Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), oo ka hadlay doorashada somaliland

 

Nairobi, Kenya (TNN)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa doorashadii  S omaliland ka dhacday ku tilmaamay mid guul ah oo lagu farxo. Prof. Buubaa, oo isagoo  jo oga magaalada Nayrobi xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu sheegay in doorashadaasi wax weyn ku soo kordhin doonto meeqaamkii Somaliland.

“Runtii doorashada ka dhacday Somaliland waa mid aad iyo aad loogu farxo, dadweynaha Geeska Afrika amaba dalalka Carabta ama Yurub iyo Maraykan waxay u arkayaan  doora sho degen oo loo maamulay hab wanaagsan, wax aad iyo aad loogu farxo weeye, gaar ahaan anigoo reer Somaliland ah oo reer Hargeysa waa wax lagu farxo oo lagu faano.” a yuu yidhi Buubaa.

Mar la weydiiyay Diblomaasiyad ahaan waxay doorashadani u soo hoyn karto Somaliland waxa uu yidhi, “Diblomaasiyad ahaan waxay keenaysaa in Somaliland loo arko  Dimuqraa diyada inay si wanaagsan ugu bisishay, runtiina waxay muujisay in dadka Somalidu haddii iyagoo degen oo ammaan haysta meel kastooy joogaanba ay si wanaagsan u  hananaya an oo dhaqankooda ay Dimuqraadiyadu ku jirto, waxa laga yaabaa, Somaliland waxay  mu ujisay bisayl mudan in lagu daydo sida ay doorashadaasi u dhacday ee loogu dareeray, wadamo badan oo jaarkeeda ahna sidaas doorashada looguma soo dareerin, haddi ay  60% dadku u soo dareeraan doorashada waxa la yidhaahdaa si weyn ayaa loogu soo bax ay Somaliland waabay ka badnayd.”

Mar la weydiiyay inay wax ka bedeli doonto sidii ay beesha Caalamku Somaliland ula  mac aamili jirtay waxa uu yidhi, “Kolay wax weyn ayay u taraysaa, horumarkaaga  siyaasade ed waxay muujinaysaa inaad u bisishay inaad hanato xukunkaaga, mana aha xukunkaagu mid ku yaala China ee waa mid ku yaala Geeska Afrika.”

Ismaaciil, waxa uu sheegay in kastoo doorashadani ku dhacday guul oo ay Somaliland  wa x weyn u soo kordhin doonto, haddana inay muhiim tahay in sidaas oo kale looga  shaqe eyo horumarka dalka.
 


Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika