Siminaar ku saabsan Fayo dhawrka oo shalay ka bilaabmay Degmada Tog-Wajaale:



Tog-Wajaale (Longlivesomaliland News) Siminaar ku saabsan Nadaafada iyo fayo dhawrka ayaa shalay ka bilaabmay magaalada tog-wajaale, simin aar kaasi oo ay iska kaashadeen wasaarada Caafimaadka iyo Hayada CARITAS, waxaana ka soo qayb galay Isu duwaha Gobolka ee Wasaarada  Caafimaad ka, madaxa fayo dhawrka ee Gobolada Galbeedka Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan hayada CARITAS.


Siminaarkaasi oo lagu baraarujinayay sidii kor loogu qaadi lahaa  Nadaaf ada iyo fayo dhawrka Deegaanka degmada tog-wajaale, waxaanay sheegeen Masuuliyiintii Hayada Caritas in uu kaanbaynkii nadaadafa iyo dadka ee deegaanka Wajaale uu bilaabmi doono 15/28/08 .


Wajaale oo ka mid ah meelaha nadaafad xumadu aad ugu badantahay  aya a waxaa dhawaan laga fuliyay barnaamij kan oo kale ah oo bacaha iyo qashinka lagaga ururinayay degmadaasi.



Wariye: Cabdirisaaq Maxamuud awdaahir (DHAGO)
Longlivesomaliland News Desk
Tog-Wajaale Somaliland