S/LAND LA AQOONSAN MAAYO HADDAN LA HELIN SA XAAFAD XOR AH IYO DOORASHO WAKHTIGEEDA KU DHACDA

 

La-taliyaha Siyaasadda arrimmaha dibedda ee Xisbiga  Xisbiga  Shaqa alaha Sweden oo baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale.

Somaliland la aqoonsan maayo haddaan la helin Saxaafad xor ah iyo Doorasho waqtigeedii ku dhacda


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-La taliyaha Siyaasadda dibedda ee Xisbiga Shaqaalaha Sweden. "Waa hubaal in M/weyne Rayaale uu doonayo in la aqoonsado Somaliland, waxaanan kula talinayaa in..”

“Somaliland sidan laguma aqoonsan karo. Waayo, imika Dimuqraadiyad ma haysaan.”Mrs. Jenny Sonesson

La taliyaha Siyaasadda dibedda ee Xisbiga Shaqaalaha  dalka Sweden oo lagu magacaabo Jenny Sonesson, ayaa sheegtay in Dawladdooda  i yo guud ahaan Midowga Yurub uu  danayna yo in Somaliland ay ka dha cdo Doorasho xor iyo xalaal ah, isla  markaa na waqtigeeda ku  qabso onta. Hase ahaatee, waxay sheegtay in aan Somaliland aqoonsi  hela ynin haddii aanay Xukuumaddu joojin xadhiga Suxufiyiinta iyo  xannib aadda xorriyatul-qawlka, waxaanay  Madaxweynaha u jeedisay baaq la xidhiidha arrimaha Doorashada iyo Saxaafadda  Madaxabann aan.

Haweenaydan lagu magacaabo Jenny Sonesson oo ka mid ahayd  xub no Ajanebi ah oo shalay ka qaybgalay dhegaysiga dacwad ka dhan  Su xufiyiinta Idaacadda Horyaal ee xidhan oo Maxkamadda la horkeenay, ayaa markii laga soo dareeray dhegaysiga dacwaddaas ka dib, qaar ka mid ah Warbaahinta maxalliga ahi wax ka waydiiyeen arrimo ku  saab san xadhigga Suxufiyiinta, warbixintii Hay’adda Human Rights Watch iyo dib-u-dhaca Doorashada. Waxaanay sheegtay in tacaddiyo  Xukuu madda Somaliland kula kacdo Warbaahinta Madaxa banaan iyo  shuru ucda xuquuqal-Insaanka ay tahay mid caqabad ku ah aqoonsi  Somali land ka hesho Beesha Caalamka. Isla markaana waxay carrabka ku  ad kaysay in haddii mar kale Doorashadu dib u dhacdo aanay Somaliland aqoonsi ka kasban doonin beesha Caalamka. “Waxaan doonayay in aan sheego waxay tahay in maanta Somaliland ay taagan tahay is-goys.

Siday Warbixintii Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights  Wa tch sheegtay, waxa Somaliland ka jira meel-ka-dhacyo marka laga  had layo dhinaca Madax-bannaanida Saxaafadda.

Dawladda Somaliland-na waxay ku xad-gudubtay Sharciga Xuquuqal-Insaanka Caalamiga ah oo qeexaya xaqa xorriyatul-qawlka. Waxaanan filayaa in aynu haddaba aragno ku xad-gudubka Shuruucdan. Beesha Caalamku Somaliland waligeed aqoonsan mayso haddii aan la helin  Sax aafad xor ah iyo inay waqtigeeda ku qabsoonto Doorasho xor iyo  xal aal ah. laakiin, hadday sidaa ku sii socoto oo Doorashadu dib u dhacdo Somaliland aqoonsi heli mayso.” Ayay tidhi Jenny Sonesson. Mar la waydiiyay in Dawladda Sweden Xukuumadda Somaliland kala hadashay ama ay cadaadis ku saartay arrimahan ay ka hadashay iyo in kale, ayaa waxay ku jawaabtay, “Tani waa mid si aad ah looga danaynayo Sweden iyo Midowga Yurub-ba.

Sweden waxa ku nool 20-kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah. Somaliland waqti badan waxay rejo u ahayd Gobolka Geeska Afrika, waxaanay  ho re u qaadday Jidka Dimuqraadiyadda, waana inay sidii u haysaa  Jidk aas. In Saxaafad madax-bannaan dalkani yeeshaa waa mid muhiim ah. sidaa darteed, waanu sii wadi doonaa in aanu la socono waxa halkan (Somaliland) ka socda, imikana Sweden waxay waddaa olole  ballaadh an..Inkasta oo aanu nahay dal ku yaala Yurub, haddana waxaanu aad u xiisaynayaa oo aanu ula soconaa waxa ka dhacaya Geeska Afrika, marka laga hadlayo Dimuqraadiyadda. Sababtoo ah, maanta qarniga 21aad ee casriga ah, masaafadu muhiimad ma laha marka laga hadlayo Argagixisada, Qaxootiga iyo Dagallada. Waxaana loo baahan yahay xidhiidh saaxiibtinimo, mid ganacsi iyo xidhiidh toos ah. Sidaa darteed, mustaqbalka Somaliland waxa uu qayb ka yahay mustaqbalkayaga iyo mustaqbalka umadda reer Sweden.”

Sidoo kale waxa Jenny la waydiiyay in ay kulan la qaadatay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo in kale intii ay dalka ku sugnayd. “Sanad ka hor ayaan halkan imi waxaanan fursad u helay in aan la kulmo  Madax weyne Rayaale, balse ma qorshayn in aan mar kale la kulmo.

Waxaanan halkan u joogaa inaan ka qayb galo bandhig-dhaqameedka beri (maanta) la qabanayo (Munaasibadda Mooge).” Ayay tidhi.

Su’aalihii halkaa lagu waydiiyay waxa kale oo ka mid ahayd mid nuxurk eedu ahaa, saamaynta Warbixintii Human Rights Watch ku yeelan  kar to qaddiyadda Somaliland, mar ay arrintaa ka hadlaysayna waxay  ti dhi, “Dabcan, warbixintan Human Rights Watch waxa akhriyay  Siyaasi yiinta iyo madaxda Caalamka, runtiina aad baanu uga welwelnay xaaladda."

Sababtoo ah, haddaanad dimuqraadiyad hanan ma heli kartid aqoonsi, umana qalantid ee waa inaad u qalantaa aqoonsiga. Waxaanan filayaa in aydaan aqoonsi u qalmin haddii aad sii waddaan xadhigga  Suxufiyiin ta. Waan la yaabaa marka la yidhaahdo ha la mideeyo Soomaaliya iyo Somaliland, waxaanan aragti ahaan taageeraa Dimuqraadiyadda, balse haddaydaan dhawrin uma qalmaysaan in aad madax-bannaani  hesha an.”


Mar la waydiiyay aragtideeda ku wajahan madax bannaanida  Somalil and iyo waxay talo ahaan u jeedinayso Xukuumadda, ayaa waxay ku jawaabtay oo ay tidhi, “Aragtidaydu waxay tahay in dalkani helo  War baahin Madax bannaan iyo Idaacado gaar loo leeyahay, sababtoo ah, waxa la xidhaya sida Telefishanka HCTV oo kale. Waxaan hubaa in  Mad axweyne Rayaale uu doonayo in la aqoonsado Somaliland, waxaanan kula talinayaa, waa muhiim in dalkaagu yeesho Warbaahin madax  ban naan. Sababtoo ah, sidan laydinku aqoonsan karo. Waayo, imika  Dimu qraadiyad ma haysaan.”



Source: Wargeyska ogaal