Somaliland oo ka eexatay Gabiley, iyo badh eedhka Dila waa gardaro garab og

Qoraalkan oo ka kooban dhowr qodob oo rugun u ah jiritaanka qofka, qoyska, iyo Dalka, waxaan ugu horey soo qaadanaynaa.


Cadaalada iyo Nabada xidhiidhka ka dhaxeeya.


Ummad meel ku wada nool waxa kala haga waa sharci iyo cadaalad, dadkaa wada nool haddii mid ka mid ahi qaldamo, waxaa qabanaya sharciga iyo xeerka u yaala danbigaa uu galay, Haddii aanu jirin xeer, sharci, iyo xaakin kala xukumaa, waxaa qofkasta u cad in aanay cadaaladi jirin, noloshii halkaa ka jirtayna aanay jirayn oo lagu kala tagayo, “ Ragg Cadaalad waayey, sidii Cawsha kala yaacye”.

Kala tagga waxaa keenay dhac, dil, kufsi, khayaamo, iyo waxii xumaa oo dhan ayaa yaala mar haddii aanay cadaaladi jirin, halkaa waxaa qof kasta ugu cad marka la waayo cadaalad in aanay jiray Nabad.

Haddaba hadaan faalo gaaban ka bixiyo Arimaha Ceel-bardaale, ka hor faalada waxaan dadweynaha ka cod sanayaa in uu qofku (akhriste) laf-ahaantiisu is weydiiyo su’aashan.

Maxaad yeeli lahayd Gurigaaga, Beertaada oo beeran inta uu qof kale deggo, ku yidhaa kaalay iga qaad?

Waxaan dadweynaha u sharaxayaa arinta ceel-bardaale inta aan ogeyn:


Dad inaga mid ah ayaa Guryahoodii, Beertoodii la haystaa. Maaha arintu dhul daaqsimeed ama madahaygii ayaa igu soo durugtay.

Dadkaasi markay dooneen guryahoodii waxaa loogu jawaabay xabad, oo dil fool xun ayaa ka dhacayey intii Somaliland jirtayba.

Falalka ka dhacay hadaan qaar ka soo qaato, Qoys-yo degen, oo nabad ku soo hoostay ayaa habeen madow lagu gubay guryahoodii, gurigaas oo ay ku jireen Caruur, Hooyo, iyo Aababa, Ragg ayaa gudin lagu dilay isagoo ku sugan gurigiisa dhexdiisa, Ragg ayaa loo joogsaday wadada u dhaxaysa Gabiley iyo Ceel-bardaale oo gaadhigii inta lagala degay kadib la dilay, waxaa iyo wax ka daran ayaa jiidaa ka dhacay marka aanan ku darin tii 80s iyo waxii ka horeeyey.



Waxay Somaliland oo dhan ogtahay:



In wakhtigii Diwaan galintu bilaabantay, weerar lagu soo qaaday dhulkaas.

In dhimasho iyo dhaawacba ka dhaceen.

In xukuumadu bixisay amar lagu soo qabanayo sh. Maxamuud oo aan danbi galin.

In 4 Nin lagu dilay beerahooda, 7 nin la dhaawacay.

In aan la soo qaban gacan ku dhiigleyaasha gaystay dilkaa.

In Gabiley dulqaadatay oo ay ka dhur sugtay, Ergada golaha guurtiga.

In labada beelood (Gabiley, Dila) saxeexeen galsooni ku qabka gudiga guurtiga.

In 4 bilood loo fadhiyey ka garniqida xaalada dhulkaas iyo dhagartaa ka dhacday.

In beesha Dila ka kacday markii go’aanku soo baxayey.

In ay xukunkii rideen gudiga golaha guurtigu.

In beesha Dila aanay bixin magtii dhagartii dhacday.

In beesha Dila wali haysato hantidii dadka kale.

In aan la fulin go’aamadii ka soo baxay xeerbeegtida.

In cida fulin wayday go’aamadu tahay Madaxweynaha.

In beesha Dila tahay gardiid, garab ka haysata Madaxweynaha.



Maxaa dhacay markii ay dhaceen dilalkii hore ee dabayaaqadii 2008 iyo horaantii 2009.




Bulshada Somaliland qaar ka mid ahi waxay soo direen baaq Nabadeed oo aan codkoodu aad u dheereyn, xukuumada Somaliland waxay bixisay amar lagu soo xidhayo dadkii wax ka maqnaayeen, halkii laga filayey in ay Soo qabato dambiilayaashii dhagarta geystay.


Dadkii figtamka ahaa ee ay wax ka maqnaayeen waxaa loogu daray af-lagaadooyin, waxaa ka mid ahaa.


Odayga golaha guurtiga ugu da’da weyn Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu yidhi.


“Gabiley wax yar oo fudud inay ku ficiltanto waan ka wacdiyayaa”


“Xukuumadda ninkaan raacin baa xun..Sanduuqana meeshii la dhigaaba waa Somaliland”

“Dhalinyarada la dirayo iyo Odayaasha dirayaba waxaan u soo jeedinayaa S/land-eey mid noqda”

“Gabadhii ninkeedu jeclaa ee aan Ubadka ka helin waxay tidhi, Ilaahay ma li’i, waadse iga eed la’dahay…imika”



Maxaa dhacay markii ay dhaceen dilalkii danbe ee July 2009.



Dhawaaqa ka soo baxaya Somaliland gudo iyo dibadba ayaa dhacdadii u danbaysay ay gilgishay Somaliland, haddii aad dhageysato (Radio-yada sida BBC iyo VOA, TV-yada, Odey dhaqmeedyada, xukuumada Somaliland, ururada bulshada) dhamaantood waxay cod aad u dheer ku baaqayeen, in ay colaada joojiyaan beelaha walalaaha ah ee ku diriraya deegaanka Ceel-Bardaale.



Xukuumada Somaliland waxay soo saartay qoraal, ay ku dalbanayso dabiilayaashii, Hantidii dadka laga haystayna waxay tidhi waa dhul ciidan.



Ergooyinka Soo gaadhaya Gabiley ayaa ku baaqaya in danbiilayaashii la keeno, oo ay ka masuul yihiin Odayaasha Gabiley.



Ergooyinka soo gaadhaya Gabiley waxa leexinayaan arintii la isku hayey oo waxay yihiin gurmad baadidoon ah si loo soo qabto dadkii Raggii Qaaliga ahaa ee Riyaale is xigeen dilay



Xukuumada Somaliland waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay siday dadweynaha Gabiley dhexdooda iskaga hor keeni lahayd.



Waxay dadweynaha Gabiley is waydiinayaan.



1. Dhagartii hore ee dhacday qayladan dheer ee gilgishay dadka may lahayne, Maxaa dhimashada kala duway?

2. Ma raggan danbe ayaa ka qaalisanaa kuwii hore loo dilay?

3. Dambiilayaashii horeba lama doondoonayee, kuwan danbe miyey u jilicsanaadeen?

4. Somaliland ma waxay garan laadahay danbiilihii dilalka geystay? Sowka ah Riyaale ee ay garanayaan halka uu ku nool yahay, maxay noo wareerinayaan.

5. Waar malaha inagaa(Gabiley) waalan!!! Ee Muqdishaa laga heesayaa, oo Somaliland aan dalka u haysanaanba ma jirto?

6. Sowtii aan moodayey in aan iska xoreynay Cadaalad xumadii Afweyne lahaa.

7. Waar barigii hore miyaanay dhammaan Odayaashii Nac-Naca la siin jiray, ee lagu odhan jiray wiilkaaga beerkiisa keen, qaarbaan arkay maanta sidii kuwii u socda.

8. Jid gooyada la sheegayo ma haday dhacday, sowtii ragga lagu dilay bishii labaad ee sanadkan, Guri-gooyada, Beer-gooyada, sharci-gooyada, Dad-gooyada dalka ka dhacaysa Somaliland miyaanay arkeyn? mise Xukuumadan bilaa sharciga ah ayey iska dhisayaan.



Gabiley waxay Somaliland faraysaa:



1. Danbiile ninkii doondoonayow waa Riyaale, ee ha la soo qabto.



2. Haddii Cadaalad la waayo, Nabadna jiri mayso, oo Gaadhi iyo Diyaaradba waa la iskala dagi.



3. Ninka Fidmada wada ee colaada abuuraya waa suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil iyo Riyaale ee ha la soo qabto.


4. Gabiley waxay tirsanaysaa in Somaliland uga eexatay, gardiidka Dila iyo Danbiilaha Riyaale.


5. Gabiley xaqqa ay leedahay qofna kama sugeyso, wax aanay lahayna qaadan mayso Gabiley.


6. Gabiley way ka weyntahay wax kaanbayn lagu galo.


7. Gabiley waxay u mahad naqaysaa cid kastoo cadaalada jecel, kuna socota dariiqa saxda ah.


8. Gabiley waxay ogtahay kuwa biidhi qaataha ah ee madaxa duuban.


9. Ergooyinka kala duwanow waxaan leenahay ha leexinina garta, ee haddaad daacad ka tihiin, baaqyada iyo gurmadka nagu wajahan anaga (Gabiley) u dira Riyaale iyo Dila iyagaa nabada diidaye.







Mukhtar Hersi Hassan