Siyaasadu sida ay sheegaan nimanka ka faaloodaa maleh fool ama falag loogu soo hagaago

 

Siyaasadu sida ay sheegaan nimanka ka faaloodaa maleh fool ama falag loogu soo hagaago, nin u faaliyay ama foox u shiday ma garto godka ay sal dhiganayso siyaasadu, wacad ma leh siyaasadu, sokeeye iyo xigaal isku naxa ma leh siyaasadu, gacal kala xishoodo oo xurmo dhex taalona siyaasadu ma taqaan, haba sheegi saaxiib iyo rafiiqna wax ku taarta. Siyaasadu way sakati iyo saymo badan tahay, dabanida iyo qoob-la-duulkedaa badan, Jalfisteeda iyo miino-dhagreedkaa meel kastaba ku aasan, hadaba markay siyaadadu sidaa u hadimo badan tahay, Ninka u banbaxaa inuu dhex mushaaxo ama goosho mawjadahaa iyo suduudaha jararka iyo buuraha dhex marayaa, waa inuu xeelad, xiniinyo, xoog iyo xoolo iwm yeeshaa, si ay miciinsi uga noqdaan ka badbaadiya shalwadka siyaasadeed iyo hafadkeeda uu qarka u saaran yahay markasta.
Marka aad hadaba taa ka duusho eed u soo noqoto waayaha dul hoganaya Siyaasada dalalka afka Soomaaliga lagaga hadlo oo ay bahashuba ku cusub tahay, oo aanay weli si fiican uga kobcin, awood adagna aanay lahaynoo dhdinacyada aqoonta, dhaqaalaha iyo waayo-aragnimada ah, oo ay sidaa weliba ku tiirsan tahay dalal iyo dadyoow kale oo dunida ah, oo iyaga qudhoodu danahooda eeganaya, ayaa sida ay ku danbayn doonto iyo waxa waagu ugu baryayaa aanay ku talogal la garan karo lahayn !. Hadaba,-

- Maad is lahayd, Xiligan aan ku jirno ayaa ay reer galbeedka iyo saaxiibadood Cabdilaahi Yuusuf ku farxi doonaan inuu meesha baneeyo, inaga oo og siday u soo gacan qabteen iyo xooga iyo xoolaha ay ku bixiyeen? !.

- Maad is lahayd Nuur Cade oo ah nin aan isagu askari ama jabhad ama dagaal-ooge ahayn ayaa isaga oo xilkii uu hayay madaxweynihii soo doortay ka fadhiisiyay, hadana ku nagaan doona jagada uu ku magacaaban yahay ee wasiirka kowaad, , oo caalamku ku garab joogsan doonaa? !.

- Maad is lahayd Shariif oo Maxkamadihii ka soo hadhay ayaa mudo kooban ka dib hadana noqon doona, ninka dadka ( dawladaha ) qaar ku hayaan isha inuu yahay ninka lagu wado jago ka mid ah kuwa ugu sareeya, jagooyinka dalka Soomaaliya ? !.

Arimahaa dusha taxanoo miidhani waxay inoo muujinayaan in siyaasada tahay, wacad-qabto iyo waxaanad isku halayn karin oo sida dabayl xagaada hadba dhan kaaga timaada, ninkii shalay cadawgaaga sissyaasadeed ahaa ayaa maanta noqonaya nasteexaad ugu jeceshahay, kii shalay jalka aad daba siday ayaa maanta jar kaa turaya. Marka aynu hadaba eegno dhacdooyinka is daba sudhan ee dhawaanahan ka dhacayay daalka aynu jaarka anahay ee Soomaaliya, oo awood muujin iyo jino-buursi badani ka sosoctay, waxan leyahay Mudane Cabdilaahi Yuusuf, si fiican buu yeelay, waa sida ugu haboonayd ee la yeli lahaa, mar hadii buurahii aad ku tiirsanayd ay ku qaleeyaan ood dareento in wax si yihiin oo lagu saluugsan yahay, waxad ku khasban tahay inaad waxy doonayaan yeesho, si aanay dibada kuugu tuurin oo dabayluhu kuula tagin, waana sida uu yeelay Cabdilaahi Yuusuf, waayo awoodiisa siyaasadeed ma ahayn mid uu ka haystay oo uu ka helay dadka Soomaaliyeed ee waxay ahayd mid, ay dawladaha jaarka ah iyo kuwa kale ku dul joogaan oo ku hayaan.

Cabdilaahi Yuusuf oo hadaba kursiga dalka ugu sareeyo waa madaxweynenimada-e mudo ka badan 30 gu', daba jabinayay inuu maruun ku fadhiisto, oo sida la sheegay isku dayay inuu hab inqilaab ku qabsado oo ka mid ahaa saraakiishii uu hogaaminayay Ciro ( 1978-kii) ee aan guulaysan, oo u soo jabhadeeyay oo duurka u xulay, oo jeel iyo xadhig u soo galay, oo dagaal ooge u noqday, oo madaxweyne maamul goboleed u soo noqday, taasina ay gaadhsiiyay inuu ka mid noqdo dadka u tartama madaxwenaha Somaliya, oo aakhirkii Embagaati ( kiiniya) iyo 2004-tii dawladha jaarka ahi maamul ay sameeyeen, isaga loogu magacaabay inuu noqdo madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee dawlad ay ugu magac dareen ''dawlada federaalka ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya '', ayaa hadaba 4 sano oo ku magacawnaa madaxweynaha dawlada TFG ka dib, guuldarooyin badanoo siyasadeed oo dhinacyo badan lehi ku sanduloobay inuu ka dego kursigii uu inta badan u soo dhibtooday, una eeg hada in hadaladi uu hal-hayska u lahaa, qaar beenoobeen, kani '' Ma quustaan '' waa beenoobay oo hada wuu quustay oo uu dib ugu guryo noqday halkii uu ku dhashay, kan kalese '' habaarqabe'' waa rumoobay, oo uu u horseeday inuu noqdo nin habaarani ma Liibaano !, taasoo aan ujeedo inaanay u suurta galin siduu doonayay. siday doonto ha ahaatee !

Gabogabo, waxa lagu xasuusan doonaa Cabdilaahi Yuusuf, nin hawl kar ah saaxiibo badan samaystay oo ay isku guureen oo dano kala fushadeen, ugu danbayntiina ay noqotay inay iyaga laftarkooda dantoodu iska horkeentay, taasina ay keentay isku dhac, libtuna raacday dabcan ninkii gacanta sare marka horeba lahaa, oon ahayn dee Cabdilaahi Yuusuf.
 


Somaliland ha jirto oo ha joogto.

 

 



Cali Cumar Xasan