SIYAASADDA XISBIGA KULMIYE EE DADKA LA HAYB SOOCO  MA  TAHEY MID KA DHABA,MAXAASE HADA U DIIDEY INEY KA DHEXMUUQDAN XISBI AHAAN BEESHA GABOOYE

 

doodan waxaan ku eegidoona ,siyaasada xisbiga mucaaradka ee isbadal doonka ah ee "KULMIYE" waxaan dhawaan booqdey ,kulmiyepart, oo aan baadhitaan ku sameeyey xeer hoosaadkiisa xisbiga & barnaamijkiisa uu ugu talogaley ,haddii uu xukunka ku guuleysto wuxuu ku hagi laha wadanka & isbadalka uu la imaan doono ,intii aan badhiistaas ku jirey barnaamijka xisbiga kulmiye aya waxaan indhaha ku dhuftey oo an jecleystey ,siyaasada ku aadan xisbiga kulmiye ee uu ugu talo galey dadka la heyb-sooco ee muwadiniinta beesha gabooye ,ee reer soamliland,

run ahaan tii qaabka loo diyariyey & xaqiiqda dhabta ah ee jirta ayuu kaga hadlaya siyaasada xisbiga kulmiye uu ka qabo dadka la heyb-sooco & barnaamijka uu ugu talo galey ,dadka laga tirada badanyahey ee la heyb-sooco ,waa ariin wanagsan ,waa wax lagu tilmaami karo haddii la oofinaayo wax midho dhali kara dadka la heyb-soocana wax weyn ka badali doona ,sida ay hada yihiin dadkaasi ,balse waxaan is weydiiyey ,su aalo faraban ,oo ah , maadama uu xisbigan isbadal doonka ahi ee kulmiye uu hada leehyahey masuuliyiin & madax farabadan & golayaal kala duwan sida ,golaha dhaxe ee xisbiga kulmiye & xafiisyo farabadan oo kukala yaala dalka & dibadiisa ,

ayaan baadhiis labad ku sameeyey iney bal jiraan maadaama uu xisbigan kulmiye ay ka go antahey inuu wax weyn ka qaban doono ,dulmiga & heyb-sooca saanyadey dadkan la heyb-sooco iney bal ku jiraan oo uu bal hada xisbi ahaan golayaashiisa & masuuliyiintiisa & madaxdiisa faraha badan iney kujiraan qaar ka mida oo ka soo jeeda beesha la heyb-sooco ee muwaadiniinta beesha gabooye ee reer soamliland , oo uu bal hada xisbi ahaan kulmiye isagu ka bilaabey , la dagaalkanka heyb-sooca ,xisbiga kulmiye oo ay ka dhex muuqdaan qaaar madax ka ah xisbi ahaan kulmiye ,

nasiib daro baadhistas waxaan ka waayey hal qof oo ka mida madaxda & masuuliyiinta xisbiga kulmiye ee ka jira dalka & dibadiisa ,ilaa golayaashiisa ba , markaan baadhiistaas dheer aan ku ogaadey inaanu xisbi ahaan kulmiye ay hadaba ka dhaex muuqan dadka la heyb-sooca ayaa waxaa iiga soo dhexbaxdey ,su aashan dooda ah ee ah ,, syaasada xisbiga kulmiye ee dadka laheysooco ,ma tahey mid ka dhaba ,hadeyse tahey mid ka dhab ah maxaa hada u diidey iney ka dhex muuqdaan xisbi ahaan ,qaar matala beelaha la heyb-sooco ,masuuliyiintiisa & madaxdiisa ,waxaan kaloon xisbiga kulmiye weydiinayaa ,xisbiga kulmiyoow waxaasaan idiin qabanayaa miyaaney ka fiicneyn waxaan baan idiin qabtey ?,ama madaax hada idiin qabtaa?

doodan waxa furey anigoo ah ,barkhad xaaji cabdi ,mr gaboye ,waana dood furan oo u furan ,dhaman aqoonyahanka & wax garadka maskaxda caafimad qabta leeh ee ka xoroobey ,jahliga ,

halkana waxaan idiinku soo diyaariyey ,barnamijka xisbiga kulmiye & siyaasadiisa ku aadan dadka la heybsooco,ka akhriso ,,





XIV. SIYAASADDA XISBIGA KULMIYE EE DADKA LA HAYB-SOOCO.

Siyaabo farabadan ayaa loo takooraa dadka la hayb-sooco. Iyadoo ay ugu wacan tahay xaaladooda bulsho iyo dhaqaale, waxa laga duudsiyey ka qaybgalka dhaqaale, waxbarasho iyo siyaasadeed.


Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an tirtiridda nooc kasta oo takoor ah, gaar ahaan, kan ku salaysan hayb-sooca. Kulmiye wuxu aqoonsanyahay in dadka la hayb-soocaa ay dulman yihiin, sidaas daraadeed, waxa ka go’an inuu dadkaas ka awood-siiyo dhinacyada dhaqaalaha, waxabarashada, iyo siyaasadda.

Kulmiye wuxu aaminsan yahay in awoodsiinta noocaas ahi ay muftaax u tahay wax ka qabashada takoorka dhaqanka ka soo jeeda iyo la dagaalanka macaamilka xun ee lagu hayo qayb bulshada ka mid ah.

Si dadka la hayb sooco loogu soo celiyo xurmadoodii bin’aadminimo, iyadoo hoos loogu daadegaayo nuxurka dhibaatada, xisbiga Kulmiye wuxu qaadayaa tallaabooyinka soo socda:

1. In xeer ahaan loo qoondeeyo tiro kuraas ah ee wakiilnimada siyaasadeed heer deegaan iyo heer qaran.
2. In dhiirrigelin iyo tixgelin loo siiyo dhinac-yada waxbarashada iyo shaqada dawladda.
3. In la meel mariyo siyaasado iyo shuruuc lagula dagaalamayo cudurkan bulsho, laguna joojinayo takoorka haybta ku dhisan, xeerar adagna laga soo saaro.
4. In saraakiisha dawladda iyo sharci fulinta lagu wacyi- geliyo dacdarrada Kooxaha laga Tirada badan yahay, sidaas daraadeed, la diiwaan geliyo lana baadho xadgudbayada ku xidhiidhsan haybsooca iyo gefafka laga galo Dadka laga Tirada badan yahay
5. In la abuuro barnaamijyo gaar ah oo loo habeeyey tababaridda Dadka laga Tirada badan yahay gaar ahaan xirfad siintooda
6. In loo abuuro fursado ay ku qaataan deyn fudud si kor loogu qaado ganacsiga yar yar ee ay ku hawlan yihiin.,,

 

 


qoraaga"barkhad xaaji cabdi,mr gaboye,,

ontario canada ,
email"abokoriye1@hotmail.com
email:mrg@gabooyenews.com