Somaliland Oo Masaafurisay Xildhibaan TFG Ah

 

Xukuumadda Somaliland ayaa magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya u masaafurisay muwaadin reer Somaliland ah oo dhawaan xabsiga loo taxaabay, ka dib markii uu isagoo ka mid ah baarlamaanka dalka Somaliya, ka soo degay madaarka Hargeysa.

Mr. Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur), oo ahaan jiray badhasaab ku xigeenka gobalka Sool, ayaa isagoo huwan xilkii uu Somaliland u hayay ku biiray baarlamaanka dawladda Sheekh Shariif, markaas oo uu fasax ka qaatay dawladda Somaliland oo uu xil u hayay. 26-kii Bishii Febarwari ee la soo dhaafay ayay ciidamada ammaanka Somaliland ka qabteen madaarka Hargeysa oo ay diyaaradi keentay, waxaana loo taxaabay xabsiga, iyadoo xukuumadda Somaliland ku eedaysay inuu galay khiyaamo qaran iyo lunsi hantiyeed. Hase yeeshe iyadoon la horgayn wax maxkamad ah, ayay haddana xukuumadda Somaliland Axadii toddobaadkan u masaafurisay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, iyadoo madaarka Hargeysa laga saaray diyaarad rakaab siday. Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay mastaafurinta muwaadinkan galay khiyaamada qaran, laakiin dad xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in mastaafurintiisa ay ka qayb qaateen odayaal ka soo jeeda gobalka Sool, oo xukuumadda ku qanciyay in loo masaafuriyo wadanka uu sheeganayo inuu xildhibaan u yahay.

Baarlamaanka Somaliland ayaa hore u ansixiyay shuruuc lagu ciqaabayo muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo ka qayb gala shirarka dib u heshiisiinta ah ee loo qabto kooxaha Somalida, amaba sidoo kale ka qayb gala shir kasta oo lagaga soo horjeedo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Hase yeeshe Mr. Indhabuur, iyadoon wax maxkamad ah lagu horgayn dambiga khiyaamada ah ee uu qaranka ka galay ayaa loo masaafuriyay Somaliya.

 



Wargeyska Geeska Afrika