Somaliland oo Dalal Taageerayaal ah oo u
Ololeeya ka Heshay Midowga Afrika
Somaliland, ayaa dalalka midowga Africa ka heshay tageerayaal u
ololeeya qadiyadeeda iyo sidii ay aqoonsi buuxa u heli lahayd.
Sidaana waxa lagu sheegay warbixin uu qoray warsidaha Medeshi oo ka
soo baxa magaalada Addiss Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Warsidahan oo si gaar ah wax uga qora wararka iyo warbixinaha la
xidhiidha ururka Midnimada African ka, ayaa intaa ku daray in
caqabada kaliya ee haatan Somaliland hor taagan ay tahay arinta
xuduudaha laga dhaxlay isticmaarka. Taas oo ay Somaliland si fudud
uga gudbi karto marka la qiimeeyo, maadama ay hore u ahayd dal uu
gumaysan jiray Ingiriisku. Warbixintan uu warsidaha Medeshin qoray
oo aad u dheerayd waxa uu ku bilaabay sidan:
"Somaliland, ayaa ka heshay ururka midowga Africa dhexdiisa wadamo u
ololeeya oo taageersan qadiyada gooni-isu taageeda iyo sidii ay
aqoonsi buuxa uga heli lahayd beesha caalamka, taas oo Somaliland ka
taageeraysa halganka adage diblamasiyadeed oo ay ugu jirto sidii ay
u heli lahayd waxa kaliya ee haatan ka maqan oo ah ictiraaf buuxa oo
ay ka hesho bulshada caalamka, si ay u noqoto dal madaxbanaanidiisu
dhamays tiran tahay oo garab fadhiista qaramada dunida kana mid
noqda gole goboleedyada iyo kuwa caalamiga ee laysugu yimaado.
Hasa yeeshee, caqabada kaliya ee haatan hor taala Somaliland, ayaa
ah arinta ilaalinta xuduudihii laga dhaxlay gumaystayaashii reer
Yurub oo ay dalalka midowga Africa ku darsadeen axdigooda in la
ilaaliyo, iyaga oo ka cabsi qabay in wax ka badalka xuduudahaasi ay
qaarada ka dhalinayso dagaalo iyo qulqulatooyin aan dhamaad lahayn.
Laakiin waxaynu odhan karnaa Somaliland caqabadaas si fudud bay uga
gudbi kartaa, maadama ay hore u ahayd mustacmarad uu gumaysan jiray
Ingiriisku, iyadoo dawladaha Talyaaniga iyo Ingiriisku ay jeexeen
xuduuda haatan u dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya oo ay heshiis ka
gaadheen sanadkii 1884-kii, taas oo Somaliland siinaysa qiil ah in
aqoonsigeedu aanu ahayn mid wax ka badalaya xuduudihii laga dhaxlay
gumaysigii.
Waxa intaa dheer iyadoo Somaliland xornimadeeda qaadatay 26-kii Juun
1960-kii markaas oo ay qaranimada Somaliland aqoonsadeen in ka badan
34-dal, dalalkaas oo intooda badani ay ahaayeen kuwa xiligan xubnaha
ka ah ururka midowga Africa, sidaa darted Somaliland waxa ay ku
doonayso aqoonsigu waa xuduudeedi ay ka dhaxashay gumaystihii
Ingiriiska ee ma jiro xuduudo cusub oo ay ka dhex samaysatay qaarada
Africa gudaheeda.
Dawlada Ingiriiska oo iyadu gumaysan jirtay Somaliland ayaa
saxeexday dhamaan heshiisyadii lagu calaamadinayay xuduudaha ay
Somaliland la wadaagto dalalka ay jaarka la tahay, oo ay ka mid
yihiin dalka Faransiiska oo Ingiriisku la saxeexday xuduuda
Somaliland la leedahay Djibouti, Ethiopia oo uu la saxeexday xuduuda
dhinaceeda iyo xuduuda Somaliya oo Ingiriisku la saxeexday dawlada
Talyaaniga.
Hadaba, iyadoo la cuskanayo cadaymahaa kor ku xusan midowga Africa
xaq uguma laha Somaliland inuu ku cadaadiyo waafajinta axdiga ururka
midowga Africa ee lagu saxeexay Qaahira ee sheegaya in la ilaaliyo
xuduudihii Isticmaarkii reer Yurub laga dhaxlay, iyadoo ay hore u
jireen dalal haatan ka mid ah midowga Africa oo xornimadooda ku
helay iyaga oo loo arkay inay waafaqsan yihiin xuduudihii
gumaystayaashu ka tageen kuwaas oo ay ugu danbaysay dawlada eritaria
oo ka go’day Ethiopia taas oo ay sabab u ahayd aqoonsiga midowga
Africa siiyay Eritaria oo hore u ahayd dal uu gumaysan jiray
Talyaanigu iyo tixgalin la siiyay rabitaanka shacbiga ku dhaqan oo
iyagu afti laga qaaday ku taageeray inay ka go’aan Ethiopia.
Hadaba, midowga Africa waxa la gudboon in aanay wakhti kaga lumin
Somaliland eegitaanka sida ay u waafaqsan tahay xuduudihii
isticmaarka, sababtoo ah dhibaatada dalkii la isku odhan jiray
Somaliya waxay u baahan tahay in si deg deg ah loo kala furdaamiyo.
Hadii kale midowga Africa isaga ayaa sabab u noqonaya sii jiitanka
mushkilada geeska Africa, hadii ay lugta u sii hayaan Somaliland
dalka burburku ka socdo ee Somaliya, iyadoo shacabka Somaliland ku
dhaqani ay si sharci ah oo nidaamsan ugu socda wadadii ay ku heli
lahaayeen xuquuqdooda ah sidii aqoonsi buuxa ay u heli lahaayeen,
mana jirto cid Somaliland iska hor taagi karta dhabaha saxda ah ee
ay ku socoto ilaa inta ay ka hantiyayso xuquuqdeeda ka maqan.
Source:Harawo
|