Somaliland Xagay u socota: qaybta kowaad

 



 

Dadka reer Somaliland si xamaasad iyo farxadi ku dheehantahay bay uga dabaaldegen shanta qaaradood ee dunida 18 May 2011. Farxada iyo riyaaqa lagu xusay 20 guurada ka soo wareeg ay maalintii lagu dhawaaqay in ay Somaliland la soo noqotay dawladeedii, waxay kale oo ka turj umaysa horumar dhinac kasta ah nabadgeliyada, dhismaha dawladnimo, dimoqaratiyada, dhaqa alaha sinaanta iyo xuquqal insaanka ay Somaliland gaadhay 20 sano ay ahayd dawlad gooni ah.

Inkasta ay badan tahay baahida bulshada wax badanina qabyo yihiin, horumarka lagu talaabsa day waa mid aan la qarin karin bulshada caalamkana soo jiidatay indhahooda. Guusha dhan kas ta ah ee la gaadhay waa mid ku timi tacab iyo dedaal ummaddu gashay dadweyne iyo dawladb a.

Dabaaldega, waxa kale ka muuqday in ay bulshada saadinayso aqoonsi caalami ah oo  dabayshii so inaga hayso jahooyin badan islamakaana aanay ummaddu ka daalaynin dedaalka ay jirto ila ay ka midha dhalinta qadiyada qarannimadooda. Inkasta oo xasilooni iyo horumar la taaban ka ra ka hirgaleen dalka 20 tan sanadood ay Somaliland dawladda goonida ahayd, waqtigu samo i yo xumaan midna u xidhidhsanayn ee waxa jiray xaalado kala duwan wuxuse dadweyne iyo daw ladba yoolkoodu ahaa ila in ay Somaliland noqoto dal jira oo ka mid ah bulshada caalamka.

Bal aynu taariikhda iyo dhacdooyinka ina soo maray inyar dib u eegno, 1992 februay ila oktobar 1996 waxa jiray xaalad dagaal adag oo ka dhalatay dagaalkii hubaysna ee SNM kula jirtay talis kii Siyad Barre ee lagaga xoreyey dalka. Shir beeledkii lagu qabtay Hargeisa Oktober 1996 ayaa lagu soo afjaray khilaafaakii sokeye, Ilaahay ba mahad leh,waxase ummadda sharaf iyo maamus ka mudan ragii u dhabar adaygay ee soo dhisay dawladnimada ay maanta hadhsanayso ummad du.

Aan magacaabo Ilaahay ha u naxariiste Abdirahman Ahmed Ali oo ahaa ninkii xoreeyey dalka ee noqday madaxweynihii u horeyey Somaliland.

Dawaladdii Abdirahman Ahmed Ali waxay la kulantay duruufo adag, laakin waxa uu ku guulayst ay in uu hayo magaca Somaliland, maalintii uu Mohamed Haji Ibrahim Cigal ku wareejiyey xilka, Abdirahman waxa la waydiiyey su’aal, ”maxaad u qabatay dalka intii aad xilka haysay” wuxu ku jawaabay; sidan intii aan hayey xilka dalka ayaanu xoraynay, kadib waxa aanu la kulanay xaal ad adag,laakin waan xejiyey magaca Somaliland oo aan burburin. Mohamed Haji Ibrahim Cigaal oo ahaa madaxweynihii ugu wax qabadka badana waqtiguse aanu ogolaanin in la waydiiyo su’a asha la wadiiyey Abdirahman.

Wixii uu qabtay waxay ka muuqdaan dalka iyo dawladnimada dadkuna waa ka markhaati. Dahir Rayale Kahin oo ahaa madaxweynihii sadexaad, Wuxu ku guulsystay dardargelinta geedi socod kii demoqradyada, fidinta mamulka iyo adkaynta nabadgelyada. Somaliland waxay noqotay dal ay ka jiraan xasiloon iyo horumar nololeed, la majeerto oo loo soo hilobo ay dadyawga geeska Afrika u soo haajiraan ay ku kulmaan.

Dahir Rayale Kahin, 27 July 2010 wuxu xilka u wareejiyey si sharaf iyo maamus leh aan hore loo gu arag Afrika. Taas baa u soo jiiday bulshadeena sumcad, isku kalsooni iyo taxgelin ay ka hesh ay bulshada caalamaku. Hadaba reer Somaliland iyo inta kale danaysaaba waxa ay iswadiin ay an, Somaliland xagay u socota kadib 27 July 2010, jawaabtana waa lagu kala duwan yahay wax ase aan muran ku jirin in hadafka ummadda iyo habeega hogaanka dalka ku geedi yihiin laba hu maag oo kala duwan.

 


Guul iyo gobanimo Somaliland.

 

 

 

Qalinkii: Ismail Ali Ahmed
Norway
ism-ahm@online.no