Somaliland oo wada Jaamacad  (university ) ah, Ilaahay ma ina joojay !

Ma shan baa, ma Lix baa mise waa-ba ka badan, inta Jaamacadood ee dhalinyarada dalkeena Hooyo ee Somaliland ee u haraadan aqoonta
sare, ku kalahdaa aroortii? waa Talo nabsi maal ah!.waana wax Allah looga mahad celiyo, inad hoygaaga ku heshaa aqoomaha heerarkooda kala duwani waxay ka mid tahay, guulaha ugu waawayn ee dadku hiigsado inuu gaadho, taasina waxa ay maanta si caafimaad qabta oon shaashaysnayn uga unkantay dalkeen Hooyo ee Somaliland, waxase mudan in la xasuusnaado in xili yar ka hor arintu sidaa aad uga duwanayd.

Xili yar ka hor, waa intii aynu ka midka ahayn dalkii la isku odhan jiray Somaliya-e, ma jirin horumarka dhan kastaba ah een gaadhsiinay dalkeena hooyo hada, ee qaran-nimada goonida ah leh, nabada leh, xoriyada leh, dadkaagii kuu ariminayaan leh, dugsiyada aqoomaha kala duwan laga hirqanayo leh, Telefishanada tirada badan leh, telefoonada caynba caynka ah leh. Calanka sedexda midab ee Tawxiidku ku daruuran yahay iyo Heestiisa u gaarka ah leh. lacagta qiimaha badan een qiimo dhacu saamayn karin leh iwm.

Xili yar ka hor, intaa aan dusha ku soo sheegay iyo in kale oo ka badan, intii bedelkeeda ah ee ugu daran, uguna xanuunka badan baynu ku jirnay, waxaynu ku jirnay qarankeena oo inaga muruxsaday oo gacan kale galay, waxan ku jiray arinteena iyo taladeena oon cid kale uga daba-fadhiisano, waxan ku jirnay col iyo laandayr joogta ah, waxan ku jirnay shib dhaha oo waxba ha ka sheegina maamulka iyo masayrka dalka, ha dhisina waxad jeceshaheen , ha dhoofina oo ha soo shaqaysanina, ha baranina waxad rabtaan, ha soconina xiligay dantu ku jirto, ha yeelanina hantiyaha qaarkood, ha degina meelaha qaarkood, ha beerina dalagyada qaarkood. ta ugu sii darani wax kaleba daayoo ha dhagaysanina '''heesaha ama fanaaniinta qaarkood'' ! iwm.

Xili yar ka hor, dugsiyada waxbarashada hoose/ dhexe/ sare ee dalkeena ku yaalay waa koobnaayeen, iyada haba soo qaadin dugsiyada waxbarashada sare ee heer Jaamacadeed ah, ninka waayuhu gaadhsiyaa inuu heer jaamacadeed hiigsado, waxa uu ku sandulaysnaa inuu u dhalandhoolo Xamar, oo uu ku beegsado waadaalnimo iyo waxa biligiisu u soo xero galiyo, waxa lagama maarmaan ahaa inad cid ku yeelato ama ka taqaan Xamar, hadii aanay taasi suurta gal kuu ahayna inta badan mabaad hawaysanayn, waana ta keentay in dhaalinyaro badanoo reer Somaliland ahayd ay rumayn kaari waayeen riyadoodii ahayd inay waxbarasho sare gaadhaan iyaga oo lahaa tayadeedii oo la hubo inay durduro ku dhamayn lahaayeen jaadkasta oo aqoneed oo jaamacadu leedahayba ''Allahayaw maxaa maskax godolkeeda lagu rayn lahaa ay Jaamacad la' aani inaga gaagaxisay!'' Taasi waata keentay inay aad inoogaga horumaraan xaga aqoonta sare ee heerka Jaamacadeed ah waxana ay ka mid ahayd gun-nimadii aynu inagu isku keenaay.

Si kastaba ha ahaatee waan ka soo gudubnay taasi waana arin ilaahay looga mahadceliyo, waxba yaanay hadaba sheekadu meelo kale iyo xidhadh kale oon laga gayoobayn ila galine, aan ku noqono Jaamacadaha ka hanaqaaday Somaliland. Iqra ayaa lagu yidhi Nabigeenii Maxamed ahaa (nnkh) qiimaha ay leedahay aqoontu maaha wax fudud, Nabigeena ( nnkh) ayaa laga wariyay aqoonta meel kasta u raadsada dalka Shiinahana ha ahaatee, dhanka kale marka aad ka eegto, waynaga nidhaa '' aqoon la' aani waa iftiin la' aan '', dadkuna waa ka siman yahay tixgelinta aqoonta, waxa taa kuu cadayanaya maah maah Shinaysa ayaa laga soo weriyay inay tidhaahdo '''qofka ha siin Kaluun ee bar sida loo kaluumaysto'' oo ujeedada ka danbaysaa ay tahay bar aqoon uu ku kaluumaysto taasaan ka dhamaanayne.

Aqoontu waa tab loo barto in la adeegsado marka baahideedu timaado, waa waxa ugu fiican ee uu qof hantiyi karo, waa waxa kali ah ee aan kaa lumayn, kaa dhacmayn, kaa bedelmayn, lagaaga murmi karin, ma jirto '' ku qabso ku qadi mayside '' cid kaa sheegan kartaa ma jirto waxa aad maskaxdaada ku shubato oo waa kuu kayd inta xabaasha aanad galin, sidaas darteed hadaad rabto nolosha inad adigu gacantaada ku haysato ood u maamulato kolba sidaad doonto, badso oo miciinso aqoonta!. Waxa adigu ku anfacaa bulshadaadana wax ugu filan, horumarka dalku waxa uu ku xidhan yahay heerka aqooneed ee ay bulshada ku nooli gaadhsiisan tahay, waxa aanu muran ku jiran in hada jaamacadahaa badan ee dalkeena Somaliland ka tisqaaday ay is bedel dhan kastaba ah oo fiican inoo soo hoyn doonaan.

Waa Guul aad loogu diirsado dalkii Somaliland ee dhawrka dugsi ee sare ee kaliya lahaa, xili aan durugsanayn oo maanta ay Jaamacado ay ka mid yihiin,-

b- Jaamacada Burco.

t- Jaamacada Camuud.

j- Jaamacada Golis.

x- Jaamacada Laascaanood.

kh- Jaamacada Eelo.

d- Jaamacada Adams.

r- Jaamacada Hargaysa.

Iyo in kale oo badan ood adba ka war hayso iyo weliba kuwa hada qalqaaladooda lagu jira ay ka furan yihiin, taasoo weliba ay dheer yihiin maxadyada kala duwan ee ka buuxa dalkeena, dugsiyada hoose/ dhexe/ sare ee meel kasta ku yaal ee qaarkood gaarka looba leeyahay iwm, dhamaantood waa waxeenii, waana Ilaahay mahadii, taasise xili yar ka hor iskaba daa inad ku hamidee, kumanaad hawaawiyan! Waa sadkii inagaga maqnaa is raacii 1960-kii een eednay, oo aan hada soo xerogashanay!. Gabagabada maqaalkan waxa magaceeda iska leh guushaa oon cidi ku labaynayn dadka u xaydan inay dadkooda iyo dalkooda hore-u-mariyaaan oo ay aduunyada dhan ka raaciyaan, Ilaahay ha ka abaaliyo inta u darban dalkeena dhan kastaba, ee waajibkooda hagar la' ida u gudanaya goor kasta,. waxana aan leeyahay waa halkii heestiiye '' Ilayskaa kuwii shidoow abaal baan kuu haynaa, Agoonta kuwii dhacoow Inkaarbaan kugu ognahay''.

Hadal iyo dhamaan dhalinyartaay Gacmahiina kaga dherga, aqoontaa jaad kastaba leh ee maanta afaafkiina wadhan, xili aaan dheerayn maanu hayn anaguye!. Allah ha inoo kadbo.



Somaliland ha jirto oo ha joogto.

 

 



Cali Cumar Xasan