Somaliland oo lagu
casuumay Shirka Safiirada Caalamka uga socda Dalka Itoobiya
Hargeysa (TNN) - Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Dibada C/laahi Maxamed Ducaale aya a gaadhay
magaaladda Addis-ababa ee Dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galayo
shirka Safiiradda Caalamka uga socda Dalka Itoobiya oo lagaga
hadlayo arrimaha Dublamaasi yadeed ee Dawladaha Caalamka,
shirkaasi oo ah shir Somaliland qiimo ugu fadhiya kana sheegan karto
mabaadiideeda Siyaasadeed
Sida ay baahisay maanta Idaacada Radio Hargeysa oo xiganaysa
Wakaaladda Wararka ee Dawladda Somaliland waxa wasiirka ku
martiqaaday shirkaasi Dalka Roomaaniya oo Guddoomiye ka Golaha
Safiiradda Caalamka oo shir uga bilaabmayo caasimadda Dalka itoobiya
Sida warkaasi sheegay Dalka Roomaaniya waxa uu wasiirka siiyay
fursad shirkaasi ay kaga hadlaan iyadoo uu wasiirku ka jeedin doono
khudbad la xidhiidha Madax banaanida Somaliland isagoo ka warami
doona marxaladihii kala danbeeyay ee Somaliland soo mar tay
iyo kaalinta ay beesha Caalamka uga baahan tahay oo ah in loo
aqoonsado Qaran jira oo ka gaar ah Somaliya
Shirkan ayaa la filayaa inay ka soo baxdo xidhiidh cusub oo
dublamaasiyadeed oo dhex mara Somaliland iyo Dublamaasiyiinta
Dalalka Caalamka ee ka soo qayb galaya iyadoo aan inta badan laga
war haynin waxa ay madaxda xukuumaddu u iib geynayso, iyadoo ay yar
tahay sida loo helo taageero noocan oo kale ah oo aynu ka helno
Dawladaha Caalamka.
Source: Waaheen
|