|
Somaliland Bi’iska: Waxaad Tahay ku Inagu
Dheeraad ah oo Buka oo aan Sinaba u Dawoobayn

Doraato tii ka horeysay, adigaa,
qabyaalada sumeysan, munaafaqada, xinka, xasadka, iyo fidnada dhigay
oo ka soo horjeestay halgamayaasheeni, geesiyadeeni, iyo
halyeyadeenii dhaliyey xormadii aanu sida maangaabnimada ah isaga
luminay sannadkii 1960 soona celiyey madaxbanaanidii ummadeena iyo
dalkeena hooyo ee Somaliland ee aanu maanta haysano faan weyna inoo
ah iyo calankan barakeysan ee aan abidkii tegeyn ee hoodada iyo
quruxda badan leh ee Towxiidka Eebe ku xardhan yahay ee inaga dul
babanaya kaasoo babashadiisa joogtada ahi, ay leedahay neecaw qaboow
oo naxariis leh oo guul iyo gobanimo ku dheehan tahay.
Doraatona, adigaa, dib u socodnimadaada awgeed inagu keenay, in aan
SNM iyo Mujaahidiinteeni sidaa looga hadhin ee gebi ahaanba iyaga
iyo qoysaskooda iyo agoomahoodaba la cunaqabateeya lana silciyaa
afxumo iyo kibirna loogu daraa gebi ahaana saaxada siyaasadana laga
saaro oo weliba taariikhdooda qalbiga iyo baalka dahabka inoogu
qorana la dhooqeeyo laguna bedelo kuwo aan u soo halgamin ummadan
iyo dalkan oo inoo soo shaqo tegay wax lexejeclona ka qabin ummadan
iyo dalkan oo qaarkood weligood qiiq isku qarinayey qaarna, ay
ahaayeen nacab cadeystay oo dhagarqabeyaal ah oo la wada garanayo
dhagaraha iyo godobta, ay ummada iyo dalka ka galeen kuwaasoo
shisheeye iyo cadow kasta oo aanu caalamka ku leenahay inoo soo
raacay kana haysta kalsooni balaadhan hoostaasna uga hawlgala soo
celintii guumeysigii madoobaa ee ayka midka ahaayeen ilaa iyo
burburkii qaran jabkoodii ee aanu sida xaragada leh uuga adkaanay
iyo hirgelinta riyadii iyo mabaadiidii Somaliweyn ee cadaaweed ee
waa hore uu gabalkeedii dhacay adigoo weliba si cad ugu dabadhilif
ah kuna garab taagan dib u socodnimo iyo xume kasta oo ay inoo
maleegaan ee ay ku talax tageen sida maamul xumada, kelitalisnimada,
garmaqaatenimada, macangegnimada, qayral mas’uulnimada, baadilka,
cadaalad darada, xadhiga sharci darada ah, xasuuqa dhaliyaradeena
dulmiga ka gadooda, musuqa baahay ee dhinac walba saameeyey, boobka
hantida ummada iyo qaranka, boobka khayraad dabiiciga ee bad iyo
beriba lehi, soo oodida dhamaan ilaheeni dhaqaalaha, minjo xaabinta
Danta Guud, khiyaamo Qaran, iyo Qaran Dumisnimo.
Waxa kale oo aad si cad ugu garab taagneyd uuguna adeegaysay fulinta
shirqolada ee ay geed gaaban iyo geed dheerba u fuuleen ee hadh iyo
habeen loo maleegayo minjoxaabinta nabadgelyada iyo xasiloonida guud,
kala dhantaalida midnimada ummada iyo degaanadooda, maleegida been
abuurka, xaalad abuurka, hurinta qabyaalada sumeysan ee goboleysiga
ku saleysan, colaad hurinta qayaxan, bahdilaada hab dowliga,
ragaadinta dimoqraadiyada, carqaladeynta doorashooyinka, ku
tumashada Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala, curyaaminta
horumarka guud, rajo xumeynta aayaha iyo mustaqbalka, waxyeeleynta
yuhuunta muwadiniinta, iyo raad gurida hawlaha loogu jiro
helintaanka ictiraaf caalami ah, iyo isku dayga burburinta qadyada
iyo jiritaanka Somaliland.
Shalayna, adigaa, hab qabyaaladeed iyo hab dib u socodnimo ahba isa
soo baraxay kana soo horjeeday, in shaagu inoo rogmado oo aanu hore
u socono oo aanu dhameystirno geedi socodkeeni dimoqraadiyeed oo
dhameystirno doorashooyinkii ummada dhami iyo caalamkuba, ay indhaha
ku wada hayeen ee aanu wax ku noqon lahayn ee la inaguna aqoonsan
lahaa, haddii xiligii loogu talo galay oo dalka oo dhami ah ay si
nabadgelyo iyo xarago leh inoogu qabsoomi lahaayeen adigoo weliba ku
marmarsoonaya, inaadan geli doonin doorasho ama aad qaadaci doontid
doorashada, haddii ay dhici weydo Diwaagelinta Codbiyeyaasha
sababayna in doorashadii dhamayd dhowr jeer dib loo dhigo oo maamul
xiligii loo igmaday uu ka dhacay mudo kordhin qayral dastuuri,
sharci daro, iyo xaaraan ahba loogu daro kuna garab istaagto kaasoo
si walba oo cadaawad lehi inoogu sii dul rafanaya oo xitaa neefkii
adhiga ahaana inagu haysta oo maantan, kibir inta uu ka gaadhay
indhaheena oo shan ah uu dalal iyo shariikado ajinebi ah, heshiisyo
qarsoodi ah la soo galay si ay inoogu xad gudbaan kuna daadiyaan
badaheena sunta iyo hadhaaga “nuclear-ka” oo ay xitaa sumeeyaan”:
Xabaashi iyo Degaankii MAYDH ee Awoowayaasheen Sheikh Isxaaq (Allaha
ha u naxariistee) iyo Sheikh Ciisa (Allah ha u naxariistee) ee sida
nabada, sharafta, iyo karaamada lehiba halkaa uugu aasnaa qarniyo
dhan. Subxaanallaah!
Kumaakunka Kaluun ah iyo guud ahaan xayawaaka kale ee ku nool
badaheena ee la sumeeyey ee sidaas lagu wada xasuuqay lana dhabar
goyn rabo ee wiigan iyagoo wada mayd ah ku soo caariyey degaanada
Maydh ilaa Laas Qorey, waa dembi kabaa’ir ah, dhagar baaxad weyn,
godob ma hadho ah oo laga galay xayawaankii Illaahay, khayraadkii
ummada iyo dalka, Beelaha ku abtirsata Sheikh Isxaaq iyo Sheikh
Ciisa, muwaadiniinta iyo degaanada Maydh iyo Laas Qorey, iyo guud
ahaan shacbiga iyo dalka Somaliland taasoo wax ka qabasho deg deg ah
u baahan cidii ka mas’uulka ahaydna la soo taago maxkamad qaran iyo
mid caalami ahba—waana taa halka ay isugu soo biyo shubatay falalka
cadaaweed ee nacabka iyo cadowga kugu qaraabanaya ee aad sida lunsan
dabadhilifka u tahay ee aad u nacamleynayso ee aad ku sii garab
taagan tahay dhagaraha iyo godobaha, ay bad, beri, cir, iyo guud
ahaan ummada iyo dalkeena hooyo ka gelayaan ee khatarteeda lehi.
Maantana, iyadoo la wada arko heerka cadaaweed ee la isla gaadhay
maadaama xitaa labadeeni Shiikh ee Karaameysnaa la qadarin waayey
dembina laga galay si kibir ku jirtona loo sumeeyey xabaashoodii iyo
degaanada ku xeeraan oo kuwa ku abtirsadana aan wax la isaga
tirineyn maadama gudinta geedka lagu goynayo, aad badhkeed tahay,
ayaa misna isla adigii, ayaa hadana si bilaa xishood iyo bilaa
akhlaakh ahba oo laga yaxyaxo u horsed ah xume kale oo hor leh
afkana gacanta saaray oo hayaay iyo qaylo dhaan beeleed iyo tu
degaaneed iyo gobaleysi ahba afarta jaaho u kala diraya kana
cabanaya isla Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee aad
ku adkeysatay, in qabasho la’aanteeda, inaadan sinaba uga qayb geli
doonin doorashooyin xor ah oo xalaala ah oo dalka ka wada dhaca
adigoo is moodsiiyey inaad cid ama beel ama degaan gaar ah baad ku
jiqsiinaysa oo guulahooda iyo soo bixitaankooda siyaasadeed iyo ku
guuleysigooda xukunka dalka, ayaad iska hortaagi kartaa iyadoo sidii
macangegnimada ahayd ee kuu caadaada ahayd ee maangaabnimadu, dib u
socodnimadu, dulinimadu, iyo gunnimadu ku jirtay ee aad horey u
dooratay laguu yeelay maadama aadan cidna ka adkeyne ee xiligaas la
xeerinayey nabadgelyada iyo xasiloonida guud, danta guud,
lexejeclada ummada iyo dalka laga qabo, iyo qadyada iyo jiritaanka
Somaliland.
Dhinaca kele, waxa kaa cabaadinaya kaana oohinaya ee qaylo dhaanta
kugu kelifay, waa la wada garanaya oo wey iska cadahay, inay
baroortu orgiga ka weyn tahay ka dib markii, ay kuu cadaatay, inaad
xumahaagii waxba ku qaadi weyday oo aad weligaaba cidla jafeysay
kuna asqowday ummad iyo dal uu Eebe ilaashanayo oo aad si cad u
fashilantay oo aad if iyo aakhiroba ka joogto tacab qasaar maadama
shirqooladii mugdiga ahaa iyo hagardaamooyinkii cadaaweed ee aad hab
qabiil, hab degaan, iyo hab goboleysi ahba aad uugu gabanaysey ee
aad sida foosha xun ee gunnimadu ku jirto aad inoogu fulinaysay
xumahaasoo aad si aan gabasho lahayn aad uga wakiilka ahayd nacabka
sokeeye iyo midka shisheeyeba ee gabalkoodu dhacay ee maanka iyo
maskaxda kaa haysta.
Waxa kale oo aad la ooyeysa ka dib, markii, ay kuu muuqatay, in
dhamaan falalkii nacabeed oo dhami ee aad ummada iyo dalka ku haysay
loo wada dhabar adeegay samirkana lagu dilay oo si degan loo wada
xidido siibay taasoo kugu keentay murugo weyn, cabsi baaxad weyn,
iyo qaylo dhaan nasaqan oo hayaay iyo tolla’ayeey ah oo uu Ibleys
dabada ka hagayo oo aan loo fadhiyin adigoo si iimaanlaaweni ah ku
doodaya dhadhamo yar oo lagaa qadiyey ama sami yar oo lagaa qadiyey
gobol ahaan, degmo ahaan, iyo beel ahaanba ama kharashaad iyo
gaadiid yar oo laguu hawlgelin waayey oo la xidhiidha hawlaha
diwaangelinta ee socda maadama aadan qiil kale haysan ka dib, markii,
ay kuu cadaatay, inay hawlaha qaran ee diiwaangelinta
codbixiyeyaasha, ay fashilin doonto beentii aad weligaa ku andacoon
jirtay ee la midka ahayd “Intii madax madow iyo Majeerteen baa is
le’eg” oo hada la kala ogaan doono tirakoobka inta qaan gaadhka ee
Gobol walba, Degmo walba, iyo Tuulo walba ka diiwangashan lana
rajeynayo inay ka footeeyaan mustaqbalka dhow la tixraaci doono
marka la qondeenayo miisaaniyada, mashaariicda, iyo guud ahaan
qorsheynta dalka. Hadaba, adigaa doorashooyinka carqaladeeyey oo
diiday, in shacbigu uu sidii hore ee jacburka ahayd ay u footeeyaan
ee ma Gudiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku dulmaya kuna
fashilinaya kuguna khatarta ah?—fuloow, guuli kuu dhoweyda!
Intaa waxa ii dheer, inaad ogaatay inaadan haysan awood sokeeye iyo
mid shisheeyeba oo aad ku joojin karto webigan wadaniga ah ee
xawliga ku socda ee qulqulaya ee isbedel doonka ah ee
dimoqraadiyadeed ee qaar ismoodsiiyey, inay ISBAARO u dhigan karaan
burburna ku keeni karaan iyagoo adeegsanaya hab qabiil iyo hab
goboleysi ahba haatana haatana isku qarin raba ku biiritaanka
Xisbiga UCID si ay Riyaale, UDUB, iyo nacabkii ay sida qarsoodiga
ahayd uugaga sii ololeeyaan kuwaasoo hungo weyn ka taagan riyadoodii
mugdiga ahayd oo guul daro baaxad weyni, fashilaad, khaaatumo xumo,
iyo burburka ku yimid mustaqbalkoodii siyaasadeed, ay ka raacday ee
kaaga darane, ay iyagu iskood lugta isaga toogteen ee Eebena
calaamad gaar ah ka muujiyey taasoo ku keeni doonta, inaaney cid
dambe aamini doonin lana iska wada ilaalin doono aakhirkiina la
takoori doono, hadii aaney, intay goori goor tahay, ka soo noqon
waayaan xumaha, ay sii dhex dabaalanayaan ee ay ku talax tageen una
hogaansami waayaan duufaankaas wadaniyeed ee xoogan ee aaney cidina
hor istaagi karin ee uu Xisbiga KULMIYE, Mas’uuliintiisa, iyo
Taageerayaashisu gude iyo debedba, ay horseedka ka yihiin ee
mustaqbalka dhow barwaaqada, baraaraha, iyo horumarka inagu maasheyn
doona ama inoo horseedi doona ee lagu wada caano maali doono—waana
waxa maanta kugu kelifay qaylo dhaantan raqiiska ah ee aadan waxba
ku qaadi doonin.
Run ahaantii, waxaanad taahay ku nagu dheeraad ah oo buka oo aan
sinnaba u dawoobayn oo aaney u muuqan wadaninimo, aayo ka tashi,
halka aanu hiigsaneyno, wanaag kasta, is qadarin, wada dhalasho,
xidid iyo xigaalnimo, ood wadaagnimo, wadanoolaansho, wada tashi,
isu tanaasul, wax wada qabsi, wax wada cun, ku noolaasho nolol
wanaagsan oo sharaf leh oo wanaaga iyo gobanimadana ku diiqadooda
waxna aan ku fiicnayn ee ay danta guud uun isu kaaya keentay ama
iskaaya baday lana mid ah saxaaro walwaalkii qadhmuunaa ee ku
bakhtiyi jiray marka cadar lagu shubo ee la is yidhaahdo udgooneeya
kaaga darane, maanta, waa lagu wada fahmay oo ma haysatid qiil dambe
iyo meel aad ciirsato iyo cid aad miciinsato toona, waana lagula
xisaabtami doona lagaana goyn doonaa hagardaamooyinkii aad hore iyo
hadaba aad ummada iyo dalka u geysatay.
Hadaba, adigoo xaalkaagu kaa yahay, ayaad weliba qabyaalad madhan
iyo goboleysi aan waxba kuu tareyn aad wadaa oo aad shalay idaacada
qaranka ee Radio Hargeisa iyo TV-ga Qaranka ee lagu bixiyo cashuurta
ummada laga soo guro aad habeen walba ka caytamaysay kana
hanjabaysey oo aad si ku celcelis ah ka dhex lahayd, Habar Jeclo ha
ka baxdo magaalada Hargeisa ee ah casimadii dalka JSL ee loo wada
siman yahay; markii dambena aad lahayd, Habar Jeclo iyo Reer Bari ha
ka baxeen Hargeisa oo aaney cidina kuu juuqin ismana aydun qaban
haba yaraate ileyn, ceebtiina ma’ahe ee waa caadadiina’e.
Bal, adigoo kulaalaya nimcadaa Eebe suurtageliyey ee uu isugu keenay
muwaadiniintii Somaliland oo dhan iyo kuwo ajinebi ahba tan iyo
xukunkii Ingiriiska ee la wada degay lana wada maal gashaday lana
wada horumariyey casimadaas, ayaad haahilnimo awgeed aad istidhi,
dadka waad ka xariifsan tahay uuguna ilbaxsan tahay kana
maalqabeysan tahay oo nimcadaas oo dhami, adigaa, uun baa kasbaday
iskana wada leh oo sidii uu Abgaalka uu Habar Gidir ee walaalahooda
ahi uga sheegtay magaalada Muqdisho ee uu ku yidhi, “Maahan
goorofkaygii waaye, Habar Gidirna, waa inay ka baxdaa”, ayaad
adiguna walaalahaagii ku tidhi, Hargeisa, anagaa iska leh ee waa,
inay Habar Jeclo iyo Reer Bari ka baxaan!!
Mida kale, bal, adigoo sabool ah oo boodh xagaafaya oo kiish yar oo
hadhuudh ah oo qarax ah la soo jiqilo buuran, ayaad caqli xumadaada
u qabiil iyo degaan sheeganaysa, mujtamac balaadhan oo ku fadhiya
65% oo dhulka Somaliland ah kuna qani ah khayraad farabadan sida
Shidaal, Gaas, Macdan kala duwan, iyo Xoolaha Nool—miyaadan ogeyn in
shidaalkii dalka uu ku jiro degaanka Habar Jeclo ee Bariga magaalada
Berbera iyo degaanka Dhulbahante ee Hool Hool ee Koonfurta magaalada
Laas Caanood?
Miyaad se, ilowday macdanta farabadan ee ku jirta degaanka Majayahan
ee Warsengeli ee laga xaarantimeeyey biliiliqeysiga xaaran
quutayaasha qabiileystayaasha ahi ee Majeerteeniya?
Maxaa, markaas anigana ii diidaya inaan sidaada u daneysto sidaana
kuu gaalo maadama aad xume iyo kibir la soo taagan tahay xukun
madhan oo aad majaraha u hayso oo xitaa agoomahii Mujaahidiintii
ummadan iyo dalkan xoreysay ka bakhtiday kuna amaan haysan iyo
magaalo yar oo ka guur iyo gabaahiir noqon karta sidii magaalooyin
badan oo ka horeeyey sida Seilac ama Berbera, Karin, Maydh, Xiis,
Qoom, iwm ah kuwaasoo waa camirnaan jiray una baahan dib u soo
nooleyn?
Haddii sida aad rabto kuu yeelo oo aan dhulkaas balaadhan ee hodanka
ah aan kaa goosto kaana joojiyo bariiska, baastada, daqiiqda,
saliida, sonkorta, iyo bagaashka kala duwan ee aan kaaga soo dejiyo
Dekada Bosaso iyo goobo kaleba, sow foqorkii xinka iyo xasadka uun
la yuuruuray ee aad weligaa ahayd ee aan intaas asturayey ee aan
hiil iyo hooba la garab taagnaa, hase yeeshee, isagu intaas ii
boqono jarayey uun sii noqon maysid—bal, maxaan kugu qabaa ee aad
maanta ii sheegan kartaa?
Hadal iyo dhamaantii, qiiqa aad doonto isku qari; qabyaalada iyo
goboleysiga aad doontana adeegso xumaha aad doontana samee ileyn,
wax aad hadaba noola hadhay, ma jirto’e, kaba qaadka aad doontana
iska sii ahoow, hase yeeshee, xamaasadan balaadhaan ee wadaniyeed ee
Somalilandnimo iyo webigan xawliga ku socda ee qulqulaya ee
dimoqraadiyadeed joojin kari meysid ee aan kula taliyo ee ha ku
dhiman meesha.
Dalkan Somaliland ah, waanu wada deganaaneyna ilaa iyo Yaqmal
Qiyaamaha, sidaas daraadeed, adiga ayey ku jirtaa, sidii aad
qabyaaladan sumeysan iyo falalkan foosha xun ee aad dadka la baratay
faraha ugala bixi lahayd saaxigana u keeni lahayd kuna xisaabtami
lahay xiliga adag ee lagu jiro iyo marxalada khatarteeda lehi ee ka
aloosan dalka iyo guud ahaan geyiga Geeska Afkrika.
Hadalka aan kuu yara qalo’e, haddii aadan ogoleyn inaanu aayaheena
si wadajir ah uga wada tashano qadyadeenana wada meel marino kana
midho dhalino cadowgana meel uuga soo wada jeesano oo aadan sinaba u
tixgelinayn in dalka aanu wada leenahay oo dhibkiisa iyo
dheeftiisuba inaga dhexeyso oo aad dabada uun sii hayso xume kasta
iyo daneystenimo iyo keligii cunka aad caadeysatay oo aadan marnaba
xeerinayn, in xilka iyo xukunkuna uu meerto yahay oo aadan inaba
rabin inay cidi ku xukunto xitaa haddii ay sinaan iyo cadaalad kugu
xukumi rabto, hase yeeshee, aad adiguun wax xukunto oo sida dameer
dhergayna aad caruurta, maatada, waayeelka jilicsan, iyo dadka dan
yarta ah ee tabaaleysan aad ku biqleyso dee, anigana I xukumi meysid
oo hubaal ah ee midaas ku talagal ileyn, igama adkide.
Waxaan filayaa, in hadaladaydan cad cadi, ay ku deeqi doonaan oo aad
odhan doonta, hadaan hooyaa! Boowe, hada ma hoydaa?
Guul iyo Gobanimo
Farah Ali Jama, Ottawa, Canada.
Farah.jama@alumni.uottawa.ca
|