Socdaalka Madaxweynuhu wuxuu aad u xoojiyay cilaaqaadka iyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeya Somaliland
 

 


Jaaliyada Somaliland UK (SSUK) waxay aad u soo dhawaynaysaa kuna bogaadinaysaa Madaxwey naha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ahmed Mahamed Mahamuud iyo wafdigii la socday guush a ay ka soo hooyeen socdaalkii ay ku soo mareen Kenya iyo London.


Socdaalka Madaxweynuhu wuxuu aad u xoojiyay cilaaqaadka iyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeya Somaliland, Maraykanka iyo UK. Arrintaa oo ka mid noqonaysa talabooyinka wax ku oolka ah iyo wax qabadka xukuumada mudadii gaabnayd ee ay xilka haysay.


Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hogaaminayay waxa ay si sharaf leh ugu qaabileen xu bno ka mid ah bulshada reer soomaaliland ee dagan UK. 12/02/2013 kii qolka shirarka ee huteel ka Sheriton. Kulankaas oo ujeedadiisu aheyd is xogwareesi iyo in bulshadu aragtiyadooda ugu gudbiyan waftiga uu hogaaminayey madaxweenha Somaliland mudane Axmed maxamed Maxam uud.


Gabagabaddii Gudida Somaliland society UK “SSUK” Waxay Shacbiga Somaliland UK ugu baaqaya an:

In marxalada iyo duruufaha inagu soo fool leh inooga baahanyihiin isku duubni iyo wadajir iyo in aynu is garab taagno dadaalka iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee xukuumada Somaliland ugu jirto ictiraaf raadinta, horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha guud ahaanba.

Waxaanu sidoo kale ku dhiirinaynaa xukuumadu inay sii wadaan dadaalka ay ku jiraan dulqaadna u yeeshaan dhaaliilaha shacbigu u soo jeedinayaan una qaadanin arin shakhsi se u arkaan toosin iyo wax is tusba.

Sidoo kale gudida SSUK waxay ka codsanayaan dhamaan waxgaradka, odayaasha, masuuliyiinta sadexda xisbi qaran ee dagen UK, Somaliland mission, SSUK iyo SSE in ay sida ugu dhakhsaha bad an u yeeshaan kulan lagaga arinsanayo sidii wadajir iyo is afgarad loogaga bixi lahaa arimaha ku yimaada ama soo wajaha bulshda.


Kulankaas oo gudida SSUk sida ugu dhakhsaha badan dib uga soo sheegi doonaan madasha iyo goorta la qabandoonaba.....
 

 



Allaa mahad leh
Gudida SSUK
London