Socdaal Wasiirka Ganacsigu Ku Tagay Gabiley Oo Dooxay Khilaafka Siyaasadeed Oo Ka Dhex-Taagan Wasiirada Gobolkaas Ugu Jira Xukuumada

 

      



Maamulka Gobolka Gabiley oo Hoolka Shirarka ee Golaha Deegaanka ka Qufushay Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdilaahi Cumar ........


Hargeysa (TNN):– Socdaal uu Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somalilan d Dr Maxamed C/laahi Cumar uu shalay ku tagay gobolka uu ka soo jeedo ee Gabiley ayaa Do oxay Duufaano siyaasadeed oo ka dhex taagan Wasiiradda xukuumadda Madaxwayne Siilaan yo ugu jira Gabiley, ka dib markii sida ilo wareedyo ay Wargeyska Haatuf u sheegeen in Maay arka iyo Badhasaabka Gabiley fulinaya awaamiir ay kula heshiiyeen dhinac ka mid ah labada g arab ay madaxda gobolkaasi u kala jabeen, taasina ay sababtay in si cad u diideen Maamulka gobolkaas inay soo dhaweeyaan Wasiirka Ganacsiga, ayna u furaan Hoolka Shirarka Dawladda Hoose ee Gabiley oo uu Shir uu Qurbo jooga gobolkaas kula lahaa.

Ilo Wareedadaas oo ka cudur daartey In magacooda la shaaciyo ayaa waxay dhacdadaas s halay Gabiley ka dhacday la xidhiidhiyeen inay arinta sii cakireen Maayarka Gabiley Shuceyb Maxamed Muuse iyo Badhasaabka Gobolkaas Yuusuf Ibraahim Geedi oo iyagu la kala saftey Saddexda Wasiir ee xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ugu jira gobolkaas ee Maaliyadda C/casiis Samaale, Warshadadaha Abiib Diiriye Nuur iyo Ganacsiga Dr Maxamed C/laahi, kuwaa s oo sida xogaha laga helayo ay xuseen inay fiintu kala dhexmiranayso wakhtigan.

Sidoo kale iyada oo aan la ogayn sababta rasmiga ah ee Maamulka gobolka Gabiley wasiirkaas uga xidheen Hoolka Shirarka ayaa hadana sida ay Wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen masuuliyiin u dhuun-daloola dhacdooyinkaas oo ka diiday in magacooda la shaaciyo ayaa tibaaxay in Maa yarka iyo Badhasaabka Gabiley ay sii cakireen khilaafyada siyaasadeed ee la sheegay inay ka dhex curteen Wasiiradda gobolkaas, kuwaas oo sida xoguhu sheegayaan la saftey Wasiiradda Maaliyada iyo Warshadaha Samaale iyo Abiib oo dhinac ah.

Dhinaca kale mar aanu isku daynay inaan wax ka waydiino arimahaas Maayarka iyo Badhasaa bka gabiley ayaanay noo suurta galin inaanu khadka telefoonka ku helno, balse wararka laga helay Magaaladda Gabiley ayaa sheegay in ka dib markii Wasiirka Ganacsiga laga xidhay Hoo lka Shirarka ee Golaha Deegaanka ay taasi ka cadhaysiisay qaar ka mid ah Xildhibaanadda iyo Dadwaynaha gobolkaas, taasina ay sababtey in markii danbe soo dhawayn xamaasad leh loo sameeyo Wasiirkaasi, isla markaasna uu shirkiisii uu u socday uu ku qabsaday hoolka Jaama cada Timacade ee Magaalada Gabiley.

 

Source: Haatuf