Siyaasiyiin ka soo jeeda G/Bari oo Guurtida u soo jeediyay meelmarinta Xeerka Isgaadhsiinta

 


 

Hargeysa (TNN) – Odayaal, Madax dhaqameed, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin ka soo kala jeeda Gobol adda Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sool ayaa shir ay maanta ku yeesheen Huteelka Shiraaqle ee bari ga Hargeysa waxay ku taageereen Xeerka Isgaadhsiinta ee Golaha Wakiiladda Somaliland dhawaan Ansixiyay, waxaanay Golaha Guurtida iyo Xukuumadana u soo jeediyeen in sidaas oo kale ay u meel mariyaan si Dalka looga abuuro shaqo isla markaana loo hirgaliyo Maalgashi kasta oo wax soo kord hinaya

Maxamud Cali Xirsi (Calanle) oo ka hadlay kulankaasi ayaa taageeraay Go’aankii Golaha Wakiiladdu ku Ansixiyeen Xeerka Isgaadhsiinta waxaanu yidhi “Golaha Guurtida waxaanu ugu baaqaaynaa inay sidii Golaha Wakiiladda isku dhaafiyaan Xeerkaasi. haddii kale waanu isa soo hor tumi doonaa, Xeerk aasi waa Xeer muhiim ah oo Dalka Maalgashigiisa suurtogalinaya dadkuna ay ka helayaan Shaqo.”

Caaqil Maxamed Cali Yuusuf oo ka mid ah Cuqaasha madashaasi fadhiday ayaa isna yidhi ” Golaha Guurtida waxaan u soo jeedinayaa si ay dadku u shaqeeystaan waa inaad dhiirigalisaan Shirkadaha shaqo abuurka ah ee dalka wax u taraya sida Somcable iyo Shirkadaha kaleba waana inaad Xeerkaa Madaxweynaha isku dhaafisaan, waxaan maqlayay Xadhigaa haddii aynu helno inaynu ka maarma yno dhakhaatiirta aynu dibedaha u tagno oo qalab casri ah oo halkan aynu iskaga baadhno ayaa la helayaa, shaqo abuuris badana waa laga helayaayoo dadkaa gidaarada fadhiya mid gaadhi kaxeeya iyo mid farsamo kale ku shaqeeyaba Horumar ayuu inoo soo kordhinayaa” ayuu yidhiMahdi Cismaan Buuri oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii ka hadashay arrinta Xeerka Isgaadhsiinta ayaa yidhi”Su’aasha ugu badan ee wakhtigii aan xilka hayay nala weydiin jiray markaanu dibadaha u baxno waxay ahayd maxaad dadka shaqo ugu abuuri weydeen?, wakhtigaas anagu waanu taakulayn jirnay shirkadaha caynkan oo kale ah Somcable na waaba mashruuc balaadhan oo ay shaqo ka helayaan Ardayda faraha badan ee maalin walba Jaamacadaha ka soo qalin jabinayaa. anigu waxaan Xukuumadda iyo Guurtidaba ku dhiirigalinayaa in qof kasta oo Maalgalin samaynaya la soo dhaweeyo” ayuu yidhi  Od ay Diiriye Jaamac Guube oo ayaa isna yidhi ” Anigu waxaan ahaa Odayaashii ka qayb qaatay waxay Guurtidu maanta ku faanayso, Guurtida waxaan leeyahay bal Dooxa mara waxa kugu baadh anayaa dhalinyaradii shaqaysan lahayd oo camal la’aan Gidaarada fadhiya, kuwii Qurbaha Joogay way soo noqonayaanmaxaad u haysaan dadkaasi. ilaa Ingiriiskuu uun baynu i’iinyada haynaaye aynu bedelno sidan.” ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyay ” Xukuumadda isbedel kama hayno.

waxaanu ka haynaa oo kaliya Lacagtii oo dhacday, Raashinkii oo qaaliyoobay iyo xafiisyadii oo xidh may, waar Shirkada Somcable ee Aqoontii iyo Ragii isugu yimaadeen wax halala qabto” ayuu ku soo xidhay hadalkiisa

Axmed Sigis oo ka mid ah xubnihii hadalada taariikhda ah halkaas ka soo jeediyay ayaa yidhi “Ingirii ska markii la saarayay nin bay Ummadau ka fadhiyi weyday oo meel walba la taagnaa Ingiriis ha baxo, nin kale ayaa isna odhan jiray ha joogo maalintii danbe ayaa Masaajidadii Berbera Biyihii iyo Laydhkiiba laga jaray isagoon Ingiriiska meel fog ba gaadhin. waxa ninkii laga hayaa ‘ Waar Ingiriis Cadan miyuu gaadhay waar yaa noo soo celiya’ waar diidnay uun yeynaan odhani wax kasta dalka hala keeno oo aan dhibaato inoo keenayn.”


Abwaan Wali Liibaan oo ka mid ah Suugaan yahanada Dalka oo ka waramay Xikmad Somaliyeed oo ka turjumaysa isda qof walba Dalku ugu baahan yahay ayaa yidhi “maalin dhaweyd markaan maqlay barnaamij dadkaaga la hadal la yidhaa aad baan ugu farxay “Barnaamijka dadkaaga la hadal aad ba an ugu farxay wax loola jeeday mooyaane. haddii la wada hadlo waxbaa la isku kordhin Dawlad iyo dadkeedu waa inay wada hadlaan, waa inay wax wada qabsadaan ka Badda ka yimi ee wax wada waa in la soo dhaweeyaa,ka shirkada wadana waa in la soo dhaweeyaa Somcable’na wax aan faa’ii do ahayn inooma soo wado’e waa in la soo dhaweeyaa,” ayuu yidhi


Maxamed Cabdi Dhinbiil oo ahaa Badhasaabkii hore ee Sool ayaa yidhi “Wax kasta la wadyoo Salaa da in la tukado la isku raac, imika maalmahanba waxaan arkayaa wax kasta oo laga hadlaba in ay dadka oo dhami isku raacsan yihiin Somcable in loo daayo xadhiga Badda hoos maraya, markaa wax aan leeyahay Guurti iyo Xukuumadaeey idina taageera.”

Source: Somaliland.Org