Socdaalkaygii Somaliland - qaybtii 3aad

 


Naftu waxay tabaysay dalkii hooyo,waxay ku daashay dhaxanta iyo  dhibaatad a qurbaha, gaar ahaan qaarada europe. Aragtida qarsoon ee madaxa qiyaaso waxa ii muuqday burbur iyo dib u dhac,waxa kale oo ii muuqday siyaasada dalka oo iyana jiho-wareersan.

Mudaharaadyadii aan la kulmay mid ka mid ah ayaan ka hadlay qormadii inoogu danbaysay. Maanta waxa aan dulmari doonaa guud ahaan shacabku horuma rka uu sameeyay,nolosha guud,hab-dhaqanka dawladda,iyo xaaladda guud ee soo galaaga dalka ku nool.

Hargeysa,Burco,Berbera iyo Borama midina maaha magaalooyinkii aan aqaanay ee ay iigu danbaysay 2001.Dhamaan aad ayay u fideen.

Aan ku horeeyo magaalada caasimada dalka Somaliland ee Hargeysa,dhismayaa shu waxay ahaan jireen kuwo gaaban oo uu ugu dheeryahay "Oriental  Hotel", fooqii Biss, maantana waxa aan ku soo arkay dhismayaal aad u bilicsan sida  "Tel esom", dhismaha cusub ee Dahabshiil iyo guryaha dad ku gaar u leeyihiin oo aad u bilicsan.Magaaladu waxay aad ugu fiday dhinacyada koonfur,waqooyi,bari iyo galbeed.

Suuqa ganacsiga ee badhtamaha magaalada marnaba si fudud ku dhex mari kari maysid.Aad ayuu cidhiidhi u yahay,waxaana la yaab leh jidadka oo ay  bacadlay aal ka soo horeeya dhismayaasha dukaanlayda ah ama makhaayadaha ah ee w adooyinka xidhay.

Waxa ku soo biiray magaalooyinka supermarkets isu dhan oo aad u bilicsan,sida Ilbirta,Busharo,Xamdi iyo star iyo qaar kaloo badan.Waxa iyaguna ku soo  kordh ay ganacsiga cusub goobo isu dhan oo ka kooban hotel, makhaayad, supermark et,kaalin-shidaal iyo Car-wash.

Waxa iyaguna xasuus mudan Hotels hurdada oo bilicdooda iyo adeegooduba  sa reeyo,sida Ambasador,Maansoor, Imperial,Palace hotel, iyo Rays hotel.

Makhaayadaha heer sare oo iyaguna tayo fiican leh,sida Dalxiis,Golis, Rayaan, S ummertime,Obama Restaurent iyo Xaraf.

Dhamaan waxyaabahaa ku soo kordhay bilicda iyo ganacsiga waxa ay ku timi da daalka shacabka Somaliland.Waxaanay ku tusaysaa sida ay shacabku ugu  heela nyihiin inay qaybta ugu laxaad weyn ka qaataan horumarka dalka.Waana mid  all aah mahadii ah,kuna  ammaananyihiin shacabka Somaliland.

Dhinaca waxbarashada waxa dalka ka jira waxbarasho aad u ballaadhan ilaa he er jaamacadeed balse qubane ah oo isku jiho aan u aroorin.Waxa aad dalka ugu badan malcaamado ilaa jaamacado gaar u ah shacabka,Dhibaato laxaad leh  aya a labada hab ee kala ah ka maamulka dawlada iyo habka gaarka loo leeyahay ka jira oo haba yaraatee isla jaanqaadin, una baahan hab laysugu keeno oo  nidaa msan si ay isku tayo u noqdaan,shahaadadahooduna isku heer noqdaan.

Dhinaca wadooyinka hadii aan taabto waxa jira jidadkii hore oo dayac weyni ka muuqdo,wadooyin cusub oo ay dawladda hoose dhamaystirtay iyo kuwo kale oo gacanta lagu hayay una badan xaafadaha fiday ee darafyada magaalooyinka. Biyaha oo iyagu ah halka ugu liidata,welina aan la jaanqaadin fidida magaalooyi n ka iyo korodhka shacabka ku noo magaalooyinka waawayn ee Somaliland.

 Waxa iyaguna dib-dhacka muuqdaa wadooyinkaa isku xidha gobolada iyo  maga alooyinka waawayn ee dalka Somaliland.

Guud ahaan waxa hubaal ah inuu shacabku karti iyo dadaal xooggan oo horumar ballaadhan huwan qaaday kana dheereeyay dawladda oo arrimaha aan  tilma amay ee adeegga bulshada ay gaabis ka tahay.



La soco qaybta 4aad



Xuseen Badmaax