Siminaar ku saabsan Gudniinka Furcooniga oo la gu qabtay Machadka caafimaadka ee Gobolka Sool (SIHS) + Daawo Sawiro
 

Laascaanood (Longlivesomaliland News)-Siminaar socday mudo laba  maalmo od ah ayaa lagu qabtay Machadka Caafimaadka Gobolka. SIHS (Sool Institute of Health Science) siminaarkan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan  Nur singa gobolka iyo Umuliso dhaqameedyo fara badan casharada siminaarka oo ay bixinayeen Macalimiin ay soo tababareen Urur weynaha ay ku bahoobeen dhamaan Nursing gobolada somaliland oo fadhigoodu yahay magaalada  harg aysa Somaliland Nursing and Midwifery Association

Siminaarka ayaa lagu qaadanayay casharo aad u muhiim oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka lagu hayo hablaha da,yarta ah gaar  ah aan dhinaca Gudniinka oo inta badan awooda la saaro sidii loo joojin lahaa  gu dniinka aan sharciga iyo diintaba meel kaga jirin ee lagula kaco hablaha  soo maaliyed meel kasta oo ay joogaan.

siminaarka ayaa waxaa furitaankiisii kasoo qayb galay madaxda caafimaadka iyo ta gobolka sool oo ay ugu horeeyaan Gudoomiye ku xigeenka Gobolka  so ol maxamed cabdo Dhinbiil ahna ku simaha Gudoomiyaha gobolka Agaasimaha Isbitaalka Laascaanood Mr. Yuusuf Saleebaan Cali iyo madax kale, iyagoo ka soo jeediyay hadalo ku wajahan arimaha Gudniinka.

sidoo kale waxaa halkaas iyana Firfircooni dheeraad ah muujiyay macalimiinta Machadka Caafimaadka gobolka sool oo iyagu qayb libaax leh ka qaatay sidii casharadan xil la isaga saari lahaa oo ay hormuud ka ahaayeen Cabdiaxman Maxamuud cali Cadbi Ruush iyo Aamina Xuseen Xassan.

Ugu danbayntii siminaarka ayaa lagu soo afjaray sidii dhamaan ka qayb  gala yaashan ay ugu faa,iidayn lahaayeen dadkooda eheladooda uguna gudbin lahaayeen sidii looga hortagi lahaa Gudniinka khaldan ee aafeeyay shacabka deegaanka iyo inay ugu horayn iyagu ku dhaqan galaan si dadweynuhu ugu daydo.
 

 


Ciise Cabdisamed Axmed

Longlivesomaliland News Desk
laascaanod office Somaliland