Somaliland ma baarlmaan bay leedahay? bal aynu eegno

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

 

Waxa aan moodayey in aanuu jirin Baarlamaan wax go'aamin kara. Baarlam aan magaciisu waa uu jiraa ee waa mid magac u yaal ah sidaan qabo. Sida ana waxa ka dhigay dadkiisa. Dawladda iyo Baarlamaanku waa ay kala  awo o d badanyihiin oo dawladda ayaa fulisa waxa ay soo go'aamiyaan  Baarla maanku. Waa marka la eegayo sida qumman. Haddiise aad aragto xukuumad sida ay doonto yeelaysa, waxa ay ka aragtay waa dadka. Marka danbena waxa ay jeexataa habka KELITALISNIMADA, waana ta ay ku socoto maanta xukuumaddeenu. Ninkastaaba ha iska hadlo, waxa ay xukuumaddeenu  qaad day wadadii kelitalisnimida. Waxa taa kuu caddaynaya , marnaba waxba  ka ma dhegaysato Baarlamaanka. Waxa ay u aragtaa "Habar baa iska haw hawlee heellada inoo tuma".

Ishiisa laga arkaa ushiisa lagu tumaa. Xukuumadu waa tii u nixi lahayd  dadk eeda iyo dalkeeda. Xataa waa tii go'aansanlahayd in ay is casisho. Ma kula tahay maanta Madaxweyne Daahir waxa uu ku dhowaaqi karaa "Waan is casilay" Maya, laakiin waxa ay noqon lahayd tallaabo geesinimo, oo  taari ikhda gasha. Geesinimadu ma aha wax is daba marin iyo hanjabaad, taasi waa fulaynimada calaamaadkeeda.

Maalintii la sugayey in komishanku soo saaro tirada Serverku uu oggolyahay ayaa dib loo dhigay. Tallaabadii danbena waxa ay noqotay dalkaba waa laga saaray mas'uulkii hawshaa qaabilsanaa. Haddiiba hay'addaasi wax isdaba marisay miyaanay habboonayn oo aanay ahayn sida ugu saxan in  dhamm aan mucaarad iyo muxaafadba ay arrinkaa ka wada doodaan isla eegaan, oo xataa golayaasha la ogaysiiyo. Haa, sidaasaa qummanayd. Maxaa sidan kale loo yeelay, waa qasid iyo jahawareerin dadka lagu ridayo.

Uma baahna maanta hadalbadan ee bal dadka iyo garaadkooda ha la  tijaa biyo. Naxariista hoggaamiyayaasheena aan eegno. Waxa kale oo aynu kala ogaan doonnaa in dalku leeyahay Baarlamaan xor ah iyo in uu jiro Baarlamaan magac u yaal ah.

 

 

Sayid Maxamed Yuusuf
Sweden