Siyaasiyiin Iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda Awdal Oo Digniin Culus U Jeediyey Shaqsiyaadka S/Land Diidka Ah Ee Ka Soo Jeeda Deeg aamadaasi Oo Damacsan Inay Khalkhal Ka Abuuraan Dalka

 



“Inanka Dibada Jooga Waxaanu Leenahay Waar Sida
Reer Burco Ay Warshadaha U Keeneen Ugu Keena Gobol kiina, Halkana Lagama Rabo Rabshad Iyo Dhibaato Adiga Oo Aan Waxba Tarin” Chief Caaqil Xasan Daahir Xadi



Hargeysa, April 13, 2011 (TNN) – Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Awdal ee Somaliland ayaa dig niin culus u jeediyey koox Qurba joog ah oo ay sheegeen inay damacsan yihiin inay dalka khalkhal ka abuuraan, kadib markii ay dhawaanba isa soo tarayeen arrimaha lagu xidhiidhinayo inay ka dambeeyaan waxa loogu yee dhay Awdal State.

Siyaasiyiintan oo ka tirsanaa labada gole Baarlamaanaka ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa sheegay inay iyagu re er Awdal ahaan ay ka dambeeyeen dhismihii qaranka Somaliland dhidibada loogu taagay, isla markaana ay marti galiyeen shirweynihii lagu soo dhisay dawladdnimada.

Xildhibaanadan ayaa intaa ku daray ugu baaqay kooxda Somaliland diidka ah ee Qurbaha, isla markaana ka soo jeeda Awdal inay dhibaatada ka daayaan dalka, isla markaana ay wax soo taraan gobolka gobolkooda Awdal.

Siyaasiyiintan ayaa sidaasi ku sheegay Shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hotel Imperial ee Magaalada  Harg eysa kadib markii ay kulan wada qaateen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo sheegay inay u  gudbiy een tabashooyin beesha Samaroon ay ka tirsanayso saami qaybsiga xukuumadda Siilaanyo.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Axmed Maxamed Maxamuud Bare Gaaraad, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Illaahay Mahadii Somaliland nabad ayay ku nooshahay, Somaliland waxa ay hiigasnaysaa caalamka kale inay la mid noqoto, anaguna waxa aanu ka mid nahay halgamayaashii u soo halgamay somaliland, Dawladd nimadeedqa, jiritaankeeda, haday noqoto wakhtiyadii ingiriisku jiray iyo haday tahayba wakhtigii xoriyada la qaatayba, anagu hormood ayaanu ka ahayn hadaanu nahay beesha Samaroon.

Somaliland anaga nalooma keenin, wax naloo soo waariday maaha, waa wax anaga naga yimid Somaliland  lafte edu, cidii ugu horaysay ee heshiis ingiriiska la gasha beelaha Gadabuursi baa ugu horeyey, taasi waxa ay ku tusaysaa dalkan Somaliland la yidhaahdo in ay ku noolyihiin qabaa’il ka tirsan oo ay ka mid yihiin Habar-Jeclo, Habar-Awal, Habar-Garxajis, Ayuub, Toljecle iyo kuwo la mid ah, dadkaasi waa dad walaalo ah oo isku mid ah oo isku masiir ah oo wax wada goostay oo ujeedadoodu tahay inay mid noqdaan, waxaan leeyahay Walaalahayaga dibada jooga ummaddani masiirkeeda ayay ka tashatay 1991-kii, waxa ay ka mid noqdeen oo ay baaq ka soo saareen Shir-weynihii Burco inay ka mid yihiin Beelaha Somaliland, iyagaana ugu horeeyey baaqa. Baaqaa Burco laga soo daayey ciga ugu horaysay ee ku dhawaaqday waxay ahaayeen Weftigii ka tagay Boorama. Waxaanu Somaliland ka soo qabanay Jagooyinka Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeen, sideed sano ayaanu dalkan  xuku maynay cid aanu u daba joogsanayno oo aanu leenahay Somaliland bay kaa leedahayna ma jirto.

Walaalahayaga dibada waxaanu u sheegaynaa Aayaha ummaddayada anagaa siyaasiyiin u ah, anagaa  majar aha u ahayna, anagaa wixii tabasho ah ee shacbigu tabanayo anagaa meesha ay ku haboontahay gaynayna, waa illaahay mahadii maanta oo ay taariikhdu tahay 12/4/2011, waxaanu shir balaadhan oo aanu si qoto dheer uga hadalay Aanu la qaadanay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu taabsiinay oo aanu qoraal ugu gudbinay tabashada beelaha Samaroon tabanayaan, arintaas waxaanu u sheegaynaa walaalahayaga dibada hadaad wax tabanayseen oo aad wax sheeganayseen angaa idinka wakiil ah dadweynahana ka wakiil ah, wixii aanu tabanaynay oo qoraan ah insha allaahu waad heli doontiin, waananu u gudbinay. Waxaan se uga digaynaa cida ku hadasha gobolkan Awdal ee dibada joogta ee leh Awdan State, Awdal-Land, kalmadahasi oo dhami kalmado ku jira maaha Siyaasada Samaroon”.

Sidooo kale Axmed Maxamed Maxauud Bare waxa uu sheegay in Aayaha iyo masuurka ummadda reer Awdal ay ka talinayaan dadka gudaha jooga oo ay ka mid yihiin Cuqaasha, Mashaa’ikhda iyo Aqoonyahanka, waxaanu “Hadaba haddii cidi ka talinayso aayaha beelaha Samaroon waxa ka talinaya dadka Samaroon ee ku dhaqan Somaliland, haday tahay salaadiin haday tahay Cuqaal haday tahay mushaa’iikh, Aqoon yahan iyo haday tahay siyaasiin, kuwaas ayaa aayaha Samaroon ee ku wajahan Somaliland ka talinaya, waxaanu faraysaa oo aau u sheegaynaa inay ka waantoobaan, shaqsiyaadka ku caano maalay, ee fadhi ku dirinka ah ee had iyo jeer ku hadaaqa wax ummaddooda aan ka soo bixin oo ummaddoodu itijaaha siyaasadeed ee ay leedahay aan lahayn, sidaa darteed waxaanu leenahay bini’aadamku dareenkiisa dimuqraadiyadu waxa ay sheegayso inuu muujiyo, waayo dareenka aad muujinaysaa in aanu noqon ilaa xad mid dadkiina aan wax u tarayn oo aad galisiin Internet iyo Jaraa’id oo dad kale oo aan idinka ahayn inay gacanta idinkula jiraan, taas aad iyo aad ayaanu uga xunahay, Qurba jooga, waxaad tihiin dad naga mid ah, xaqbaad u leedihiin in aad na soo waydiisiin masiirka ummadda oo aad ka hadashiin. Laakiin wax aan la isku ogayn oo beelaha Samaroon aanay goosan inuu afkiina ka soo baxo waa ayaan daro, waananu ka xunahay run ahaantii. Sidaa Darteed waxa aan idin leeyahay Somaliland Way Jirtaan Wayna jirin Doontaa, Samaroona Somaliland ayuu ka mid yahay dadka ku dhaqan, masiirkiisana 1991-kii buu goostay, waa wax taariikhi ah oo la ogyahay”.

Xildhibaan Cabdi Maxamed Gaagaagle oo isaguna hadal kooban ka jeediyey halkaasi ayaa yidhi “Sidaad ogtihiinba waxa baryahan ka soo duulduulayey Maraykanka iyo haday Canada tahayba inamo halkaa ka qayl-qayliya oo yidhaahda waxaanu nahay Awdan State, wax Awdal State la yidhaahdaa ma jirto, dadkani Somaliland ayuu yahay, cidna marti ugama nihin Somaliland, ragii sameeyey ayaan anigu ka mid ahaa Somaliland, halkaa ka tagay ee Boorama, Sheekh, dhibaato badana waanu u galnay, markaa walaalahayana dawladd iyo Maamul ayaanu la samaysanay, Nabad ayaanu ku noolahay, Caafimaad ayaanu ku noolahay dadkayagii maanta Jaamacado iyo Iskuulo ayaa jira oo Jaamacada ugu horaysa ee dalka anagaa Samaynay, intaas oo arday ayaa ka soo baxday All Xamdulilaah, Somaliland qayb weyn baanu ka haysanaa. Markaa kuwa dibada ka hadlaya waxaan odhan lahaa Walaalayaal haddaad dadka wax soo taraysaan waa la idiin baahan yahay, Haday Caafimaad tahay haday Tacliin tahay haday tahay Baahi kale, dadka kale ee qayrkiin ah ee dibada jiraa dadkooda ayay wax soo taraan, Iskuulay dhisaan hay’addo ayay keenaan, halkanay wax kasta keenaan, waxba idinka la idinkama hayo, waxaanu idinka maqalnaa uun Awdal State baanu nahayoo halkaas baanu joognaa. Wax la yidhaa Awdal State ma jiro, dadku mar hore ayay tashadeen oo waxa ay ku tashadeen Somaliland inay ka mid noqdaan”

Dhinaca kale Jiif Caaqil Xasan Daahir Xadi ayaa isa waxa uu yidhi “Somaliland waxa lagu soo sameeyey  xukuum addeedan maanta talinaysa oo lagu lafa guray oo lagu xamdiyey, rabitaan ka yimid gobolka Awdal, markaa  mee sha ay ku abuurantay inay ku dunto diyaar uma nihin, una dumi mayso, inanka dibada jooga waxaanu leenahay waar sida reer Burco ee gobolka Togdheer ay warshadaha ugu keeneen ugu keena, halkan lagama rabo rabshad iyo dhibaato adiga oo wax aad soo tartay jirin oo aanan waxba u tirsanayn in aad nabadgalyadooda iyo dadka ay la noolyihiin aad ka takoorto diyaar uma nihin, anagaana matalna oo u hadlayna, tabasho-na way jirtaa, tabashada jirta dee inta aan dibada ka soo hadlo oo aan Internet-ka wax soo galiyo kama hadli karo, anagaana ka hadlayna waana laga hadlay, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siila anyo) ayay maanta hortaanaa, waananu u gudbinay, tabasho way jirtaa, waanay jiri doontaa, Saamiga aanu leenahay Somaliland waa laga hadlay waynay hortaanaa oo waa laga sugayaa, wixii tabasho ahna cidbaa loo soo xilsaaray oo golayaasha ugu jirta gobolka Awdal oo looga daba fadhiisanayaa wixii gobolku tirsanayo”.

Sidoo kale Mahdi Xuseen Cadare oo isaguna ka mid ah mudanayaasha wakiilada ee kazoo jeeda Gobolka Awdal ayaa isagana waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Hadaynu reer Awdal nahay inagoo ilaa maalintii Somaliland lagu dhawaaqay aynu ka nahay dalkan Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenba labada mansab ee ugu sareeya dawladda, in shakhsiyaad kazoo jeeda Awdal inay dibadaha kazoo dhawaaqaan oo ay yidhaahdaan maamul hebel baa nala yidhaahdaa cay bay inagu tahay, ummada reer Somaliland-na waanu ka raa galnaynaa shakhsiyaadka bilaa camalka ku ah qurbaha ee shaqada ka dhigtay waxyaalaha aanay galin reer Awdal iyo reer Somaliland-ba, waxaanan leeyahay shakhsiyaadka dibadaha kazoo hadaaqaya waa Ey dharaar ciyey”

 

Source:Haatuf