Sirdoonka Imaaraadka Carabta oo Xabsiga dhigay Boqor Cismaan Buur-madow

 



“Boqorka ilaa hada ma ogin meesha lagu xidhay, waxa la qabtay isagoo ka soo degay m adaarka Dubai, kana soo laabtay Xajka
Maxamed Maxamuud

 

Dubai (TNN)-Ciidamada Sirdoonka ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay Xabsiga u taxaabeen laba maalmood ka hor Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow oo ka mida Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland.


Boqor Cismaan Buur-madow oo markii la xidhay la sheegay in laga qabtay Madaarka Di yaaradaha ee Magaalada Dubai isagoo ka soo laabtay wadanka Sucuudiga oo uu u teg ay Gudashada Waajibaadka Xajka ayaan la ogayn ilaa hada meesha lagu xidhay iyo sab abta loo xidhay toona sida uu sheegay Maxamed Maxamuud oo Boqorka Cismaan Buur-madow ay Walaalo yihiin, kaasoo xalay u waramay TV-ga Horn Cable.


Oday Maxamed Maxamuud ayaa cadeeyay in Walaalkii Boqor Cismaan Buur-madow ay q abteen Sirdoonka Imaaraadka xili uu ka soo laabtay Xajka, isla markaana aanay ilaa had a ka war qabin sabab loo xidhay iyo cida xadhigiisa ka dambeysa toona, waxaanu yidhi “anigoo ah Maxamed Maxamuud oo ah Boqor Cismaan Maxamuud Buurv Madow Walaalkii waxaan cadaynayaa in la Xidhay Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow, waxaana xidh ay sida naloo sheegay Ciidamada Sirdoonka ee dawlada Imaaraadka, iyadoo xukuumadd a Somaliladna la sheegay inay lug ku leedahay Xadhigiisa, laakiin waxa kaliya oo aan cad aynayaa in Boqor Cismaan Buur-madow la xidhay ilaa hadana meel uu ku xidhanyahay aan war loo hayn, saldhigyada Magaalada Abu-dubai oo aanu ka baadhnayna waanu ka waynay, markaa meel ay ku xidheen ama geyeen lama garanayo” ayuu yidhi.


sidoo kale waxa sheegay Maxamed Maxamuud “Boqorka waxa laga qabtay Doraad Mad aarka Diyaaradaha ee Magaalada Dubai, isagoo ka laabtay gudashadiisii Xajka ilaa hada na lama garanayo sababta loo xidhay iyo meesha lagu xidhay toona, inuu nool yahay inuu dhintayna war uma hayno, Xaaskiisiina waxay ku jirtaa Koomo tan iyo markii naloo sheegay in la xidhay”ayuu yidhi.


si rasmiya looma oga Xadhiga Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow iyo ujeedada ka dambeysa ilaa hada, hase yeeshee Boqorka ayaa degenaa Dalka Imaaraadka mudo san ad iyo dheeraad ah,waxaanu maalintii khamiista ee todobaadkii hore Waraysi siiyay La anta Afka Somaliga ee BBC-da, isagoo ka waramayay Doorkii uu Siyaasada Liibiya ku la haa Wiilkii uu dhalay Madaxweynihii la Dilay ee Libiya Mu’camar al Qadaafi ee Sayf Qad aafi.


sidoo kale Boqor Cismaan Buur-madow ayaa ka mid ah Madaxdhaqameedyada reer Som aliland ee sida weyn u dhaliila Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taasoo uu dhawr jeer Saxaafada ku dhaliilay.

 

Source:Waaheen