Somaliland Waxay Noqon Doontaa Dal
Maal gashiga Ku Habboon




Somailand waxay ku taalaa buqcad istaraateeji ah, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, aad ugu  d haw badweynta Hindiya iyo Jasiiradda Carabta oo ku habboon ganacsiga. Waxaa bari inaga xiga Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay noolyihiin ilaa 40 milyan oo qof (suuq aad u weyn). Waxa kale oo Illaahay inagu manaystay xoolo, dhul beereed, macdan, khayraadka badda iyo  wel iba shaqaale jaban (cheap labour)

Maanta dhaqaalaheenu 90% in ka badan wuxuu ku xidhan waxsoosaarka aasaasiga ah (primary product) gaar ahaan xoolaha nool (Livestock). Dhaqaalaha ku tiirsan shay keliya wuxuu halis u yahay qiime dhac shaygaas ku yimaada ama suuqii oo xayirma (Sida markii dhoofinta xoolaheena la joojiyay)

Haddaba si looga kaaftoomo ku tiirsanaanta xoolaha oo keliya waxaa loo baahan yahay in la helo dhoofinta waxyaabo kala jaadjaad ah oo ka baxsan xoolaha (diversification). Sidaa darteed  wa xa muhiim ah dhiirigelinta ganacsiga and maalgeshiga gaarka (private investment) si loo helo  dh aqaale ku fooggan dhoofinta (Export-driven economy). Badiyaa waxaa laga ganacsadaa  wax  so o saarka aasaasiga ah (trade in primary production) iyo waxsoosaarka warshdaynta (manufact ured products)

Ganacsiga wax soosaarka warshaduhu waa dariiqa ay mareen wadammada ay ka midka yihiin  M alaysia, South Korea iyo Singapore halka wadammada Afrika sida Somaliland (xoolaha) Itoobiya (bunka), Gaana (Cocoa) ay ka ganacsadaan wax soosaarka aasaasiga ah (primary products). Arrintani waxay marag u tahay in dariiqa ugu habboon ee Somaliland horumar dhaqaale ku  gaad hi kartaa tahay ka ganacsiga waxs oosaarka warshadaha inagoo ka faa’iidaysanayna buqcada aynu ku naalo iyo Dekada Berbera.

Haddaba warshdayntu waxay u baahan tahay maalgeshiga gaarka ah (private investment).
Waxaana muhiim ah in la dhiirigeliyo ganacsatada reer Somaliland iyo qurbajoga inay maalgeshi ku sameeyaan dalka si looga kaaftoomo dhaqaale 100% ku xidhan shay keliya loona helo  dhaqa ale ku fooggan dhoofinta wax soosaarka warshdaha.

Tusaale, xoolaheena waxaa la dhoofiyaa iyagoo nool, waxaase ka faa’iido badan in lagu qalo  da lka hilibkii oo warshadaysan iyo hargahii oo warshdaysana la dhoofiyo. Arrintani faa’iidooyinka ay leedahay waxaa ka mid ah: in suuqyo ka baxsan carabta la gayn karo, iyo warshadaha  xoola ha oo shaqooyin badan abuuraya.

Waxaa iyana loo baahan yahay in laga gudo wax soosaarka beeraha yaryar loona badalo mid is kaashateed (large scale farming) iyadoo la adeegsanayo qalabka casriga ah isla markaana la wa rshadeeyo waxyaabaha ka soo baxa beeraha ( u fiirso, waxaynu soo dejisanaa liin dhanaan  qur aarado ku jirta, maxaa inoo diiday inaynu inaguba dhoofino liinta iyo khudrada kale iyagoo warsh daysan)


Dawlada doorkeeduna waa inay abuurtoo jawigii suurtogelinayay maalgelinta iyo ganacsiga oo ay ka mid yihiin waxyaabahan hoos ku xusan:


Maamul wanaag, xasilooni iyo nabad.

Shuruucdii dhiiri gelinaysay ganacsiga iyo maaligeshiga (investment laws), sida kuwa kala xadaynaya ganacsatada waaweyn (whole salers) iyo kuwa yaryar (retailers)

Si loo helo shaqaale leh xirfada warshaduhu u baahan yihiin waa in la helaa waxbarasho ku jihaysan xirfadda iyo farsamada gacanta ee casriga ah.

Suuq xor ah oo ka caagan kootada (monopoly) Shirkada Total oo kale.

Dhul gacansiyeed xor ah (Free Trade Zones) gaar ahaan Berbera iyo xadka Itoobiya (Wajaale) iyo weliba suuq lagu kala iibsado saamiyada (stock exchange)

Cashuur dhaaf loo sameeyo ganacsatada soo dejisa qalabka warshadaha (machinery) iyo  war shadaha cusub oo laga dhaafo cashuurta in muddo ah.

Horumarin xagga Isgaadhsiinta wadooyinka (transportation) si ay u fududaato isku xidhka  iib iyaha (producer) iyo iibsadahu (buyers). Tusaale, goblaka Sanaag Somaliland inteeda kale wuu ka go’an yahay, waxaana mihiim ah waddo ku xidha dalka intiisa kale ilaa xeebaha bari ee Xiis & Maydh ilaa Laas Qoray. Dhulka kale ee xeebaha waqooyiga sida Ceel Sheekh, Bulaxaar, Lughaya ilaa Saylac oo ah dhul ku habboon dalxiiska iyo maalgashiga ayaa ah in waddo fiican loo  samee yo.



Haddii Illaahay nagu guuleeyo doorashada waxaanu samayn doonaa jawigii ganacsatada iyo  qur ba jooga u fududayn lahaa maalgashiga iyo weliba dhaqaale ku fooggan dhoofinta (Export-drive n  economy) si loo helo horumar dhaqaale.


 

 


Wabilaahi Towfiiq


Eng. Faysal Cali Waraabe

Musharxa Madaxweynaha