Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Yeelatay Xeer Isgaadhsiineed.

 


 


Magacyada Mudanayaasha U Codeeyay Xeerka Isgaadhsiinta, Kuwa Ka Codeeyay Iyo Xubnaha Isga abiyey


Hargeysa (TNN) - Somaliland ayaa markii ugu horaysay yeelatay Xeerka Isgaadhsiinta qaranka oo ka caawin doona Xaqiijinta gooni-isku taaga iyo madaxbanaanida ilaa heer caalami, iyadoo si rasmi ya-na ay Golaha Wakiilada Somaliland fadhigoodii Shalay cod-gacan taag ah ku meel mariyeen ansix inta Xeerkaasi.

Golaha Wakiilada Somaliland oo Fadhigoodii Shalay ku ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka oo  m udanayaashu ay ka yeesheen dood Xasaasiya oo u kala qabisay Golahaasi laba Garab oo si weyn  u gu kala jabay doodii iyo ansixintii Xeerkaasi, kuwaas oo Garabka ku guulaystay meel marinta Xeerka asi ay ku doodayeen in sidiisa loo ansixiyo, halka Garabka lagaga guulaystay-na ay  afkaartoodu ku wajahnayd in dib loo celiyo Xeerkaa Isgaadhsiinta qaranka ee muhiimka u ah dalka.

Fadhiga Shalay oo uu Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md  C/casiis Maxamed Samaale oo ay ka soo xaadireen 67 mudane ayaa waxa sidoo kale Madasha fadh igaasi goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka oo ay ka mid tahay  Shirk ada Telesom oo lagu arkayay xubno ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadaasi oo si weyn ugu ololeynayay in Xeerkaasi Isgaadhsiinta dib loo celiyo, isla markaana Garabka mudanayaasha ee diidanaa meel ma rinta Xeerkaasi ay ka hor intii aan codka la qaadin ay Shirar doceedyo kula yeesheen Xarunta Golah aasi ay kaga dalbanayeen sidii ay codkooda ugu hor istaagi lahaayeen.

Guddoomiye C/casiis Samaale ayaa Gole weynaha u soo jeediyay inay u kala codeeyaan laba soo jeedimood oo kala ahaa in Xeerkaasi duuduub lagu anisixiyo iyo in qod-qodob cod loogu qaado, ka dib 35 mudane ayaa ogolaaday in duuduub lagu anisixiyo, halka ay 25 mudane-na ay ka diideen, 7 mudene-na ay ka aamuuseen.

Intaa ka dib Guddoomiye ku xigeenka koowaad Md C/casiis Samaale ayaa isagu Gole weynaha u soo jeediyay in loo codeeyo in Xeerkaasi Isgaadhsiinta la ansixiyo iyo in dib loo celiyo.
Intaa ka dib waxa ay mudanayaashu ku ogolaadeen ansixinta Xeerkaasi Isgaadhsiinta cod dhan 34 mudane, halka ay 29 mudane-na u codeeyeen in dib loo celiyo Xeerkaasi, 3 mudane-na ka aamuuse en Guddoomiyuhu-na muu codayn, halkaasi ayaanu ansax ku noqday Xeerka Isgaadhsiinta qaranka, isla markaana ay waji-gabax kala huleeleen 29-kii m,udane ee diidanaa Xeerani meel merintiisa iyo Shirkadihii dabada ka riixayay in dib loo celiyo Xeerka Isgaadhsiinta qaranka ee qalinka lagu duugay, isla markaana go’aanka Gole ku ansaxay.


Dhinaca kale Xeerkan Isgaadhsiinta ee la ansixiyay ayaa noqonaya markii ugu horaysay ee Xeer-isgaadhsiineed yeesho dalka Jamhuriyada Somaliland, waxaanu xeerkani u horseedayaa inay Soma liland ay hesho Cord u gaar ah.

Waxaanu suurto galinayaa oo uu fududaynayaaa in dawladu ay cashuuraha ku waajibayey shirkada ha isgaadhsiinta ay ogaato oo ay la socoto, maadaama xeerkani jidaynayo inay shirkaduhu isku xidh maan (Interconnectivity).


Waxa kale oo uu xeerkani suurta galinayaa in ay dawaddu waxyaabo badan kala socoto amniga dal ka iyo xaaladaha amni ee xuduudaha Somaliland iyo Badda iyo bari-ba.
Sidoo kale waxa uu suurta galinayaa in maal galin shisheeye ay helaan shirkadaha isgaadhsiinta ee maxaliga ahi inay maalgalin ka helaan shirkadaha caalamiga ah, waxaanu kor u qaadayaa aqoonta casriga ah ee ICT-ga oo uu kobcinayaa.

Waxa la filayaa inuu xeerkani horseed u noqdo xeerar kale oo uu dalka aad ugu baahan yahay wakh tigan xaadirka ah, sida xeerka baananka ganacsiga ah, xeerka maal galinta shisheeye Foreign Inves tment.



Magacyada Mudanayaasha u codeeyay Xeerka Isgaadhsiinta, Kuwa Ka Codeeyay Iyo Xubnaha Isgaabiyey………




1- Aadan Tarabi Oogle
2- Ibraahim Jaamac Cali (Rayte)
3- C/raxmaan Yuusuf Cartan
4- Maxamuud Dhunkaal Gutaale
5- C/casiis Ismaaciil Dhulcun
6- Xariir Siciid Bulaale
7- Ibraahim Caraale Maxamed (Ruush)
8- Axmed Ducaale Bulaale
9- Faarax Maxamuud Cabdule (Faarax-dheere)
10- Xaashi Xuseen Caabi
11- C/raxmaan Maxamed Xoog
12- Maxamed Saalax Cige
13- Cali Xaaji Maxamed Muuse
14- Jaamac Xasan Aadan
15- Axmed Maxamed Nuur
16- C/qaadir Xuseen Askar
17- Ibraahim Mahdi Buubaa
18- C/raxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan-dheere)
19- Maxamed Faarax Qabile
20- Maxamed Baaruud Shidde
21- Saleebaan Yuusuf Cali Koore
22- Maxamed Axmed Dhakool
23- Siciid Maxamed Cilmi
24- C/raxmaan Muuse Jaamac
25- Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne)
26- Abuubakar Sheekh C/raxmaan Good
27- Axmed Madar Sii-arag
28- Baar Siciid Faarax Dhahar
29- Maxamed Cismaan Bulqaas.

Garabka mudanayaasha codkooda ku meel-mariyay ansixinta Xeerkaasi oo lagu sheegay 34 mudane ayaa hadda-na waxay tirsanayaan inay yihiin 37 mudane, iyadoo aan ilaa hadda la garanayn 3 mudane ee aamusay ee Liiskoodan ku dhex jira kuwa ay yihiin, hase yeeshee Xubnaha Garabkani tirsanaya ayaa lagu tilmaamayaa Liiska Magacyadooda.

1- Maxamed X Maxamuud Cumar Xaashi
2- Maxamed Xuseen X. Ciise
3- Xasan Cawaale Caynaan
4- Ibraahim Axmed Haybe
5- C/kariim Aw Cali Shabeel
6- Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale
7- Siciid Cilmi Rooble
8- Maxamuud Jaamac X Cilmi (Dable)
9- Aadan Xaaji Diiriye Dirir (Sanqoole)
10- Naasir Xaaji Cali Shirre
11- Axmed Xasan Aadan (Waysa-cade)
12- Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)
13- Maxamuud Axmed Obsiiye
14- Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac)
15- Cali Yuusuf Axmed
16- C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirdde
17- Axmed Cabdi Kijaandhe
18- Aadan Maxamed Hoori (Mataan)
19- Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle
20 Axmed Barkhad Obsiiye
21- Mahdi Xuseen Cadare
22- Maxamed Barkhad Miigane
23- Cabdi Maxamed Gaagaale
24- Cali Obsiiye Diiriye (Cali-Gabiley)
25- Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos-ujeed)
26- Cali Sheekh Ibraahim Aareeye
27- Baashe Maxamed Faarax
28- Xamse Maxamed Gaada-weyne
29- C/raxmaan Maxamed Talyanle
30- Maxamed Jaamac Cabdi
31- C/qaadir Jaamac Xaamud
32- Cali Maxamed Aadan (Cali-Bare)
33- Cumar Axmed Saleebaan (Sanweyne)
34- Farxaan Maxamed Cali
35- Maxamed Jaamac Cali
36- Maxamed Cali Xirsi
37- Mahdi C/laahi Maxamuud.

Saddexdan Xubnood ee lagu sheegay inay aamuseen ayaan iyagu cod Gacan taag ah aan ku aamu sin, balse tirada guud ee madasha fadhiga ku sugnaa markii la isku geeyay 29-ka iyo 34 mudane ay ku dhex milmeen, gaar ahaan Xubnaha guulaystay, iyadoo la rumaysan yahay in saddexdaa  Xubno od ay ka tirsanaayeen Garabka laga guulaystay.

Waxa kale oo iyagu Madasha fadhigaasi aan ka soo xaadirin Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir iyo Xild hibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) iyo Ikraan Xaaji Daa’uud Warsame.


Source:Haatuf