Sirdoonka Somaliland oo Hargeysa ku xidhay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamadda Dalka Jabuuti

 



Hargeysa (TNN):- Hay'adda Sirdoonka Somaliland ayaa habeen hore hargeysa ku xidhay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Dalka Jabuuti, kaasoo dhawr kii sano ee u danbeeyey ka shaqayn jiray Baanka Dalka Jabuuti ku leeyahay Hargeysa ee BCIMR.

Breaking_NewsSarkaalkan Sirdoonka Somaliland xidheen oo la yidhaa Muuse C/raxmaan Cali kuna magac dheer (Muuse Dee Dee) ayay habeen hore Sirdoonka Somaliland kala bax een gurigiisa oo la sheegay in uu ku yaalo xaafadda Xawaadle, waxaana lagu xidhay mar kii hore xarunta Danbi baadhista C.I.D, balse isla maalinimadiiba waxa la baxay Sirdoonka illaa hadana meel ay geeyeen lama garanayo.

Sarkaalkan Reer Jabuuti ayaa lagu sheegay in yahay laba Xidigle Ciidanka Jaaldaaran ma ariga Jabuuti ka tirsanaa balse markii Dalka Jabuuti muddo dhawr sano laga Joogay Harg eysa ka furatay Baanka Caanka ah ee BCIMR oo ku yaala ka soo horjeedka State House-ka noqday sarkaalka u qaabilsan dhinaca Amaanka baankaasi.

Shaqaale door ah oo Reer Jabuuti ah ayaa baankaasi ka hawl gala, waxaana Furitaankiisii ka qayb galay madaxda Somaliland, kuwaas oo Ruqsad u siiyey Baanka in Laan uu ka fur to Hargeysa, si dadka Reer Somaliland fursad ugu helaan inuu Baanka BCIMR u furro xis aabo si Xukuumadda iyo Ganacsatada Somaliland xidhiidh ula yeelat Dunida.

Baankan oo ay Reer Somaliland uga furan yihiin Xisaabo badan ayaan la garanayn sababt a Sirdoonka Somaliland xilligan ku xidheen sarkaalkii Amaanka u qaabilsanaa, maadaama uu sharciyad ka haysto Somaliland.

Xukuumadda Somaliland illaa hada wax jawaab ah kamay soo saarin xadhiga sarkaalkan isagoo xadhigiisu ku soo hagaagayo xilli Saraakiil Sirdoonka abuuti iyo kuwo kale oo Ajan abi ah Hargeysa gudaheeda ka wadaan baadhitaano la xidhiidha Qaraxii Jabuuti oo Dawl adda Jabuuti ku Eedaynayso dadka fuliyey inay Somaliland ka soo talaabeen.

Saraakiisha Sirdoonka Jabuuti ayaa dabagal xoogan ku haya Dad badan oo Reer Somalila nd kuwaas oo ay qaarkood Somaliland u gacan galisay Dalka Jabuuti, halka kuwo kale baa dhitaano la xidhiidha qaraxaasi ay Dawladda Jabuuti ugu xidhan yihiin Xeryaha Sirdoona da Ajanabiga iyo kuwa Somaliland ku leeyihiin Hargeysa.

Talaabada Sirdoonka Somaliland ku xidheen sarkaalka Reer Jabuuti ayaa dhalisay daree no kala duwan kuwaas oo saamayn ku yeelan kara wada shaqaynta Dawladda Jabuuti iyo kuwa Somaliland oo si wadajir ah uga shaqaynayey baadhista iyo sugida amaanka labada Dal.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan Fadeexad xoogan kala kulantay saraakiil Sirdoo nka Itoobiya ah oo ay ciidamadda Amaanka iyo kuwa Maamulka Gobolka Gabilay ku qabteen, iyaga oo u gudbaya dhinaca Jabuuti , kadib markii ay fadhataysteen Sirihii iyo xogihii ay siteen ee ay ka soo urursadeen Somaliya oo dhan, taasoo sababtay in uu badhasaabkii Goblka Gabilay xilka ku waayey iyo waliba iyadoo la xidh xidhay qaar ka mid ah Booliiskii falkaas ku kacay, kadib markii Dawladda Itoobiya ku Eedaysay Somaliland in uu falkaasi ahaa mid shuftanimo.

Warar dheeraad ah oo ay waaheen helayso ayaa sheegaya in Sirdoonka Somaliland qaar kood xidhaan dad badan oo aan waxba galabsan kuwaas oo inta ay xeryahooda qarsoon ku xidhaan marka danbana u gudbiyaan Dalalka jaarka ah, kuwaas oo qaarkoodna si cad bulshadu u ogtahay kuwana ay illaa hada eheladoodu la’yihiin meel ay ku danbeeyeen.

Sirdoonka Somaliland ayaa dadka ay xidh xidhaan inta badan waxba ku waaya iyaga oo qaarkoodna muddo badan ku haya baadhitaano madhalays ah oo aan wax natiijo ahi ka soo bixin, gaar ahaan warbixinaha qaldan ee inta badan la ogaaday inay siiyaan Ciidamad da la shaqeeya ee RRU-da iyo SPU-da waxa ka mid ah kuwo ay ugu daateen guryo si fudud loo ogaan kari lahaa cida ay ka baadhayaan, halka fadeexad ugu weynayd ee soo shaac baxday ee ay ku fashilmeen ay ka mid ahayd mid aya Borama kaga soo qabteen gabadh ay ku sheegeen Umul shabaab balse markii danbe noqotay qof xanuunsanaysa oo aan kicinba.

Si kasta ha ahaatee Sarkaalkan ay Xidheen Sirdoonka Somaliland waa mid aan illaa hada la garanayn sababta loo xidhay, inkasta oo wararka soo baxaya ay sheegayaan in Sirdo onku moodayeen nin Itoobiyaan ah, maadaama Sirdoonka Somaliland lagu Eedeeyo in ay Dawladda Itoobiya u gacan galiyaan dad loogu mar marsoodo in ay ka tirsan yihiin Mucaa radka Dalkaasi.

Sidoo kalena, warar kale ayaa sheegaya in ay ku Eedaynayaan in uu Dalka Jabuuti u gudb iyey siro iyo warar Somaliland lidi ku ah,kuwaas oo aan la garanayn maadaama Sirdoonka Jabuuti iyo kuwa Jabuutiba ka wada shaqaynayaan amaanka labada Dal.

Dalalka jaarka la ah Somaliland ayaa xidhay xuduudaha ay la leeyihiin, waxanay wararka la xidhiidha dareenka ay dalalkaasi ka qabaan Somaliland ku tilmaamaan Dal Sirdoonkiisu gaabis galay tan iyo intii Daahir Rayaale xilka ka dagay, arrintaasoo keentay inay shaki ka muujiyaan wadashaqayntii ay la lahaan jireen.

Qaar ka mid ah Sirdoonka Somaliland ayaa shaqooyinkoodii looga Eryey dareeno la xidhiid ha inay u hawl fududeeyaan kooxaha laga shakiyo hawlahooda, halka saraakiil ka tirsan Sirdoonka laftigoodu ka caga jiideen qaar ka mid ah Eheladooda oo ka tirsan Kooxahaas inay ka caga jiidaan inay talaabo ka qaadaan, si sharciga loo horgeeyo
 


Source:Waaheen