Siminaar ku Saabsan ka hortaga Tahriibka Dhalin yarada oo Maanta ka Furmay Magaalada Laascaanood:

 


Lascanod (Timacade News)-Waxaa maanta lagu qabtay Hoteel Kulan oo ku yaala Magaalada Laascaanood Siminaar ay soo qabanqaabiyeen ururka Daryeel  volua ntry organization ,kaasi oo lagaga hadlayaya sida u wanaagsan eee looga hortegi karo, tahriibta sharci darada ah ee dadka iyadoo loo soo marayo, khiyaamooyin ay kamid yihiin in qofka ladhoofinayo loo sheego in uu helayo nolo ka wanaagsan tan uu ku noolyahay.

siminaarkan oo loo qabatay ilaa 40 qof oo kakala socday qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sido kale waxaa goob joog ahaa masuuliyiin kakala socday  qayba ha kala gedisan ee maamulka degmada ,kan gobolka iyo saraakiisha amaanka ee gobolka, ayaa warbiin ku saabsan ujeedada siminaarka waxaa halkaasi ka soo jeediyay gudoomiyaha ururka daryeel xaawo cabdi cali kaar, oo waxbadan ka hadashay tacadiyaadka kala gedisan ee loo geysto qaybaha ugu jilicsan bulshada ee haweenka caruurta,iyo waayeelkuba ka midyihiin, marka ay helaan kooxaha ka faaiidaysta dhoofinta dadka ee sharci darada ah.

sidoo kalena xaawo cabdi cali ayaa xustay in mashruucan laga wacyi gelinayo  bul shada safarada khatarta badan ee sida sharcidarada ah dadka loogu  khiyaame eyo iney hanti farabadan ku bixiyaan sidii looga dhoofin lahaa dalkooda uu yahay mid caalami ah oo ay wado hay,da lagu magacaabo International Organization For Migration, islamrkaana ay maalgeliso Dawlada Japan.

intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii qaatay gudoomiye ku xigeenka gobolka sool  ah na ku simaha gudoomiyaha Maxamed Cabdi Dhinbiil (daad), waxana soo dhoweyn iyo bogaadin uu soo jeediyey ururka daryeel ee simanaarkan waday, uu xusay  in ay tahay muhim in bulshada laga wacyigeliyo khataraha qarsoon ee socdaalka  sh arci darada ah ee dadka lagaga qaado lacago khiyaamo ah oo aakhiritaankana ay la kulmaan dhibaatooyin iyo in ay naftooda ku waayaan safaradaasi.

masuuliyiinta kasoo qaybgashay siminaarkan maanta ka furmay hotel kulan ee magaalada laascaanood ayaa waxa ka mid ahaa taliyaha qaybta booliska gobolka sool maxamed saleebaan gooni, taliyaha ciidanka asluubta gobolka sool.
 


Ciise c/samad

Timacade News Reporter
Lasanod Office