SIRTA KA DANBAYSA DIIDMADA CARABTA EE AQOONSIGA S/LAND AAN DABOOLKA KA ROGO

 


ADUUNYADAN maanta aynu ku noolnahay waxa ka socda tartanka dhaqaalaha iyo interest ka wadankastaaba uu danihiisa ilaashanaayo.SIda mudane cabdiraxmaan shotaly xaqiijiyay carabi waa xaasidiin mana rabaan aqoonsiga somaliland .

Sababta ugu wayn ugna muhiimsan aan shacabka u iftiimiyo
wadamada carabta ee khaliijka waxay ahaayeen meesha qudha ee somalilanderka iyo somaliya ay wax kala soo dagaan.


Waxoo kaloo magaalada BEBERI ahayd marinka ilaa east africa carabtu mariin jireen badeecadaha ay ka keenaan china iyo asia iyo yurub
Badeecadaha qaarkoodna ayagaaba samayn jiray ama waxa joogay sharikado ay ka masuul yihiin.

Hal mar ayaa waxa istaagay badeecadii carabta laga iibsan jiray
Waxaanay somalilanderku toos ugu xidheen wadamada china iyo yurub ama asiayada kale ilaa usa iyo canada
Waxa laga keenaa meel kasta badeecadihii markii hore loo sii mari jiray carabta
ee ay dilaalka inaga qaadi jireen iyo faaiidada badan.


dhamaan dadka soomalida iyo somalilnaderkuba waxay si toosa xidhiidh dhaqaale ula yeesheen aduun waynaha WAXAANAY KA ILBAXEEN DILAALKII CARABTA.

Maanta suuqii east afrika waxa gacanta ku haysta REER SOMALILAND
Waxa si toosa looga soo dajiyaa alaabta laga keeno china ama yurub dekada BARAKAYSAN EE magalaada bebera ala ha noo daayee.
Waxa la geeyaa badeecadaha ilaa afrikada dhexe ilaa suuqyada wadamada east africa.
Ma jiro dilaalkii carabta ama hindiduba kugu cashuuri jireen
Ma jiro maraakiibtii marba aad lixda bilood sugaysay ee aad khalijka fadhiyi jirtay
adoo marba dekada qabanaya oo raba bal inaad hesho markab wax kuu qaada.
Somalilnad ayaa duulinaysa maraakiibteeda wax qaada.


WAXAANAY maraakiibtaasi yaacayaan aduunyada ilaa yurub ilaa asia iyo africa
aygoo marba badeecad ka rogaaya degada BARAKAYSAN EE BEBERA.

Carab markii laga ilbaxay waatan rabta inay ku dabarto waxna kuu quudhi waydo
Ma rabaan aqoonsi somaliland hesho.
Waayo adigoon aqoonsi helin AYAAD dhaqaalihii ka qabsatay kana dheeraysay
Waxay ogaadeen in hargaysa badeecadaha qaarkood looga sii gudbiyo sucuudiga
Waxa in badan hada la gaynaayay sucuudiga BIYAHA CAAGADAHA iyo saabuunta wax lagu maydho.


Waxa kaloo la geeyaa cadarada iyo dharka laga soo waarido aduunyada sida china oo kale.
markaa mar hadii aad ayagii wax ka iibinayso oo aaad suuqii ka qaaday
waxay go,aan ku gaadheen in LAGU XAYIRO intii lugta lagu hayn karana lagu hayo.
Aqoonsiga somalilnad waxa aad uga soo horjeeda wadamada barabta oo aan marnaba wax ictiraafa kula doonayn iyo inaad HORUMAR GAADHO.

Siyaasada carabta ee ku liidata aduunka korkiisa iyo dhaqaala xumida ay ka kasbadeen dagaalada ka socda ciraaq iyo meelaha kale ee ay ku lug leeyihiin ayaa waxay rabaan inay CADHADII kula dhacaan jamhuuriyada soo koraysa ee somaliland.
Firfircoonida shacabka somaliland ayaa ah mid aduunka ka yaabay
Waxa maanta magaalada hargaysa iyo salaxlay iyo malablay ilaa boorame ilaa baligubadle iyo burco , ceerigaabo iyo magaalada barakaysan ee bebera lagu sarifaa lacagaha qalaad ee aduunka meelkasta laga keeno.


waxa lagu kala iibsadaa gudaha somaliland dhamaan badeecadaha qaaliga ah ee ilaa aduunyada laga soo waarido.
DHamaan hawlahan ayaa markii hore ahaa qaar carabta aynu u daba fadhiisan jirnay
Balse imika gacantooda ka baxay oo ayagaaba kuu daba fadhiya.
markaa isku soo wada duuboo carabi waa XAASIDIIN waxaanay rabaan in aad GACANTOODA markale ku soo laabato

gabagabdii


Maxaa inala gudboon waa su,aasha aan rabo in in maamulka dawladu is waydiiyo una helo wado looga baxo ama lagu qanciyo carabta XASADKA WADA
Waana arin u baahan in xataa shacabku ogaalkeeeda lahaado waliba la barbar noqdo maamulka somaliland iyo dawlada talada haysa.
Wax kasta oo laga qaban karaana waa mid dhamaan muxaafid iyo mucaaridba u taala mana aha DAN cid gaari leedahay[muhimadu waa sidee somaliland loo gaadhsiin karaa horumar TAABO GALA IYO ICRIRAAF AMA AQOONSI BUUXA].
WABILAAHI TAWFIIQ

 

 


SiciidCabdi Dheen

dheen@live.com
London UK