Somaliland Kaalintee ayay ka gashy War bixinta Websaydyada Dalalka Ictiraaf raadiska ahi Isku iib-geeyaan

 

Bishan aynu ku jirno ayaa warbixin dheer ay ka qortay gabadh la   yidha ahdo Susan Simpson oo Blogska caalamka soo gelisay sida ay wadanada aan la aqoonsani ugu kala horeeyaan isku iib-geynta Websitiska ay  leey ihiin, iyada oo xooga saartay wadamada ay ka midka yihiin: Somaliland, Taiwan, Western Sahara, Abkhasia, South Ossetia, Nogorno-karabakh.

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay (The Website Theory of Stateho od)

Hadaba, marka aynu warbixinta isku dul-taagno inta Somaliland ka  khus aysa, waxay tidhi “ Websiteska Qaranka Somaliland leeyahay maaha  ku wo u horumarsan sida ka ay leedahay Dawlada ku meelgaadhka Somalia oo uu yahay websitkeedu http://www.tfgsomalia.net/ basle waxa  xaq iiqo ah in Somaliland ay sumcad badan ku heshay inay ka taliso  dhulkee da oo dhan. Waxa kale oo warbixinta lagu xusay in Websitiska ay   Xuk umada Somaliland leedahay ee ah http://www.somalilandgov.com ,uu u eeg-yahay mid uu sameeyay arday dhigta dugsiga dhexe marka  laga ee go heerka lagu cabiro samaynta iyo qaababka loo dhiso websiteska.

Waxa kale oo warbixintu sheegtay in websitka kale ee uu leeyahay  Gola ha Guurtidu oo ah http://www.guurti.org uu yahay mid aan mudo sedex sano ah aan la update garayn ama aan warar la gelinina waa khasaare weyn, sidaa ayay tidhi warbixintu… waxa kale oo ay labadaas website ee Xukumada iyo Golaha guurtidu ay leeyihiin barbardhigtay midka uu le eyahay maamul hoosaadka Puntland oo leh Websitkan  http://www.puntlandgovt.com waxayna tidhi waxa xiiso mudan  websit eka uu leeyahay maalmul hoosaadka la jaarka ah Somaliland ee Puntland kaasi oo leh website aad kuu soo jiidanaya, muuqaal iyo qurux badana  l eh, inkasta oo maamulkani aanu doonayn in la aqoonsado balse sidiisa  k ale uu iskugu iib-geeyo.

Waxay gabadhaasi ku soo gabagabaysay  warbi xintaasi qaybta  Somalil and khusaysa. “Somaliland ha samayso dadaal adaga oo ay geliso dhina ca websiteska ay leedahay, hana wadiisato  Puntland tolo ku saabsan sida loo maamulo websitesksa qaranku isku iib-geeyo ama loo maamulo” ama iyada oo Ingiriisa ah sedan ayay tidhi  (Verdict: Not a state, but I’ll give them a solid E for Effort. Somaliland ought to seek advice from Puntland on how to manage its e-statehood).

Hadaba waa mid laga naxo inay Somaliland noqoto wadanka ama  wadan ada ugu hooseeya warbixintan ee haba-yaaratee aan si wax-ku-oola  is kugu iib-geyn Caalamka iyada oo ay tahay meesha qudha ee caalamkan maanta la iskaga dhaadhiciyaa Websiteska Qaranku leeyahay.

Hadaad aad ugu fiirsato labada Website ee ay Somaliland leedahay ee sida  gaarka loogu maal-geliyo lacagta cashuurta ay bixiyaan  muwaadin iinta  Somaliland ayaa noqday kuwo arga-gax geliyay Caalamkan aynu ka  doon ayno Ictiraafka.

Bal ila booqo labadaas website oo aan haba yaraatee cidi xil iska saarin in la qurxiyo oo si joogto ah wararka loo geliyo iga oo af-Somali iyo  Ing riisi ah sida kuwa kale ee Somalia iyo Puntland leeyihiin. iyada oo  warbix intani inoo sheegaysa inaynu nahay dal aanay ka dhab ahayn aqoonsiga uu raadinaayo ama aan idhaahdo xukumada aan rabin inay runta ka  sh eegto waxa shacabkani doonayo oo ah inay geed-sare iyo geed gaaba nba u fuusho sidii ay Caalamka uga iibin lahayd Somaliland.


Hadaba muwaadin, bal iswaydii muxuu Wasiirkeena Arimaha Debada  So maliland ama Safiirada badan ee ay xukumadeenu lacagta siisaa ku  yidh aahdaan caalamka marka la yidhaa na siiya website wadankiina si aan ugala socono warbixinaha iyo xaalada guud ee aad ku jirtaan. Tolow  ma xay ugu jawaabaan, miyaanay khajilin oo fadeexadoobin. Hadaad u  fiirs ato Ururada wadaniga ah ee Somaliland waxay in-badan oo ka mid ahi leeyihiin websitska ay ku muujiyaan dhamaan waxqabadkooda si ay u soo jiitaan kuwa maal-geliya iyo daneeyaasha kale. Maxay Ictiraaf  raa din Xukumada tahli kari wayday inay Websitkii Qaranka qurxiso oo si  joo gto ahna u geliso macluumaadka dalkeena. Waxa iska cad inay   xukum ada maanta jirta ku fashilantay gudo iyo debadba inay Sumcad iyo  horu mar ina gaadhsiiso.

Faadeexadaha jira waad aragtaan, in badana Xukumadeena waa lala  ta liyay balse waa mid faashil ah oo sumcad iyo wax-qabad aan dan ka  lah ayn oo sumcadeenii iyo horumarkeeni ku tumatay kana dhigtay  dadkee na kuwo aan waxa ay sheegayaan ka dhab ahayn ee iska riyoonaya. Wixii kale waxan uga tegayaa muwaadiinta dalkooda lex-jeclada u qabta ee jecel inay horumariso inay ila akhriyaan warbixintaas oo aad ka  akhr iyi kartaan halkan iyada oo luuqada ingiriisiga ku qoran:

 http://viewfromll2.wordpress.com/2009/10/09/the-website-theory-of-statehood.



Muwaadin bal caqligaaga ka shaqaysii oo dhugo halka aan marayno iyo waxa xukumada maanta jirtaa inoo sheegayso. Bal qiimee warbixinaha caalamku inaga qoray oo barbardhig tan ay inoo sheegayso xukumadee nu, ka dibna qiyaas ta runta ah. Waa wax laga naxo inaan ka hoosayno dhinaca sumcada halkii aan joognay 10 sano ka hor. Anigu ma ahi  siyaa si balse waxan ahay muwaadin ka xumaada marka uu arko wax run ah oo ceeb ku ah dalkeena iyo dadkeena. waa in sharciga lala tiigsadaa  ci da gacanta ku haysa websiteskaas qaranka ee mushaharka lagu siiyo.



 



Yuusuf Samater

Wadajir2010@live.com
Hargeisa-Somaliland