SOCDAALKII SAADAASHA WACAN...QAYBTII LABAAD..MUSTASHAR AXMED CARWO
KULANKII HALDOORKA JAALIYADDA SOMALILAND EE UK IYO MURASHAXA
MADAXWEYNH A EE KULMIYE
Waxa noo bilaabantay dhinacii labaad ee socdaalka waa kulamadii
Murashaxa Madaxweynha ee Kulmiye Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Boqoshada hoteelka ee qaraabo, asxaab iyo muwaadin waxa barbar socda
kulamo sifo rasmi ah loo agaasimay oo jaaliyad iyo garabo dawladda
dalka UK ka tirsanba leh.
Laba xafladood ee Birmingham iyo Sheffield lamaan socon oo wafdiga
waxaan kaga daahay Passportkii oo iga lumay, oon bedelkiisa Addis u
joogay. Waxaan se ka daawaday Tvga oo xafaldo heer sare oo Murashaxu
ku soo bandhigay qaybo ka mid ah barnaamajka Kulmiye ee dorashada
2017 iyo hiigsigiisa iyo hummiladiisa hogaameed.
Waxa ugu horeysay habeenkii xigtay, habeenkii weynaa ee Kulnakii
Madaxweynha een qaytii kowaad kaga soo hadlay. Xafladdan caawa oo ah
9 October 2016, waa hotel kale iyo fagaare xul ah oo haldoor iyo
aqoonyahanka Somaliland ay ku casuumeyn Murashaxa iyo xog wareysi
inagu cusub. Waa su' aalo aan hore loo shaacin oo ruux kasta fursad
loo siiyey inuu Murashaxa ku gano, si loo helo mabda'iisa,
dulqaadkiisa, aftahankiisa, aqoontiisa iyo ugu horeyn hogaamintiisa.
Mey ahayn sidii cadada ahyd in su'aalo la soo qoro, deedna la kala
doorto. Waa su'aal iyo ninkeeda amba gabadheeda oon hore loo ogayn.
Anoo idinku dhaafaaya warbixin kooban oo video ah, aan idin
xusuusiyo, qodobada nuxurka jawaabaha Murashaxu ku soo uruurtay oo
aad u kooban. Waa ani iyo caqligeyga intaan ka doortay, ee ma aha
inta ugu muhuumsanayd, ninba meel ayaa u culus. Barnamajku waxuu
socday ku dhowaad seddex saacadood. Markaas waad garan karta inta
yar een shegey intay ka tahay.
GUJI HALKAN OO DAAWO:
http://halgannews.net/articles/2187/DaawoHaldoorka-Magaalada-London-Oo-Muuse-Biixi-Suaalo-Ku-Dhego-Barjeeyey-Kulan-Dheerna-La-Qaatay
1- Murashaxu waxuu culays saarayaa nabadgelyada, difaaca qaranka iyo
qofka. Waa in la dhisaa ciidan, boliis, sir doon tayo, qalab iyo
tababarba leh.Taas si loo helo waa in sharcigu shaqeeya, boliiska
iyo garsoorka guud ahaan madax banaanadaan, awood fulineedna
yeeshaan, qalab iyo mushahar ay ku hawl galaana la door bido. Waa in
sharcigu noqdaa mid loo siman yahay oo lagu kala baxaa, lagu
kalsoonaada, lagana baxaa xeer jabjabka.
2- Tayayenta Tacliinta, oo lagu sar jaro baahiyaha qaranka. Iyo in
la sameeyo dugsiyo farsamo.
3- In La hirgeliyo barnaamajka Iskaa Wax U qabso iyo Shaqo qaran oo
dhalinta lagu siiyo fursad ay dalkooda wax u qabtaan
4- In la dhiso lana hirgeliyo barnaamaj degmo kasta iyo gobal
kastaba ay yeelato tartan isboorti oo joogta ah, si dhalinyarada
looga baajiyo waqti firaaqaha iyo tahriibta. Tahriibtu waa aafo
dunida oo dhan ka taagan, waana in aynu ka yeelano siyaasad cad oo
dhiirigelisa shaqo abuurka iyo dhirigelinta isbortiga, iyo
wacyigelin joogto ah kuna sabsan la dagaalanka maan dooriyaasha.
5- Dib u eegid ayaa lagu sameyn doonaa nidaamka maaliyadda guud
ahaan gaar ahaan habka cashuur qaadista, iyada ooynu horumarinayno
cshuurta tooska ah ee ku dhisan awoodda qofka iyo dakhligiisa
(Income Tax), iyada oo aynu yareyn doono ku tiirsanaanta cashuurta
dadban ( Indirect Tax) ee culayskeedu si gaar ah ugu dhaco dan yarta.
6-Maalgashiga muwaadin iyo ajnabiba waxuu ku dhisnaan doonaa baahida
dalka iyo faa'iidoonka guud ee laga helaayo. Waxa la dhiirogelin
doonaa wax soo saarka beeraha, kalluumeysiga iyo xoolaha. Dhaqaalaha
dalku waxuu ku dhisnaan doonaa in degmooyinka dalka oo dhan la
gaadhsiiyo, weliba kuwa dambeeya kor loo qaado, iyadoo la
dhiirielinaayo maalgashiga degmooyinkaas.
Aan u dhaafo qiimeynta intii goob jooga ahayd, walow aan ogahay
dareenkooda oo ahaa mid ay ku muujiyeen qushuuc iyo dhoola-caddeyn.
Waxaan se ogaaday kolka dadku rabaan inay madaxdooda si niyad san ay
u qiimeeyaan inay heli karaan cidda ku habboon hoggaaminta dalka.
Bulshooy qiimee ninkaad hogaaminta dalka u dhiibeyso, hoggaamiye waa
nin looga baahan yahay go'aan qaadasho, nin wax dhegeysta, xusuus
badan, samir badan, soo maray marxalado go'aan adag, nin dalka la
wadaaga nolol iyo taariikh, nin dhaqan iyo diin wanaag leh. Nin
dadka la tashada laakiin go'aanka isagu gaadha. Nin sharcigu qabto
oon noqon sida kuwa ku faana meel haddii lagu magacaabo waa intaad
baneysataa. Kuwaasi hadday hoggaanka qabtaan distoor xidhimaayo,
sharcina qabanmaayo
Guul iyo Midnimo, Insha Allah
Mustashar Axmed Xasan Carwo
|