iyo olole siyaasaddeed hadheeyay magaalada Burco, kaasoo loo arko badidiisu inay u dhexayso xisbiga talada dalka haya ee UDUB iyo xisbiga Kulmiye, isla markaana waxa la sheegay inay halkaas ka socdaan abaabul shirar iska soo horjeeda. Sidaa darteed, Guddoomiyaha Kulmiye oo arrintaa wax laga waydiiyay waxa uu yidhi; "Arrimahaa taako-taako ayaan ula socdaa.

Waxa jira wax wanaagsan oo taageerada xisbiga ah oo dadweynaha reer isu yimaadeen oo aan filayo in ilaa caawa (xalay) soo baxaan, taasoo ah taageerada xisbiga oo reer Togdheer oo dhami isku raacsan yihiin oo aanu aad u soo dhawaynayno. Laakiin, qolooyinkan kale ee meesha ka dabo tegay....Waxaad moodaa inay taas uun (taageerada uu sheegtay) ay ka gilgilanayeen, laakiin sida aanu maqlay guul kalamay kulmin."


 

 


Source:Ogaal