Somaliland Oo Sheegtay in Dalkeeda Lagu qaban karin shirar lagu tabcaynayo qaranimadeeda

 


 


Hargeysa (TNN):-War-saxafaadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somalil and ayay xukuumadda Somaliland si adag ugu cadaysay in aanay aqbalayn isla  markaa na aan ay jirin cid ku sandulayn karta in Kooxo ay ugu yeedhay Qaswadayaal iyo Nabad Diid in ay gudaha Somaliland ku qabtaan shirar ka dhan ah Qaranimada Somaliland.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland waxa uu u dhignaa sidan

“Qoddobka 10aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu qeexayaa in ay Somaliland tahay Dal aqoonsan, kuna dhaqanta Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah. Waxaanay tahay Dal aaminsan in khilaafaadka Dawliga ah lagu xalilo dariiq Nabadeed iyo Wadahadal, waxaanay aaminsantahay dhawrista Soohdimaha Dalalka kale.

Sidaas darteed Somalailand marnaba Ogolaan mayso in lagu soo xad gudbo Soohdimaha ay la leedahay dalalka kale, mana dhacayso in dad qas-wadayaal ah oo Nabad diid ihi ay ku andacoodaan in ay gudaha Somaliland ku qaban doonaan shirar xaaraan ah oo aan Ogolaansho ka haysan Xukuumadda Somaliland, mana dhicin mana dhacayso in cid kale cadaadis ku saarto xoojinta dhaqdhaqaaqa maamul fidinta iyo sugida Nabad gelyada sh acabkeeda meel kasta oo gudaha Somaliland ah.

Sidaa darteed, xukuumadda Somaliland waxay ka codsanaysaa dalalka jaarka ah, iyo ur urada caalamiga ah inay ka digtoonaadaan gacansiinta abaabulka shirar ka dhan ah Qa ranimada iyo Is-raacsanaanta Dhuleed ee Somaliland, iyo in ay Ixtiraamaan Soohdimaha Caalamiga ah iyo Qaranimada Somaliland, sida ay Somaliland u ixtiraamto una aqoonsan tahay Soohdimaha Caalamiga ah.”
 

 


Cumar M. Faarax
Hargeysa,Somaliland