Somaliland oo Gaashaanka ku Dhufatey Qandaraaskii Dhexmarey Soomaaliya iyo Shirkad
 


Hargeysa (TNN): – Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa caddeeyay in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland aanay cidna uga habranayn, kana aqbalayn in ay soo farageliso xaqa ay u leedahay in ay maamusho xuduudaheeda badeed ee sharciga ah. Warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu dabajoogay saxeexa qandaraas dhex maray dawladda Feder aalka Soomaaliya iyo shirkad gaar ah oo qaabilsan amniga badaha.

Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalami ga ah Maxamed Biixi Yoonis oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu u yidhi, “Wasaaradda Khaara jiga Somaliland, iyada oo ka jawaabaysa qandaraaskii sharciga badda ee ay saxeexdeen 30 July 2013 wasaaradda difaaca dawladda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda gaarka ah ee ku lug leh dhinaca badda ‘Private Maritime Security Group Atlantic Marine and Offshore (AMO), waxa ay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, celineysaa mar kale in aanay aqoonsa nayn, ayna diidan tahay iskuday kasta oo ay dawladda federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku lug yeelato ama ku xukunto ama ku raadinayso in ay awoodeeda ku fidiso biyaha ku dhereran xuduuda Somaliland.

“Somaliland waxa ay dib u hanatay 18 May 1991, madaxbanaanideedii ay wakhtiga ku kooba n ku naalootay markii uu soo afjarmay xukunkii Ingiriiska 26 Juun 1960, ka hor intaanay iske ed ula galin midaw Soomaaliyadii Talyaaniga.
Dastuurka Somaliland oo lagu ansixiyay afti dadweyne sannadkii 2001, iyo xeerkeeda kalluu maysigu waxa ay xaqiijiyeen in ay tahay dawladda Somaliland awoodda keliya ee xukumaysa dhulka Somaliland iyo xeyndaabka biyahoodaba. Sidaa oo kalena ay gaar u leedahay xuquuq da dhaqdhaqaaq iyo madaxbanaaniyeed ee gudaha xuduudaheeda bad iyo berriba.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay soo dhawanaysaa dedaalka ay dawladda fed eraalka Soomaaliya ugu jirto sidii ay u xoojin lahayd amniga biyaheeda sida waafaqsan xeer ka caalamiga ah. Hase yeeshee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay kala shaqaynaysaa bee sha caalamka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya arrimaha goboleed ee maamul dawlade ed, amni iyo maamulka khayraadka ee geedi socodkii Kambala ‘Kampala Process’.

Geedi socodkaasi oo soo bilaabmay 2010, waxa uu ahaa meedaan iskaashi farsameed oo lag u taageeray shirkii London ee Soomaaliya 2013.”

Warsaxaafadeedka oo ka hadlaya dhinacyada iskaashi ee dawladaha Somaliland iyo Sooma aliya waxa uu yidhi,”Dawladdaha Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay wakhtigani ka wada sh aqaynayeen si ay u soo afmeeraan istaraatajiyad amni iyo khayraadka biyaha oo looga gol leeyahay xoojinta iskaashiyeed ee dhinacyada amniga badda oo ay ka mid yihiin, budhcad badeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo qashinqubka suntan ah.

Istaraatajiyadda waxa ay ujeedadeedu tahay sida loo xoojinayo wax wada qabsiga iyo hubinta isku xidhnaanshaha balaadhan ee kaalmada deeqbixiyayaasha, taasi oo waafaqsan warmartiyeedkii ‘Ankara’ ee ay wada saxeexeen labada dawladood bishii Abril 2013 ee qayb ka ahaa wadahadalkii laba geesoodka ahaa ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dhawraysaa sii wadida wadahadalka ku salaysan warmurtiyeedkii Ankara.”
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland