S/LAND OO QAADAY WADADII SOOMALIYA KU BURBURTAY [DEGAANKA LAASCAANOOD. BUUHOODLE

 

Abwaan:Siciid Cabdi Dheen



Somaliland ayaa socota jidkii ay ku burburtay dawladii soomaaliya[dagaal sokeeye] Madaxwaynih ii hore ee somaliland MUDANE daahir riyaale kaahin ayaa u diray ciidanka qarankajiida hore ee SOOL iyo sanaag .

MUDANE DAAHIR RIYAALE KAAHIN ayaa adeegsanaayay barnaamijkuu u bixiyay magiiciisa [ gaadhi da xusuudda somaliland].ex president daahir riyaale kaahin ayaa waqtigaa ku baaqay in aqoonsiga somaliland uu ku xidhanyahay ayadoo la gaadho xuduudii isticmaarku jideeyay ama jeexay.

Mudane daahir riyaale kaahin kamay ahayn nasteexo ama aqoon raadis uu u ololaynaayo balse  wax ay ka ahayd ABUURID XAALAD DAGAAL oo ka taagnaata jiida bariga la taliyayaasha madaxwaynihii hore daahir riyaale kaahin ayaa mabda,oodu ahaa in la meel mariyo colaad in badan taagnaata oo dhex marta BEELAHA DEGAANKA.


Tusaale ahaan waxa kuugu filanTiraba rag dhawra oo saraakiila ayaa lagu ugaadhsaday jiida hore ee laascaanood waxa kaloo qudha laga jaray askar ka tirsan ciidanka somaliland. Akhtistoow raga dilalka gaystay ayaa ugu danbayntii la ogaaday in dawlada s/land ay lug ku lahayd ka dib markii taliyihii sirdoonka tuhunku soo galay.

SHacabka s/land ayaa u badan dad aan si wayn wax u dhaadin fiiro gaarana ku eegin xadhkaha ay siyaasiyiintu isu maleegayaan. waxaan ku tilmaami karaa shacabka somaliland dad aad u wanaagsan oo masaakiina ALAA WATOO WEHEL UMA BAAHNA horaa loo yidhi daacadi ma hunguoowdo inkastoo daacidnimada ilaa xadkana aan loo baahnayn

Maanta waxa ka dhacay LONDON caasimida ingriiska mudaharaad aad u wayn oo ay soo abaabuleen jaaliyada taageerta jabhada SSC. waxay dadkaasi siteen calaamado iyo boodhadh ay ku qoreen  ha dalo ku lidiya maamulka s/land waxay ku dhawaaqayeen DOONI MAYNO s/land. Akhristoow sidoo kale waxaynu haynaa abaabul wayn oo ka socda gudaha somaliland gaar ahaan jiida buuhoodle oo dadka taageera SSC ay ku goodiyeen inay samaysanayaan ciidamo milatary oo gaadhadaya ilaa 100 0 kun askari.


DHamaan barnaamijyadan ay wadaan degaanka buuhoodle ayaa ah tusaale in aanay wax taageero ah u hayn s/land Hadaba ma qasabaa in MAAMULKA SOMALILAND uu ku haysto shacbi aan rabin oo aan wax niyada u hayn. Tan iyo markii ciidanka s/land lageeyay jiida bariga sool ayaa waxa ka  iman aayay is ka caabin yar yar oo ah ku dhufo oo ka dhaqaaq.waxa isa soo taraayay qurbajooga  dega anka buuhoodle oo kharash iyo aduun u diray dadka degaanka Hadaba shacbka somaliland iyo  xuku umadiisaba waxa la gudboon inay ogaadaan in ayaguba shalay ay iska xoreeyeen maamulkii MAXAM ED SIYAAD BARE.


waxa haboon inay ogaadaan in ayagaba la qasbi kari waayay oo awood ciidan lagu haysan kari  waa yaymaamulkii dawladii siyaad barana aakhirkii iskaga tagay dhamaan degaanka SOMALILAND ka dib markii shacabku sameeyay JABHADII SNM.AAKHIRKIINA ay taasi noqotay sababtii horseeday inay dhacdo dawladii siyaad bare dagaaladii sokeeye ayaaa ka sii xoogaystay dhinaca koonfurta  shacb kuna waxay ku daydeen sidii reer somaliland yeeshay isla markaana waxay diideen in ciidan danbe degaankooda awood ku haysto jabhadii USC ayaa ahayd tii ugu horaysay ee xabad ka rida  CAASIM ADA SOOMAALIYA MUQDISHO.

Si kastaba ha noqotee waxa la gudboon shacabka degaanka buuhoodle in ay laba kala daayaan ina y lugna kula jiraan maamulka SOMALILAND oo ay mushahaaro ka qaataan bil kasta dawlada s/land
lugta kalana ay COLAAAD KU HURIYAAN ayagoo raba inay dagaalo ka oogaan degaanka jiida bariga
DEGAANKA BEESHA LAASCAANOOD WAXAY LEEYIHIIN


1,WASIIRO.
2, TIRO XUBNAHA PARLAMANKA
3, TIRO XUBNAHA GUURTIDA
4, TIRO MAREEYAYAAL IYO AGAASIMAYAAL
5, BADHASAABO
6, TIRO BADAN OO CIIDANKA POLCIKA
7.TIRO BADAN OO CIIDANKA MILATARIGA
8, TIRO BADAN OO CIIDAMADA SIDA GAARKA U TABABARAN
9, TIRO CIIDANKA SIRDOONKA
10 TIRO AAD U BADAN OO AH SHAQAALAHA DAWLADA
Hadaba ayadoo intaas iyo in ka badan oo qoraalka aynaan kuwada qorayn ay leeyihiin degaanka sh acbiga laascaanood iyo buuhoodle ma xaqbaa hadana inay cawdaan oo maamulka ka soo  horjeest aan ma xaqbaa inay abaabulaan dagaalo KU DHUFO OO KA DHAQAAQA oo ciidanka qaranka ay la  be egsadaan


Ma cadaalad baa inay magaalada london ku mudaharaadaan MUDANE MADAXWAYNE ALXAAJI AXMED MAXAMUUD SIILAANYO

TALO KU AADAN XUBNAHA UU MAQAALKANI KHUSEEYO

1-----SHACBIGA DEGAANKA LAASCAANOOD IYO BUUHOODLE waxa la gudboon inay aayahooda iyo masiirka shacbigooda
ay ka daayaan KHIYAAMADA iyo HAGARDAAMADA oo dhinaca u dana ee umadoodu rabto ay ku raacan


waxa la gudboon siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta shacbiga inay ay umadooda waxa ay horumar ku
gaadhayaan isku raacaan oo ay ka daayaan inay IN LUGNA QARASHKA S/LAND kula dhuuqaan LUGTA KALANA


SSC u iljabiyaan aygoo leh [ waarwaan idin lasoconaaye hawsha wada].
DANTA SHACABKA DEGAANKU WAA IN AY NOQOTAA WAXA U DANA SHACABKA IYO RABITAANKA SHACABKA

2----dawlada somaliland waxaan talo kusiin lahaa dagaalkan sokeeye ee jiida bariga wuxuu horseedi karaa


buburka somaaliland oo bilaabma.
Hadaba qaskan oo maamulkii idinka horeeyay bilaabay waxa haboon inaad xal adag ka qaadataan
waxa haboon in arinka si wayn u eegtaan oo qaab cilmiyaysan ku waajahdaan xalinta dagaalkan sokeeeye
Waqtigan dhaqaalaha ugu badan ciidanku wuxuu ku baxaa jiida bariga ee laascaanood iyo buuhoodle


waxa maalin kasta aad ku bixisaan dhaqaale aad u badan oo looga faa,iidayn lahaa danyarta kale
ee degaanka degan.


anigu waxaan u arkaa in la gaadhay waqtigii FARAHA LAGA QAADI LAHAA SHACABKA LAASCAANO OD IYO BUUHOODLE loona daayo inay ayagu ka tashadaan masiirkooda iyo aayahooda.
ama ha ku biiraan


1,somaliland
2,puntland
3somaliwayn


ama ayagu waxooda ha iska BIYO BIYAYSTAAN oo ha la baxaan maamul cusub [ ayagay jirtaa] bal se in faraha laga qaado oo nabad lagula noolaado waxay ku dhaanto malaha[rag haa walaal wuxuu hadal ku dhaamo ma leh]
aduunyadan maraykan iyo naato oo awood leh ayaa xoog waxba ku haysan kari waayay[nina lama qasbi karo] ilaahoow sidii khayr leh ka dhig oo umada muslimka oo dhiigooda kala badbaadi


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London