“Somaliland bilaash languma siin ee Dhiigayaga ayaanu u qubnay oo aanu ku soo ceshanay”

 


 

Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka hadlay qiimaha ay shacabka Somaliland u leedahay maalinta 17 Oktoober ee xuska s huhaadadii SNM. Madaxweynaha, ayaa sida lagu sheegay qoraal kooban oo la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay inaanay Somaliland iska imanin e e ay ku soo noqotay dhiigii geesiyaashii SNM. “Somaliland Lanama siin ee waxaanu ku soo ceshanahay dhiigayaga oonu u qubnay.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu in taas raaciyay “17 Oktoober waa maa maalin ay xasuusan doonaan da’da soo socota a.”

Maalintan 17 Oktoober oo ah maalinta loo asteeyay xuska shuhaadada SNM, ayaa w axa loogu magac daray dagaalkii Burco-duuray ee dhacay 17 Oktoobar 1984. Dagaalkaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee ugu adkaa ee ay SNM la gasho dawladii Ma xamed Siyaad Barre, ayaa waxa ku shahiiday 33 mujaahid oo uu ka mid ahaa taliyihii ciidankaas Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) oo halbawle u ahaa halgankii SN M.

Dagaalkaas ayaa waxa ay SNM dawladii Maxamed Siyaad Barre ku gaadhsiisay jug cu lus, waxaanay muujisay cududa milatari ee ay leedahay.

Sidaas darteed xuskii dagaalkaas Burco-duuray ayaa loogu magac daray xuska shuh aadada SNM ee loo asteeyay 17 Oktoobar.
 


Xigasho: Geeska