Somaliland v/s Somalia : Dagaalkii Qadhadhdaa ee
Afka oo 20 Jirsaday




 


 


Maxaad kala socotaa odhaahyadii ugu caansanaa ee ictiraaf doonka iyo kuwii ku liddiga ahaa



Marka hore duco iyo hambalyo iga hooya guud ahaanba shacibigagow innagoo dhammanteen isu diyaarinayna xuska 20 guurada qarannimo oo ku aaddan idanka eebbe bisha may ee foodda inagu soo haysa. Munaasibbaddan qiimaha badan iyo qaddarintaba innaga mudan ayaa dib inoo xusuusinaysa waayihii kala duwanaa ee inna soo maray xilliya dii ka dambeeyay dib ula soo noqoshada haybaddii qarannimo.


Iyadoo aqoonsigii weli maqan yahay oo aan fari ka qodnayn ayay waajib innagu tahay in la dul istaag o halka sartu ka qudhuntay, isweydiinno sababta raagidisay, garanno halka u xadhiggu ka xidhmi waa yay, samaynno daraasad cilmiyeed dhinac walba taabanaysa, ka dibna eegno maxsuulka lagama maar maanka ah kana qaadanno siyaasad cad oo lagu wada qanacsan yahay oo naf gelin karta ruuxa iyo r ajada bulshaadeenna u harraadan ictiraafka caalamiga.


Si taa loo helo waa inaynu bilownaa olole lagu baraaruijnayo xiska fadhiidnimo ee masùuliyiinta hawsh aa loo igmaday iyo dardargelinta shakhsiyaadka iskood u dardargelin kara ee xil gaar iska saari kara iyo sidoo kale ka qayb gelinta shacabka oo ku yaboohi kara fikrado wax tar weyn u leh ka midho dhali nta yoolka gobannimo.


Waxan ku boorrin lahaa abwaannada iyo fannaaniinta dalka in marka kale looga baahan inay qaataan kaalintoodii horseednimo ee ay kaga jireen bulshadeenna oo ahayd wacyi gelinta guud ee ummadda, waxan la illoobi Karin suugaantoodii qaaliga ahayd ee gobannimo doonka ee lagaga takhullasay isticm aarkii, tii xaq u dirirkii SNM, kuwii dagaalladii kala dambeeyay ee lala soo galay Ethiopia iyo intii wuxu eebbe hibo u siiyay in iyagu ay ciyaaraan doorka ugu muhiimsan ee dhiirri gelinta waddaninimo awood ana inay gaadhsiiyaan heer aad u sarreeya iyagoo ku soo gudbinaya gabay, hees iyo riwaayadba am ase qaab masrixiyadeed sidaasna ay ku kasban jireen quluubta dadweynaha kuwaas oo aynu qiraynn o inay yihiin qaar weli ku xardhan laabteenna.



SAAMAYNTA BALLAADHAN EE AY WARBAAHINTU KU LEEDAHAY KOR U KACA AMA HOOS U DHACA HEE RKA WADDANINIMO EE BULSHO WALBA


Waxa aan la daffiri Karin inaynu nahay ka dabo tag lagaga hor maray dagaalka media-ha taasoo loo aanayn karo inay sabab u tahay iyadoo ay dawladii hore innaga curyaamisay dhanka warbaahinta ma rka laga tago in yar oo ay iyadu gacanta ku haysay oo aan run ahaantii kaba badnayd radio Hargeisa

Xamar baa laga furay kulliyado laga barto saxaafadda, madbacado, wargeyso badan, idaacad aad u shaqqale badan, tv qaran iyo wax kasta saamaxaya in mediaha la gaadhsiiyo heer caalami ah, sidaa darted waxay reer koonfureedku dhaxleen wixii aqoon ahaa ee ay warbaahinta ku lug lahaa iwm. Muqdisho oo kaliya ayaa waxa ka jiray idaacado aad tiro badan oo gaadhaya ilaa toddoba xiilli ay halk aa ka jireen dagaallo sokeeya oo aad u kulul, kuwa ugu codka dheerna waxa ka mid ahaa Radio Shab eelle idaacadda Quraanka kariimka ah iyo Horn Afrik.


Ka dib burburkii xukunkii ihaanada ee Siyaad barre oo ay koonfurta ka bilaabmeen dagaallo sokeeye kuna aaddaanayd sagaashameeyaha horraanteedii ayay weli warbaahintu ku shaqaynaysay duruufo aad u qallafsan oo aanay hakanin waxase si xooggan u sii dardargeliyay ninkii kol halkaa ka noqday m adaxweynaha ee al odhon jiray Abdiqaasim Salad Hassan ama ina Salad Boy oo ahaa nin gurracan oo qabiilku madax maray balse aftahan ah, diintana aad yaqaan oo kolba akhriya aayad u ku beer  laxow sanayo dadka meelahaa ka akhriya oo aan afkiisa iyo uurkiisu is lahayn iskana dhigi jiray waddani dha atay, ayaa xaqiiqdu siday tahay la arkayay maxsuulka nidaamkii u horkacayay marka ficil loo tarjumo ee la iska reebo wuxu sheegayo lana miisaamo waxa ka dhashay maamulkiisii ayaa waxa kuu soo baxa ysa inu lahaa qorshe aad u qarriban oo salka ku haysa colaadda gobollada dhexe gaar ta u hayo tolkii Sacad oo ay isku habar Gidir yihiin iyo xulufaysiga sida u uga dhabeeyay is xulufaysigii traditional-ka ahaa ee u dhexyayn jiray beeshiisa Cayr iyo beelo darood ah oo ay ka mid yihiin Marreexaan oy deeg aan wadaag yihiin isna dhaleen iyo Ogaadeen, Istraajiyaddiisa oo ahayd sidu ku taami jiray inu qabsa do min Kismayo ilaa Saylac ayaa ahayd mid ku dhisan isticmaalka ihaanooyin qabiil isagoo reerkiisa ka yeelay kuwa loo dabo fadhiisto caynka u ekkaan doono mustaqbalka Somalia.


Abdiqasim Salad oo ka soo jeeda beesha Cayr oo weligood isku tirinayay inay u badan yihiin Habar Gi dir ayaa taariikh ahaan waxay qabeen cuqdad odhanysa maxaa reerka looga waayay beesha rag wa away oo tujaar ah, siyaasiin ah, muttacallimiin ah ama taliya oo bulshoweynta somaaliyeed dhexdeed ku lrh magic weyn,, halka beesha sacad oo iyaga tiro ka yari ahayd wax kasta oo Hawiye khuseeya w axa laga weyddiiyo, ciil kama kore Abdulqasim wuxu wacad ku maray inu taa buriyo oo weliba ay bees hiisu xukunto Somali inteeda kale.

Shirkii carta markii u socday oo u loollan baàn ugu jiray in isaga la doorto ayaynu xusuunaa inu tiraba 2 ilaa saddex jeer Hargeisa yimi si taageero dhaqaale uga helo maamulka iyo bulshadaba waxanu run tii ka helay wuxu rabay iyo in ka badanba. Waxa isna doorashiisa door weyn ka ciyaaray Ismail omer geelle oo shirka ugu qbtay kooxaha Somalida magaalada Carta. Haddaba kolku Xamar tegey ayuu la soo baxay bernaamjikii u qarsoonaa oo aan isleeyahay wuxu ahaa mid ka duulaya dhaqaale ka raadsi dawladaha Carbeed oo ay isku fiicnaayeen, kaasi oo malahiisu tusay inu adeegsan karo naaxinta reer kiisa iyo baahinta xukunkiisa labadaba.

Wuxu is tusay in Somali xukunkeedu u hawl yaraan karo hadduu gacanta ku dhigo waxyaabaha hoos ku qoran oo dhammaantood soo if baxay muddo ka dib.



A. Dhaqaalaha: dhaqaalaha dalka ini ku soo ururiyo beeshiisa, halka awal u jiray nin kaliya oo lagu til maamo inu ka mid ahaa maal qbeenka waawayn waa ninka la yidhaahdo Xaaf, ayaa waxa muddo koob an ku soo biiray ilaa 15 kale oon ka dhicin isaga waxaana lagu xusuutaa in beeshaasi noqotay tii dhidi bada u aastay suuqa Bakaaraha ee mar ahaa kan ugu weyn Afrikada Bari oo dhan.



B. Diinta : wuxu ahaa ninkii asal ahaan abuuray dagaalka diimeed ee weli koonfur ka socda isagoo qa bay inu dadka ku soo jiidan karo haddii ka maro xagga diinta waayo Somali way diin jeceshahay, wuxu dib u soo abaabulay kooxo diimeedyo horay u soo jabay oo ay Al-iIttixaad, istisaan iyo intisaar iyo qa ar kalaba ka mid yihiin isagoo sameeyay laba garab oo kala ah kan guud oo u madax uga dhigay inaad eerkii Hassan dahir aweys halka u ka kalana ahaa garab dhalliyaro oo isna u madax uga dhigay yarkii u adeerka u ahaa ee Cayrow. Masaajidada waawayn oo dhanna gacanta ayuu ku dhigay, waxaynu ka warqabnaa in ay ku soo biireen rag badan oo ay ka mid ahaayeen indha cadde, Cabdi waal iyo kuwo k ale, markii cabdi qasim meesha ka baxayna ay isu rogeen wixii la odhon jiray maxkamadaha Islaamiga ah kuwaasoo markii dambena u digo rogtay Alshabab iyo xisbul Islam welina dhibkoodii socdo.



C . Warbaahinta : Ina Salad boy wuxu garawsaday inaan waxba u suurto geli krin haddii aanu la ware egin warbaahinta la hadasha dadka afka somaliga ku hadla, gudo iyo debedba, waxa durbadiiba u suu rta gashay inu soo saaro ciyaal faro badan oo kamarado iyo mirifoonno la yaacaya oo beeshiisa ah oo wada yarka Calasow oo miidhan dhanka gudaha, isagoo loollan galay qabshasada maamulka BBC-da o o ku guulaystay inu Yusuuf Garad iyo qaar kalaba halkaa ku hubsado, kuwaasi ooynu ognahay inay ka dhigeen meel ay isaga uga adeegaan innagana innaga aflagaadeeyaan.



D. CIIDAMADA IYO HUBKA: Si arrinkiisu taabbo gal u noqdo wuxu ku dooday inu dibu soo noolaynayo wiixii la odhon jiray CIIDANKA QARAN EE SOMALIA isagoo u magaacabay jananka ciidamada inaadeer kii General Galal oo markiiba sameeyay qorshe ay dalka oo dhan ku qabsanayaan kaasoo mar dambe fashilmay. Jaantuska dagaal ayaa lahaa isitraatijiyad ka kooban afar qodob una kala horreeya sidan ;



1. Min Benadir ilaa Kismayo

2. Min Jawhar ilaa Cadaado

3. Min galkacayo ilaa Bosaso

4. Min Las Anod ilaa Saylac.



Kismayo oo ahayd muftaaxa dagaalka ayaa waxa ku hardami jiray beesha Majeerteen oo dhan ah iyo beelaha Ogaadeen iyo Marreexaan oo inta badan isku dhan ah, waxa markaa gacanta ku hayay colon el Barre Hiiraale oo Marreexaan ah, kaasi oo u sahlay samaynta xulufkii la baxay ISBAYSIGA DOOXAD A JUBBA , Abdi qasim wuxu wakiishay raxan saraakiil ah oo u hoggaaminayo colonel Goobaanle oo dha mmaantood ka soo jeeday beeshiisa Cayr inay qayb ka noqdaan maamulka gobolldaa. Abdi Qasim Sal ad wuxu ku dhammaystay muddadii u xilka hayay isagoon weli dhammays tirin qaybtii u horraysay ee duullaanku ku ekkeeyay jubbooyinka.



Adeegsiga weedhaha ayaa halhays u ah bulshada ay ku cabbiraan hadba wixii ay hawl kolkaa ku foog gan yihiin, waaxa lagu muujiyaa shucuurta ummadeed ee markaa jirta, tusaale; waxad goor walba ka maqashaa kuwa ka gubta qarannimada Somaliland hadallo ay ku tiraabaan oo faro badan, hadba kii a y doonaan ay u soo qaataan si ay qiil ugu samaystaan aragtidooda gurracan una meel marsadaan , rabitaankooda qalloocan waxay dadka noocaasi ku andacoodaan inay yihiin waddaniyiin daacda ah oo somalinimadu ka dhab tahay, wixi ay maslaxad guud bideenna ay ka talinayaan iyagoo da `walba isu gu jira ahna rag, haween, dhallinyaro, aqoonyahan, culimo, siyaasi, madax dhaqameed iyo dhamman qaybaha ummadda.

Haddaan u soo noqdo tusaale kale oo kaa ka fudud tibaaxayana halista u leeyahay dagaalka hadalka ee laysku hayo iyo isticmaalka weedhaha ogaan loogu soo celceliyo si laguu niyad jabiyo ayaa waxa ka mid ah mid ay ka siman yihiin qoonkaasi had iyo goorna ay yidhaahdaan oo ah ETHIOPIA AYAA  WA DDANKA KALA GOYNAYSA. Waxa la yaab leh inay iska indho tirayaan in aanay Ethiopia wax shaqo ah ku lahayn shirkii ku dhawaaqista madaxbannanida Somaliland ee Burco ka dhacay, waxa kalooy isdiisi nayaan sida wadajirka ee ay ugu riyaaqeen ay dadkii taladu khusaysay iyagoo isku duuban min sulda an, siyaasi,sarkaal ciidan, iyo shicibka oo idilba iyada naadiskaasi u ahaa mid aad loogu wada guuxay loona wada guddoonsaday.

Waxan idiin horraysiin doonaa inta aynaan u gelin warka obocdiisa, qaddar ku saabsan bilowgii weera rka afka wixii bal aan ka xusuusto xilliyadii kala dambeeyay ee la soo burburkii Somalia dabadii, Xilliya dii Cali Mahdi, General Aidid iyo hoggamiye kooxeedyadii waxaynu ku dhaafaynaa inay dhammaan she eegan jireen siyaadada dalkeenna.

Cali Mahdi, Caydiid iyo xattaa mararka qaarkood dagaal ogayaal kale ayaa ka sinnaa xaqirraadda taq riirul masiirka shacabka Somaliland kuna doodi jiray inay iyagu madax u yihiin. Waxa ku xigay xilligii Ca bdi qasim salad Booy iyo rayìisul wasaarayaashii uu kala beddelay xilligi ku magacownaa ku meel gaad hka kuwaasoo kala ahaa Ali Khalif Galaydh,, waxa halkii ka sii waday Cabillaahi Yuusuf Yay iyo rayìisul wasaarayiishii uu kal beddelay ee Ali Mohamed Ghedi, Nur Adde, waxa halkii ka sii wada sheikh Sharif iyo labada Rayiisul wasaare u ilaa haatan kala beddelay eek ala ah Omer Abdirashid Ali Shermarke iyo Mohamed Farmajo, kolka lagu daro guddoomiyayaashii Barlamaanka ee kala dambeeyay waxay into ku hadlaan luqad kaliya oo ay ku guubinayaan reer koonfureedka kolkay ka hadliyaan qaddiyadda Somal iland.


Innagoo weli ku gudo jirna dhacdooyinkii 20kii sannadood ee inna dhaafay , ayaan markanna jeclayst ay inaan idinku dareen geliyo wixii weedho la yaab leh laga yidhi laacdanka siyaasadda , gaar ahaan na waxaynu is xusuusin doonnaa odhaayo murtidkii ugu caansanaa ee xilliyadii la soo dhaafay aadka u hirgalay, kuwaasoo salka ku haya loollanka ka dhexeeya Somalilanderka iyo lidkooda oo ah Somaliwey n oo mid waliba adeegsado murti u gaar ah.



Waa kuwan liiska weedhahii wacdaraha lahaa ee la isu isticmaalay 20kii sannadood ee tagay dhanka ictiraaf raadiska iyo gooni isu taagga Somaliland iyo kuwa diiddan oo isugu jira kuwii hore iyo kuwa cu sub intaba.



Q 1aad: Ee ku dhigan khadka cas leh waxaynu ku eegi doonaa inta aynu ka gaadhno hadalada had iyo goor ka soo yeedha masłuliyiinta iyo warbaahinta ay maamulaam cadowga Somaliland



1. Dawladda iskeed isugu magacowday Somaliland

2. Jumhuuriyadda la magic baxday Somaliland

3. Xuduudaha Somalia waa muqaddas

4. Somalia sina uma kala go`karto

5. Maamulka Somali-diidka

6. Ethiopia ayaa u yeedhisa

7. Somaliland waa gobol ka mid ah Somalia

8. Maamulka beesha Isaaq

9. Maamul goboleedka Dir Woqooyi

10. Somali ma kala maaranto oo aabo kaliya ayaa wada dhalay

11. Somalidu waa ummadda kaliya Africa ee isku af, diin iyo dhaqanba ah

12. Ma jirto wax Somaliland la yidhaahdaa

13. Waa nala dilay uun bay leeyihiin, Somali oo idil ayaa iswada dishay

14. Wax la yidhaahdo land-land ma jiraan

15. Qayb bay ka yihiin heshiiskii federaalka

16. Qaab beeleed ayay uga qayb galeen shirkii dibu heshiisiinta

17. Way ku jiraan dawladda , awood qaybsigana saamigoodii waxay ku qaateen habka 4.5

18. Aduun weynuhu ma aqoonsana, weligoodna heli kaa ma helayaan

19. Iiìnyo ayuun bay leeyihiine, maxaa u diiday inay runta u soo noqdaan

20. Dawladda ku meel gaarka ah ayay hoos yimaaddaan

21. Maamulka woqooyi galbeed

22. Ma aaminsani wax Somaliland la yidhaahdo

23. Iskuma fillaan karto dhaqaale ahaan

24. Annagay fasax u siina diyaaradaha iyo marakibtu inatany soo gelin biyaha iyo hawada somaliland

25 Annagaa ka hawl galnay in Sucuudigu qaado cuna qabataynta xoolaha

26 Annagaa soo saxeexnay mashruuca EU-da ee biyo gelinta Hargeisa

27. Maaha in tacliinta la siyaasadeeyo

28. Maahaa isu socodka ldadka in la siyaasadeeyo

29. Maaha in baayac mushtariga la siyaasadeeyo

30. Maaha in hawlaha caafimaadka la siyaasadeeyo




PUNTLAND:


1. Dhuxusha ka dhoofta Bosaso waxa ka dambeeya dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland

2. Ururka argagixisada ee Sheikh Atom wuxu gacan saar la leeyahay maamulka Somaliland

3. Budhcadeeddu kuma koobna deegaana Puntland oo kaliya, waxa ka buuxa reer Somaliland

4. Dadka tahriibaya badankoodu waxay soo maraan oo nagaga yimaaddaan dhanka Somaliland

5. Ingiriisku waa inu joojiyaa mucaawinada u siiyo Somaliland ee loo adeegsadi gumaadka reer ssc

6. Ciyaaraha gobollada waxa iman doona kooxo ka socda Somaliland

7. Waxanu qabannay kulankii ugu horreeyay ee haweenka af somaliga ku hadla oo somalilandna ku jirtay

8. Waxanu qabannay shirkii u horeeayay ee culimada ahlu suna oo Somaliland ka soo qayb gashay

9. Burburkii ka dib beel waliba deegaankeedii bay u laabatay

10. Ssc waa tolkayo waxananu wada samaysannay dawladda buntalaan (Waa siday ugu dhawaaqaane)

11. Shir laba geesood ah oo u dhexeeya Buntalaan iyo Galmudug ayaa ka dhacay Garowe

12. Martiqaad wadajir ah ayaanu u fidinnay Somaliland inay nagu soo biirto shirarka dambe

13. Faroole oo ka hinaasay mucaawinada ingiriiska ayaa gaadhay Roma

14. Annagaa u yeedhanay calooshood u shaqaystada Sarasen heshiisyan la galnay tegina maayaan

15. Somaliland ha isaga baxdo dhulka ay xoogga ay ku haysato ee aan laga rabin

16. Shirdibu heshiisiin ah baanu Somali isugu yeedhi doonaa

17. Heshiiska Galkacayo ee buntalan/Tfg kana kooban 17ka qodob Somaliland kumanaan soo qaadin

18. Ciidamadaya ayaa Riyaale ku weeraray Laas caanood

19. Puntland oo ku guulaystay baajinta mashruucii isticmaalka Berbera ee UN-ta (Afduubyo)



MAXKAMADIHII ISLAAMIGA EE MUQDISHO:




1. Burco ayaa nalooga yeedhay

2. Ictiraafkay caabudaan reer woqooyigu ( waraysi BBc-da u siiyay Hassan Dahir Aweys)

3. Waanu qabsan donna dalkoo dhan min Ras Kamboni ilaa Zeila

4. Somaliland waxa taliya amxaarada

5. Land land wax la yiraahdaa ma jiraan

6. Dekeddii Berbera waxa gebi ahaan la wareegtay Ethiopia

7. Dadka reer woqooyi na rabaane, waxa na diiddan maamulka gaalo raac ah

8. Isaaqu waa gun ( gabay Abshir Bacadle)

9. Warba waxa ka hadhay intanu koonfurta ka soo faraxalanyno

10. Nabaddii lixdii bilood ayuu cadowgu inoo quudhi waayay woqooyina diyaar buu ahaa



ALSHABAB:




1. Somalia oo dhan waxannu gaadhsiin kitaabka Alle

2. Dimoqraadiyaddu waa camalka shaydaan ee gaaladu ku dhaqanto

3. Annagaa ka dambaynay qaraxyadii Hargeisa waananu qabsan doonaa

4. Hoggamiyayaasha alshabab waa isaq, waxa loo soo diray inaanaan weligayo degin



JIMCIYADDA QURUUMAHA KA DHAXAYSA:




1. Qaxootiga koonfur dalkoodii bay ku baro kaceen, caawin mayno hadaan taa la oggolaan

2. UNDP oo laga diiday manhaj iskuuleed ay soo daabacday oo ku slaysan Somalia

3. Heading mashaatiicda JNA ee UNDP ma oggolin oo waxa ku dhigan Somalia

4. Walad Abdalla waa nala col oo weligii nooma iman



Q.2aad




Waxay ku dhigan tahayn khadka doogada waxaynu iyana diiradda ku saari doonnaa hadaladii yididiila da, guubaabada iyo rajada xambaarsanaa ee ay shicibka reer Somaliland ku cel celin jireen tan iyo ma rkii lagu dhawaaqay gooni isu taagga.



1. Somaliland jiritaankeedu waa muqaddas

2. Waanu wada buuxinnay dhammaan shuruudihii aqoonsiga

3. Xamar annaga ayaaba ka hor xorownay

4. Waa in xuduudaha la soo xidhaa

5. Somalilander baan ahay

6. Miiska Eu-da ayay saran tahay

7. Cunaqabataynta xoolaha ee carabtu siyaasad bay salka ku haysaa.

8. Webiga niilkaa ee carabku ka cabbo ayaanu u caddilanahay.

9. Israac dambe geeri iga xigta

10. Way dhaqaaqday

11. Doorashadaasi siday u dhacdo ayay wax waliba ku xidhan yihiin

12. Rajo aad u weyn baa jirta

13. Hadda ayuun bay inoogu dhow-dhowdahay

14. Wax aad yar baa innooga dhiman

15. Afrikaanka la hadlaa la inna yidhi

16. Annagu shantii oo dhan baanu lixdankii rabnaye maanaan doonayn koonfur iyo woqooyi

17. Jabbuutiba waa ta dawlad gooniya noqotay

18. 1st july waa maalin madow

19. Waa nala khiyaameeyay

20. Wax heshiis ah isutaggii lama kala qoranin

21. Xukun qaybsi muu dhicine waxa dhacay afduub, saamigii aanu lahaynna nalama siin

22. Waatay na xasuuqeen

23. 1960-gii 37 dal baa na aqoonsaday oo jimciyadda quruumuhuna ku jirto

24. Israel way inna rabtaaye innagaan doonayn

25. Dadlal badan ayaa carrab laalidiyay oo hoos hoos wax innoola wada

26. Hadday go`do South Sudan wuu jabay heshiiskii xuduudaha ee Africa

27. Jubba aynu safaarad ka furanno

28. Eritrea haddii ay go`do innana waa ku xignaa

29. Bhutrous Ghali baa ku fadhiya codsigeenna UN-ta

30. Taiwan waxba umay noqon aqoonsi laąantii

31. Ninkii taga shirarka wallwayntu waa khaayinul waddan

32. Masar iyo sucuudiga ayaa ku fadhiya qaddiyeenna

33. Maraykanka oo yidhi kolnaba annagu uguma horrayn doonno dhanka ictiraafka

34. Ictiraaf laąantu waa caqabad weyn oo innaga hor taagan wax badan oo aynu qabsan lahayn

35. Isbeddelka kediska ah ee Ina Cumar Geelle muxu daarran yahay

36. Ilaahay baa na icriraafsan, maqnaanshihiisana waxba u noqon mayno

37. Aqoonsigu sabir badan ayuu u baahan yahay

38. Albaab waanu garaacnayoo ilaa hadda waxba ma haynno

39. Dadkayaga 97% ayaa u codeeyay gooni isu taagga

40. Pentagonka oo u horkacayo wasiirka difaaca Robert Gates ayaa raba in aqoonsigeenna

41. Somalia nabadi ka dhici mayso innta weli aan Somaliland la aqoonsan

42. CNN ka ma daawatay

43. Ka hor dhici mayo laakiin waxbaan idiin ogahay

44. Ictiraafkii haddaa qarkaa loo saran yahay

45. Sir culus oo ictiraafka Somaliland ku saabsan ayaa ka fakatay wiki leaks

46. Geeri ayaan ka xigaa israac dambe

47. Haddii aynu sii xoojinno nabad gelyada waa la hubaa

48. Haddii aynaan innagu cagta jiidayn waa horaa la aqoonsan lahaa

49. Baasaboorkayaga ayaa naloo fiiseeyaa

50. Wefdiyo qiimayn samaynaya ayaa inoo uimi

51. Meel wacan bay wax marayaan

52. Wixii hadda ka dambeeya mucaawinooyinku toos bay imanayaan

53. Ethiopia waxay leedahay haddanu u horrayno si kalaa la turjuman doonaa

54. Beesha caalamka ayaa inna ammanaysa

55. Waxay ku jirtaa nabad gelyada oo aynu intaa ka sii xoojinno

56. Somalida ha lala hadlo iyo yaan lala hadlin oo weli la isku khilaafsan yahay

57. Bagaa la riday xusni Mubarak, Qaddaafina abaalkii looga waraabiyay

58. Wixii na durraansdaa ma mahadiyaan

59. Maalintay u daran tahay ayuun buu ilaahay shimbir noo soo diraa

60. Haddaa na doorataan annagaa keenayna ictiraafka

61. Somaliland oo aqoonsatay Jumhuuriyadda South Yemen (waagii AHN Mdx.Egal

62. Somaliland oo USA u fidisay deeq lacageed oo gaadhaysa 50,000 USD qaraxyadii 9/11

63. Somaliland oo 300 oo neef oo adhi ah ugu deeqday Djibouti ka dib weerarkii Eritrea

64. Siyaasiin ka soo qayb gashay xafladda caleemo saarka suldaan hebel iyo boqor lagu caano shubay

65. Iqbal Jhbazi oo bug ka qoray Somaliland

66. Jenday frazier oo dalka soo gaadhay noqotay masùulkii ugu sarreeyay ee dalka soo booqda.

67. Beel heblaayo ayaa ku biirtay xisbigaa

68. ONLF oo xeebta galbeed ka soo degtay

69. serfarkii baa khalkhalay

70. Haddii la iga guulaysto isku dhejin maayo kursiga sida afrikaanka kale ee waan ka dagayaa

71. Senator Donald Payne oo si kulul ugu hanjabay Somaliland

72. ka qayb galka shirarka ay soo qabanqaabiso beesha caalamku oo la isku maandhaafsan yahay

73. Haddii aan Oromada dalka laga celin khattar wayn baynu daaqaynaa, dalkana way innaga qaadi

74. Baarlamanka Kenya ayaa qaddiyadeennii la soo hor dhigay

75. Budhcad badeedu way ka baqataa badahayga

76. Iskaashi caalami ah iyo gobol baanu ku hawlannahay oo dhanka argagixisada ah

77. Satelite ayaa lagu sawiray khayraadka dalka bad iyo berriba

78. Ethiopia waxannu qaadka ugu beddelan doonnaa inay qaataan milix iyo kalluun

79. daadka badda ku shubma ayaanu rabnaa inaanu qabanno oo samaynno biyo xidheenno

80. Waxa noo qorshaysan in mustaqbalka la hirgeliyo gaadiidka tareennada

81. Ismaandhaaf ka taagan ururro siyaasadeed oo la furto

81. Ssc waa urur nabadiid ah

82. Ma qaadannaa kursiga Somalia ee UNta oo la goàansaday in laga qaado golaha loo dhan yahay.

83. Weligeedna la inna aqoonsan maayee runta aan isu sheegno

84. Taiwan-ba ictiraaf laàan waxba uma oga

85. Israel way inna aqoonsan lahyde innagaa ka maagayna, sowtaa carabtu xidhiidhka la leh

86. Koonfurta Sudan waa unaynu safaarad ka furannaa

87. Xamarta aad sheegaysid soo qaadqaadkeeda ayaaba xaaraan ah

88. Aqoonsigu sabir badan ayuu innooga baahan yahay

89. Albaab waannu garaacnay

90. Eritrea-ba wataa xorowday

91. Wixii hadda ka dambeeya waa toos mucaawinadu

92. Meel wacan bay wax marayaan

93. Baarlamanka Barwaaqo-sooranka ayaa la innagu daray

94. Shir sannadeedka madaxweynayaasha AU da ayaa doorkan la innagu martiqaaday



Kuwaasi waxay ahaayeen waxyaabihii loogu hadal haynta badnaa intaan ka xusuusto

Haatanna aynu eegno shakhsiyaadkii gacanta ka weyn ka geystay ictiraaf raadinta ama qabtay hawl qaran oo qiimo leh.



1. Mohamed Ictiraafdoon

2. Dr. Iqbal Jihbazi

3. Dalmar Kahin

4. David Shin

5. IM Lewis

6. Dr. Peter Pham

7. Dr. Abdulaziz Almuttairi

8. John Penderghast

9. Dr. Saad Sh.

10. Bashe Abdi Yuusuf

11. Indha Buur

12. Abdi Nur Darmaan

Iyo akhyaar kaloo fara badan.

 



URURRADA:



1. Somaliland forum

2. Siraj

3. Hawiye Action Group



Dhanka heesha waxa aniga aad ii soo jiitay labada heesood ee kala ah

1. Somaliland dalkayga, Somaliland dadkayga

2. Annagu xamar dooni mayno, xumaanna u geysanno mayno, xuduud laba dawladeed iyo xidhiidh baa naga dhexeeya.



Gunaanadkii waxan ku soo afjarayaa cibaarada ku jirta magacyada isku midka ah ee kol qudha saaxad da siyaasadda wada kulmay, bal ila arka idinna


1. Sh. Sharif Sh. Ahmed TFG President

2. Sharif Hassan Sh, Aden Speaker TFG

3. Sharif Ahmed Mashqac Geliye wargeyska Yool

4. Sharif Ahmed Buissiness man

5. Sharif Ahmed ( ninkii reer muqdisho ee sheegtay nebiga isagoo Hargeisa ku sugan


KOOX KALE OO LA MID AH IYANA

1. Mohamed Abdillaahi Oomaar FM/TFG

2. Mohamed Abdillaahi FM/SOMALILAND

3. Mohamed Abdillaahi Farmajo PM/TFG

Isla doonasho ilaah


Akhris wacan

East and West Somaliland is Best

 

 

 

 

 

 

Ali Mohamoud Noor (Ali-Eid)
Oslo , Norway