SOCDAALKEYGII SWEDEN IYO NORWAY...

MUSTASHAR AHMED HASSAN ARWO

 



Waxaan u boqolay Stockholm si aan uga qayb galo dabaal deggii sannad guuradii 25naad ee qaranimada aynu la soo noqonay iyo xuska 18ka May 2016. Waxay ahayd maalin dama ashaad iyo xusuus murogo iyo qiimeyn guulaha halgankii SNM ee dalka lagu xoreeyey. Maalin reer Soomaliland oon cidi ka maqnayni go' aansadeen inay ka baxaan midnimadii dulmiga iyo duudsiga, ooy noqdaan qaran iskii u madax banaan soona celiyaan qaranimadii ay shuruud la'aanta ku fool eryeen.

Waxaa maalintan noo qorsheysnaa afar dhacdo oo is daba joog ah. Kow waxaanu ku jarmaadnay inaanu warqad ka timid madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed u gudbino Wasaardda Arrimaha debedda ee Sweden. Waxa aniga, Safiirkeena Rhoda Cilmi iyo Maxamed Bidhiidh Badda oo ah Guddoomiyaha Ictiraaf Raadinta ee Sweden aan u dhiibnay warqadda Madaxweynha oo xanbaarsanayd taariikh, garnaqsi iyo dalab ictiraaf, Madaxa Wasaaradda u qaabilsan Arrimaha Afrika. Waxaanu raacsanay hadal kooban iyo shir aanu si ka fool ka fool ah uga dhaadhicinay qadyadeena.
WAxaanu kala tegnay ididiilo iyo balan qaad wacan una baahan dabogal iyo joogteyn is arag.
Daawo videogan:
https://www.youtube.com/watch?v=r9l3wKJc-zE

Waxa xigtay inaanu bulshoweynta Sweden ee reer Soomaliland oo fagaaraha Barlamaanka ee badhtanka Stockholm oo banaan bax dhoolo tus iyo bandhig kala qayb qaadano annaga oo qudbado taariikh iyo guubaabo ka jeedinay fagaaraha. Waxaan idinku dhaafayaa intiina aan ka bogan warbaahinta dalkeen Videogan hoose ooy ku dhan yihiin barnaamajkaasi. Guji linkan oo hoos ka daawo.

https://www.youtube.com/watch?v=Pu0tx9O3T_w

Waxa xigtahy gudbin laba baaq oo midna yahay kan ay xanbaarsantay Warqadda Madaxweynha, tan kalena ay tahay mid ka timid daladda Jaaliyadda Somaliland ee Sweden iyo SSE oo aanu u gudbinay Guddiga Arrimaha Debedda u qaabilsan barlamaanka Sweden. Waxaana nagu weheliyey aniga iyo safiirka Guddoomiyha Daladda Zakariya Wacays iyo Xoghayaha SSE Mustafe oo banaan bixii iyo baaqaba ahaa hormoodka qabanqaabada xafladda 18ka May.


https://www.youtube.com/watch?v=eQqYrolvkIE

Waxa 7-9pm bilaabantay siminaar iyo dood cilmiyeed ay wadeen Seddex xildhibaan oo barlamaanka Sweden ah kana mid ahaa oo uu abaabulay Xildhibaan ka soo jeeda Somaliland Mudane Amiir Sakariye. Waxana ka soo baxay qodobo ay ku ololeyn doonaan golaha dhexdiisa.





Kow: In la kala saaro Soomaliya iyo Soomaliland kolka la qiimeynaayo xaaladda nabad gelyo, si Soomaliland looga saaro digniinta guud ee saaran Soomaliya.

Laba: In la xoojiyo safaaradeena oo inta ictiraaf guud la gaadhaayo ay siiyaan mustawaha Falastiin.

Seddex: In La dhiso ha'yad Swedish ah oo ka hawl gasha Somaliland kalana shaqaysa mashaariicda ay Sweden wado.

Afar: In Soomaliland laga caawiyo horumarka iyo shaqa abuurka si loo joojiyo tahriibta dhalinyarada ee Yurub aad uga cabanayso.

Shan: In Somaliland laga caawiyo dhinaca dimuquraadiyadda iyo hanaan socodka doorashooyinka nidaamka xisbiyada badan iyo in toos loola yeeshi iskaashi dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Waxa fiiro gaar ah lahayd sida ay u dhammaayeen goob kasta oo xafadi ka socotay seddexda xisbi iyo taageerayaashoodu. Taas oo ka marag kacaysa sida ay qadyadda qarannimo ay uga mideysan yihiin. Inkasta ooy taas tahay mid caadi ah oo waajib dhammaan ina saaran ah, haddana kolay anigu waxaan dareemay inay si siyaada ah ay wadajir iyo midnimo uga muuqatay.


Maalin ka bacdi waxaan u boqolay Oslo iyo Norway. Waa meel aan saxiibo culculus ku leeyahay oonan muddo is arag. Dabcan maan gaadhin damaashaadkii 18ka May, laakiin waxaan ka dabo tegey farxaddii iyo reynreyntii jawiga Oslo. Soo dhoweyn heer sare ah oo uu hogaaminaayo Safiirkeen Sulub Ismaaciil Warsame, iyo Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Norway, iyo Oday Jaamac Yuusuf oo Ismaaciil Xidhinta, dabadeed waxaan kula kulmay hool weyn bulshada Oslo oon uga xog waramay arrimaha dhaqaalaha, horumarint dalka, arrimaha siyaasadda doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyadda.



https://www.youtube.com/watch?v=aiFIpqdbhWI


Waxaan si gaar ah ugu farxay la kulanka saaxiibkey nin aanu soo wada kornay Axmed Xaaji Nuur oo ah hormoodka Jaaliyadda Oslo. Nin afafka dunida ugu adag Alle u sahlay waa afka Shiinaha iyo kan Norway dalkana ka ah Sheekha Soomaal. Kulan gaar ah oo saxiibnimo ayey habeenkaasi ahaa isaga Cumar Daarood iyo Jama Yuusuf Jamac Yare oo isna ahaa saxiib ilaa yareentii iyo Danjire Sulub. Waxa intaas weheliyey kulanka Xisbiga Kulmiye oo gole iyo gooniba aanu isu aragnay Guddoomiyaha, Xoghayaha, Guddiga kale iyo odayga xisbiga Axmed Cawad, Guddoomiyha iyo Guddiga Garabka Haweenka iyo taageerayaasha dhalin iyo waayeelba.

WAxa iyana ii xigtay kulan hoosaad hadhimo ah oon la qaatay xulka iyo hormoodka degaanka Waqooyiga Hargeysa iyo Galbeedkeeda, taas oo gunteedu ahaa taageerda xisbiga Kulmiye iyo dardar gelinta bulshada si loo dhaqaajiyo hawl galka xisbigu u baahan yahay, iyaga oo si gaar ah ula shaqaaya Guddiga Xisbiga ee Norway, soona jiita bulshoweynta Soomaliland, iyada oo la ogyahay in xisbigu yahay xisbi qaran kana furan taageero aan cidi kaga badnayna ku leh dhammaan goballada dalka, ayna tahay in sawirkaasi ka muuqdo goob kasta oo qurbaha ah, si ay isku mid u noqdaan sawirka gudaha iyo kan debedduba.

Gun iyo gunaanad. Aaan idhaahdo Iskandaniifiya waan u qushuucay dad iyo dalba. Dhul nafis ah oo nadiif ah, dad shaqaysta wax barta aad u dhex galay degaanka, haya manaasiib siyaasadeed iyo qaar maamulba haddana aan iloobin dalkooda hooyo. Dad si dhab ah u fahamsan kala duwannaanta siyaasadda oon ku coloobin xisbiyada ay kala taageeraan. Waxaan soo xaqiiqsaday taageerada Kulmiye inaan meelna lagaga horeyn.

Guul Soomaliland.

Mustashar Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maal gashiga.

samotalis.blogspot.com,