Somaliland oo Noqotay Dalka 4aad Afrika ee Yeesha Furaha
Macdan-baadhista
Nuxurka qoraal madaxa shirkadda ugu weyn macdanta dalka Canada u soo
diray Madaxweynaha Somaliland iyo xarun weyn oo ay Hargeysa ka
Furatay
“Sida aad ka war qabto shirkadda soo shirkdda macdanta-qodda ee
Nubian Gold Corporation, wa xay dhawaan dawladda Somaliland la
saxeexatay heshiis is-afgarad si ay markii u horreysay dalka uga
samayso sahan dhinaca macdan-baadhista la xidhiidha...”
Qoraal uu Madaxweyne-ku-xigeenka kamaniga ORE ZONE GOLD Mr. Gregory
Bowes u diray Madaxw eyne Siilaanyo
Hargeysa, Sat 29th Oct,2011 (TNN)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa
nasiib u yeelatay inay noqoto dalka 4aad qaaradda Afrika ee yeesha
fure macdan-baadhiseed (mine code) u gaar ah oo noqonaya in
shirkadaha caalamku u tartamaan soo saarista macdanaha kala duwan
eek u duugan dhulka Somaliland.
Shirkadda ORANE ZONE oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn
macdan-soo-saarista oo laga leeyahay waddanka Canada, ayaa ku
guulaysatay dhawaan inay hirgeliso samaynta fure-macdaneed gaar u ah
Somaliland oo muftaax u noqonaya qorshe ballaadhan oo shirkaddaasi
ugu talogashay maalgashiga iyo soo saarista qaniimadda macdanta ee
ku hoos jira dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkaddan oo uu dhawaan dalka keenay Wakiilka Somaliland ee
waddanka Canada Mr. Maxamed Cumar Ismaaciil, haatanna xarun weyn ka
furatay caasimadda Hargeysa, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda
bilowdo wejiga labaad ee qorshaheeda oo isugu jira sahamin sugan oo
lagu samaynayo macdanaha kala duwan ee ku duugan geyiga Somaliland,
waxaana sida qorshuhu yahay hawshaas sahaminta ah ka hawlgeli doona
khubaro caalami ah oo ka tirsan shirkaddaas oo xarunteedu tahay
magaalada Ottowa ee caasimadda dalka Canada, iyagoo kaashan doona
aqoonyahannada macdanta ee reer Somaliland iyo dadka degaannada
hawlgalkani ku jihaysan yahay.
Mashruuca samaynta furaha macdanta Somaliland oo ay samaysay
shirkadda Nabian Gold Corporation oo ka tirsan kambaniga ugu weyn ee
soo saarista macdanta iyo dahabka ugu weyn ee waddanka Canada oo
sida la sheegay ay hirgelintiisa ku baxeen lacag lagu qiyaasay
malaayiin dollar, kaasoo shirkadaha caalamka u fududaynaya sahaminta,
baadhista iyo soo saarista khayraadka ku jira dhulka Jamhuuriyadda
Somaliland, iyadoo kharashka ku baxay mashruucaas iyo kuwo cusub oo
dhowaan shirkaddaasi dalka ka hirgelin doonto ka mid noqon doonaan
maalgashi ballaadhan oo shariikadaha Canada ugu deeqeen Somaliland.
Sida ku cad dukumantiyo iyo xogo Jamhuuriya ka helay qorshaha macdan
soo saarita Somaliland ee shirkadda ORANE ZONE iyo wakiilka
Somaliland ee Canada Mr. Maxamed Cumar Ismaaciil oo haatan ku sugan
caasimadda Hargeysa, waxa ay shirkaddaasi go’aansatay maalgashi
dhinacyo kala duwan leh oo ay ka fulinayso dalka, kuwaas oo isugu
jira baadhista macdanta, tababaridda aqoonyahanno macdaneed oo
muwaaddiniin ah, mashaariic lagu horumarinaayo wax-soo-saarka
beeraha, xoolaha, ciidammada booliska, bulshada degaannada sahaminta
macdan-baadhista ah laga fulin doono iyo dhinacyo kaloo tiro badan.
Maalgashigan oo ah kii ugu horreeyey, uguna ballaadhnaa ee
Somaliland ka hesho shirkadaha waaweyn caalamka, waxa gacan weyn ka
geystay Mr. Gregory Bowes oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka kamaniga ORE
ZONE GOLD oo ay hoostagaan shirkadaha macdanta ee ugu waaweyn dalka
Canada iyo mulkiilaha iyo madaxa shirkadda Northern Graphite oo sii
maamusha shirkadda Nabian Gold Corporation oo ah ta fulinaysa
maalgashiga kambanigaas Canidain-ka ah ka hirgelinaya Somaliland.
MR. Gregory Bowes waa uu ka mid yahay saaxiibadda ugu waaweyn ee
Somaliland ku leedahay adduunka, gaar ahaan waddamada Canada iyo
Maraykanka oo si weyn looga tixgeliyo, waxaannu xidhiidh aad u adag
oo joogto ah la leeyahay xafiiska wakiilka Somaliland ee Canada oo
safka hore kaga jira xafiisyada ugu muhiimsan ee Somaliland ku
leedahay caalamka.
Haddaba, wargeyska Jamhuuriya waxa uu akhristayaashiisa u
ballanqaadayaa in uu si taxane ah ugu soo bandhigi doono qoraallo,
dukumantiyo iyo xogo kala duwan oo ku saabsan marxaladihii kala
duwanaa ee uu soo maray mashaariicda maalgelineed ee shirkadaha
macdanta ee Canada ka fulinayaan Somaliland iyo jadwalka hawlgallada
maalgashi shirkada Nubian Gold Corporation ugu talogashay fulinta
hawsheed. Sahaminta macdanta iyo horumarinta adeegyada bulshada
Somaliland.
Sidaa awgeed, qormada koowaad ee cadadka maanta waxa aynu ku soo
bandhigi doonaa nuxurka laba qoraal oo uu Madaxweyne-ku-xigeenka
kambaniga ORE ZONE Gold Mr. Gregory Bowes u kala diray madaxweynaha
Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) 4 August iyo
Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Somaliland Marxuum Qaasim
Sheekh Yuusuf, qoraalladaas oo uu tafaasiil kaga bixiyey awoodaha
waxqabad ee shirkadihiisa macdanta ka shaqeeya iyo qorshihiisa ku
wajahan mashaariicda maalgashi ee ay Somaliland ugu talogalee.
Qoraalladaas oo ku qornaa luqadda Ingiriisiga oo aannu afsoomaalu u
turjumnay, waxa aynu ku bilaabaynaa ka uu Mr. Bowes u diray
Madaxweyne Siilaanyo oo uu dhignaa sidan:
“Waxaan si xushmad iyo sharaf leh kuugu hambalyaynayaa guushii
wayneyd ee aad doorashadii ka gaadhey, manay ahay mid kelidaa ku soo
hoyatey, balse waxay ahayd mid dalka iyo dadka oo dhan u soo hoyatey,
waxaanan filayaa inay tallaabo muhiim ah u tahay jidka Somaliland
rabto inay bulshada caalamka aqoonsi rasmi ah kaga hesho.
Sida aad ka war qabto shirkadda soo shirkdda macdanta-qodda ee
Nubian Gold Corporation, waxay dhawaan dawladda Somaliland la
saxeexatay heshiis is-afgarad si ay markii u horreysay dalka uga
samayso sahan dhinaca macdan-baadhista la xidhiidha.
Waxa ilaa hadda sugayaa war-bixintii khubarada ku xeel-dheer Cilmiga
Macdan-baadhista ee uu wehelinayey safarkii ugu dambeeyey ee dalka
Somaliland ku immi, waxaanan rajeynaya in aan mustaqbalka dhaw
oggolaanshiiyaha u horreeya helo.
Tani waa qaab fudud oo lagu jiidaynayo shirkada maalgelinta, isla
matrkaana ku dhiiri gelinaysa inay dalka yimaaddaan.
Somaliland waxay u baahantay shuruuc casri ah oo ku salaysan dhinaca
soo saarista macdanta, lana tartami karta waddamada kale ee Africa,
sidaas darteed sida uu dhigayo heshiiska afgaradka waxaan oggolaaday
in aan arrintaas idinka caawiyo.
Waxaan hore Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ugu gudbiyey faahfaahin
ku saabsan shuruucda iyo qawaaniinta dalka ee wakhtigan marka la
barbar dhigo kuwa waddamada Tanzania, Burkino faso iyo Eriteria,
kuwaas oo ku guuleystey maalgelinta shisheeyaha. Waxaan tallooyin ka
bixiyey sida keliya ee Somaliland mustaqbalka dhaw u hagaajin karto,
una samayn karti qawaaniin cusub oo dhinaca macdan qodista ah,
anigoo tixgelinaya rabitaanka dawladdaada.
Marka sharcigaas cusub ee macdan qodista ee Somaliland noqdo mid
caawiya shirkadda Nubian Gold Corporation iyo dedaalkaagu, waxaan
dawladda Somaliland si hufan uga caawin doonaa soo jiidashada
shirkadaha kale, iyadoo la samaynayo sharci dhex-dhexaad u ah labada
shirkadood, dawladda iyo dadka reer Somaliland.
Waxaan sidoo kale jecelay in aan farriintan qaaliya u gudbiyo
safiirkiina dalka Canada Mr. Maxamed Ismaaciil oo igu dhiiri-geliyey
in aan dalka imaado, waxa uu igula hawlgalay niyad-sami, waxaannu
markasta u heelan yahay, maskaxdiisa ku weyn horumarinta dalkaaga
iyo dadkaaga.
Laba jeer oo hore, ayaan Somaliland socdaal ku imi, waxaanan
rajeynaya in aan markale ku soo laabto si aan adiga iyo shaqaalahaga
arrintan ugala hadlo. Inkastoo, shirkadda Nubian Gold tahay shirkad
yar, haddana wax badan ayey dhinaca macdan-qodista ka qabatay, maxaa
yeelay waa shirkad……… haddii arrintanu meel-mar noqoto, waxaana
rajeynayaa inay shirkadaha kale dhiirigelin u noqon doonto.
Sidaa darteed, ORE ZONE Gold Corporation waxay si ixtiraam leh
iidinka codsanaysaa inaydun u fidisaan oggolaansho ay ku soo
booqanayso dalka Somaliland si samahamin ugu samayso meelaha ay
dalka kaga jiraan macdahana khayriga ee qiimaha leh.
ORE ZONE waa shirkad Canadian ah oo baadha macdanta, isla markaana
muddo 15 sannadood ah si aad ah uga shaqaynaysay galbeedka Afrika.
Shaqadayada badankeeduna waxay ka socota dalka Burkina Faso, laakiin
waxaannu sidoo kale macdanta ka baadhnaa dalalka Mali iyo Niger.
ORE ZONE waxay heshay, sahamisay, fududaysayna in la helo, isla
markaana bilawday dhismaha dahabka Essakane Gold ee dalka Burkina
Faso, kaas oo ahaa mashruucii horumarineed ee ugu ballaadhnaa ee
dalkaas soo mara taariikhda, kharashka ku baxayna wuxuu guud ahaan
dhammaa $420 milyan (Afar boqol iyo labataan milyan oo doollar).
Essankane waxa waqtigan iska leh shirkadd weyn oo Canadian ah oo la
yidha IAMGold, taas oo ka iibsatay dhigeeda ORE ZONE. Wax-soo-saarkaasna
waxa la rajanaya inuu bilaabmo badhtamaha sannadka 2010-ka, waxana
celcelis ahaan sannadkaas ku bixi doona xaddi dhan 351,000 ounce [lacagta
Canada].
Ka hor intii aan la samayn qorshaha lagu soo saarayey macdanta waxa
mashruuca Essankane ku baxay lacag dhan $50 milyan, waxaanuna ku
kharashgaraynay in ka badan $25 milyan, mashaariicdayada kale walina
lama go’aamin in midkoodna yahay mid dhaqaale. Sidaad fahamsan
tihiin, sahaminta iyo soo-saarista macdantu aad bay qaali u tahay,
waana ganacsi khatar badan.
Waxaannu sidoo kale maalgelinay heshiis weyn oo lagu ansixinaayo
tayada nolosha bulshada, halkaas oo aannu ka fulinay waxyaabo ay ku
jiraan biyo, tacliinta, nadaafada iyo mashaariic horumarineed, taas
oo annaga muhiim noo ahayd.
Haddaba, si waddamadu u soo jiitaan shirkadaha waaweyn ee wax-soo-saar
waa inay horumariyaan dakhligooda iyo hab-u-socodka shaqadoodda oo
guud ahaan ay u sinaadan shacabku, sidoo kalena waxay soo jiidanaysa
shirkadaha iyo kuwa kale ee ku tartamaya waddamada Afrika.
ORE ZONE waxay aad ugu faraxsan tahay inay idinkala xaajoto qaab
hawleedkan, sidoo kalena idinla naaqishto fursad ay ku soo saarayso
ka faa’iidaysiga macdanta khayriga ah ee ku jirta Jamhuuriyadda
Somaliland. Waxaannu hadallo iyo warbixinno wanaagsan ku saabsan
wanaagga dadka iyo dalka Somaliland ka maqalnay saaxiibkiiyaga
qaaliga ah ee Mr. Tom Bond. Haddaannu nahay ORE ZONE waxaannu ku
kalsoonahay khibrada aannu u leenahay macdan soo saarista iyo
mashaariicda horumarineed,” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalkan. La
soco qaybo kale oo ka mid ah macluumaadyada iyo xogaha ku saabsan
maalgashiga shirkadaha reer Canada ka fulin doonaan Somaliland….
Source:Jamhuuriya
|