Somliland Dhug Ma U Leedahay Dhumucda Guulsha Ay Ku Tallaabsatay?

 


Baaxadda Hawlgalka Diiwaangelinta

Qiyaasta baaxadda hawlgalka dad, dhaqaale iyo agab ee ka qaybgalay diiwaangelintii ka dhacday Somaliland waxa lagu soo koobi karaa sidan:


Muddada Diiwaangelintu qaadatay 36 Maalmood.

Tirada Kooxaha ka qayb galay 1,308 Koxood.


Xaddiga Gaadiidka ka qaybgalay 2,616 Gaadhi.

Tirada hawlwadeenka ka qaybgalay 13,080 Qof.

Xadigga dhaqaalaha galay (deeqda debedda) $15,000,000 Doollar.

Deeqda xukuumaddu bixisay $500,000 Doollar.

Xaddiga Deegaanadu bixiyeen (qiyaas) $1,000,000.

Qiyaasta dadka isdiiwaangeliyey 1,225,000 Qof.

Sida kor ka muuqata, 1,308 kooxood ayaa muddo 36 maalmood ka qayb qaadtay hawlsha diiwaangelinta.

Waxa arrintaas ka hawgalay gaadiid gaadhayey 2,616 gaadhi oo isugu jiray 4WD noocyada landcrusier iyo Surf.


Tirda dadka hawlgalkaas ka qayb qaatay waxay gaadhayaan 13,080 dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo hablo.

Kooxaha ka qaybgalay arrinta diiwaangelintu waxay ahaayeen dhalinyaro wiilal iyo hablo ka kooban ka socotay komishanka qaranka oo aqoon u leh arrimaha kombuter (IT operators), dhalinyaro ka socota saddexda xisibi qaran, wakiilo ka socoda wasaaradda arrimah gudaha, wakiilo ka socoda maxkamadaha rafcaanka, laba askari oo ka socda booliska Somaliland.


Faham Lan’aanta Qiimaha Diiwaangelinta Waa ayaan darro in aynu qiimeyn kari weyno, oo u dabaal degi weyno dadkeena geesiga ah ee Somaliland oo ku hambalyan weeyno guusha taariikhiga ee ay ka soo hooyeen diiwaangelinta.

Diiwaangelintu waxay ahayd sahan kale oo ay Somaliland u gashay ka midho dhalinta iyo durkinta mus-danbeedka dimuqraadiyadda.

Sidaas ayay u arkayeen kuwii fuliyey fal-denbiyeedkii argagaxisada ahaa ee lala beegsaday Somaliland 29kii Oktoobar, 2008 ee lagu fashilinayey hirgelinta diiwaangelinta.


Waxay ila tahay in reer Somaliland mutaysteen ammaan.

Sidaas daaraadeed, waxay ahayd iminkana tahay in madaxda qaranka oo Maxdaxweynuhu ugu horreeyaa, ay dhawaaq dheer ku yidhaahdaan:

Shicibka reer Somaliland waad ku mahadsan tihiin guulsha aad ka soo hoyseen hawlshii yaabka lahayd ee dad badani ka werwersanaayeen meel markeeda amba filayeen in lagu fashilmayo.

Waa in si weyn loogu mahadnaqo 13,080 ee dhalinyarada wiilasha iyo habalaha lahaa ee sida nafti huridda leh hawsha ugu dhabar adaygay ee dadkooda miyi iyo magaaloba nolosha la soo wadaagay! waxan leenahy “waad mahadsantihii adeerayaal”.

Waxa bogaadin mudan, kacaa kuf kastaa ha jiree, xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo si xilkasnimo leh hawlaha baaxaddaas leh u maamulayey.

Waxan lee nahay waad mahadsan tihiin, waa intaas oo aad kaga la sii dhowaataan.Waxa mahadnaq inaga mudan hay’adda Inter-Peace oo si hagar la’aan ah ina la barbar taagnayd taakulada farsamo iyo maarayneed oo aan la’aantooda hawlaha diiwaangelintu hirgalsheen, waxa mahad leh guud ahaan shaqaalaha komishanka oo qof kastoo ka mid ahi muruqiisa iyo maskaxdiisa ku biiriyey midha-dhalka diiwaangelinta, waxa mahad gaar ah leh ciidanka booliska oo u heelanaa nabadgelyada dadka iyo qalabka diiwaangelinta.

Aanu dabbaaldegno GuushaHaddaan dadku iyagu qiimeyn Karin guulaha ay gaadhaan, haddii aan niyadda loogu dhisin lagu ammaanin, lagu abaal marin looga mahadniqin, sidee ayay u suuragalaysaa in kuwa inaga maqani u qiimeeyaan ama uga garaabaan waxa wanaagsan ee aynnu sida wanaagsan u qabanay?

Ictiraafku waa inuu gudaheena ka bilaabmaa, waa inaan aqoonsanaa waxa wanaagsan ee dadkeenu qabtay, waxa wanaagsan ee awoodda ka baxsan ee hay’adaheena tamarta yari ku guulaystaan.

Waa in ay xitaa guulaha yar yari inoo suntnaadaan.
Markaynu ku baraarugsan nahay oo qirno oo aqoonsano waxa wanaagsan ee aan qabasanay ayaynuu si kalsooni ku jirto u higsan karnaa waxa inaga maqan.

Waa inay inoo suntan yihiin Guul kasta cidda iska lihi, hadday shicib weynaha tahay, hadday ashkhaas tahay iyo haddii ay hay’ado yihiin.Waxan leeyahay waar aynnu u dabbaal degno guulsha yaaabka leh ee dadkeenu gaadhay ee ay hormoodka u yihiin wiilasheena iyo hablaheena iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

Haddii ay taasi ina seegto oo aynnu arki weyno baaxadda iyo qiimaha waxa shacibkeena geesiga ahi ku tallaabsaday, ma nihin kuwa garanaya waxay doonayaan, ama wax ka dhaadhicin kara caalmaka aynnu ictiraafka uga martida nahay.

Haddaba Guulsha ka sokow maxaa inaga Khaldamay?
Marka arrintan oo kale dal laga bilaabayo wacyi-gelinta dadweynaha ayaa tacab badan la geliyaa. Innaga taasi may dhicin, habayaraatee ma jirin wacyigelin dadweyne, miyiga dhaafo xitaa dadka magaalooyinka ku dhaqan ayaan wax fekred ah ka haysan diiwaangelinta iyo wax aynnu ka rabno.

wax aan la wacyigelin oo aan masuuliyaddooda lagu baraarujin dhalinyaradii hawlsha gacanta ku hayso. Dhalinyaradu ma helin wax dhaafsiisan tababar hal maalin ah oo ku saabsan sida looga shaqaysiiyo qalabka ay sidaan. Xukkumaddu uma sharaxin dhalinyaradii wasaaradda daakhiliga ka socotay xilka ka saraan cidday kaadh-ka muwaadinimada siinayaan. Kuwa komishanka ka socoda si wanaagsan looguma wacigelin inaan kaadha-ka codbixinta carrur la siin.

Wacigelin la’aantaasi waxay keentay in cid waliba qaadato kaadh-ka muwaadinka.

in dad aan gaadhin da’adii codbixinta oo weliba caruur aad u yaryari qaadato kaadhka codbixinta.
wacyigelin la’aanta dadweynuhu waxay keentay in deegaandu si khaldan u fasirtaan is diiwaangelinta, oo inta la illaawo ama aan la dhaadin qiimaha ay arrintu ictiraafka iyo mustaqablka shicibka Somaliland ugu fadhido la illaawo ay isu rogto tartan iyo xafiiltan Somaliland dhexdeeda ah taasoo runtii baalmaarsan nuxurka diiwaangelinta.


Wacyigelin la’aanta dadweynaha iyo faham la’aanta diiwaabgelintu u leedahay Somaliland waxay keentay in deegaanadu ay si fool xun ugu noqnoqdaan iyadoo ay meelaha qaarkooda ay dadka qaar midkiiba qaadtay tobanaan kaadh.

Taasi waxay keentay in deegaanada qaar guuldarro u arkaan hawlshii tacabka badani inaga galshay, sawirkii weynaa ee Somaliland la illaaway arrintu hoos ugu dhacday ficiltan qabiil iyo deegaan.

Maamulka oo ku guul daraysatay hore iyo gadaalba ka amusay afkaartaaas majara habawsan ee deegaanada dhex xulayey.
Maqnaanshaha idaacaf dawladeed iyo hagid siyaasadeed oo dhanka xukuumadda ah ayaa sababay in shaqadii sharafta lahayd ee aynnu haynay ay booshaaq inaga noqoto, halisna ku noqoto inay fashiliso guulsha dadka iyo dalka u soo hoyatay.
Serferka oo aan bilawgiiba la hawlgelin wuxu keenay inay dadku ku noqnoqdaan iyagoo ka shakiyey inuu qaban waayo dadka noqday sidaas darteedna cid waliba is tidhi yaan laga badin.
Iminka iyo Haatan

1. reer Somaliland waa inay fahmaan inay u baahan yihiin inay ilaashadaan guusha u soo hoyatey

2. in si wada jir ah wax looga qabto cilladaha muuqda ee inaga badhxaya guusheena/ waa inaan taageernaa oo ku kalsoonaan qabashada Seferka oo aan rajaynayo inuu qabto ku noqonoqsho oo dhan

3. waa in arrinta carruurta aan gaadhin da’ada codbixinta aynnu sidii loo xakamayn lahaa ay wax iskaga ogaadaan xukuumadda, xisbiyada iyo deegaanadu kana shaqayno farsamadii lagu qaban lahaa xitaa haddii ay noqonayso in la dhaariyo qofka dayarta ah ee kaadhka sita.

Tartanku maanta kama dhexeeyo Shicibka Somaliland, tartanku wuxu ka dhe xeeya reer Somaliland dhinac ah iyo kuwa jiritaankeena ka soo horjeedo oo dhinac ah.

Waa in hoggaanka siyaasadeed, golayaasha qaranka, xisbiyada siyaasadeed, urrurada bulshada rayidka ahi fadhiga ka kacaan oo aynnu dadkeena ku midaynaa guulsha inoo soo wada hoyatay.

Waa in aynaan oggolaan inay hawlgalkan weyn ee cid waliba inagu majiiranaysa isu rogin guul darro ina kala qaybisa.Tacabka Dadweynuhu Geliyeen DiiwaangelintaKharash-ka ku baxay diiwaangelintu kuma koobna qadderka ay fidiyeen xukuumadda iyo deeqbixiyeyaashu.

Waxa la yaab leh qarash-ka ay dadweynah deegaanada kala duwani ay gaarkooda isu saareen si ay diiwaangelintu deegaanadooda uga hirgasho si habsami ah.Ka qayb-galka dadweynanah ee mood iyo noolba ee arrimaha diiwaangelintu laf-dhabar bay u ahayd inay guulaysato.
deegaanadu waxay daryeeleen gebi ahaanba hawlwadeenkii jiidahooda ka shaqaynayey iyagoo bixinayey jiifka, cunta baahiyaha aan muhimka ahayn sida qaadka sigaarka sharaabka, iyo weliba gunno lacageed. Reer miyigu wuxu deeghaanada badankooda u xil saarnaa qallidda xoolaha. Taasina waxay keentay in dhalinyaradu shaqayso saacado ka badan kuwii loogu talo galay
waxa deegaanadu qaadeen masuuliyadda ay ugu soo rarayaan dadka reer miyiga ah goobaha diiwaangelinta oo marmarka qaarkood aad u kala fogaa. Waxa jirtay inay deegaanadu kharash isa saareen iyadoo dadka qurbajoogga ahina ay cid waliba deegaankeedi siinaysay taageero maaliyadeed/ dadka dalka ku suganina mid waliba wuxu bixinayey wixii uu hayey kii gaadhi lahaa. Kii lacag hayey, kii xoolo nool ku deeqayey,. Diiwaangelintu waxay noqotay dedaal dadweyne oo qof kastaa uu wax ku darsaday muruq iyo maalba.

deegaanada waxay kaalin wax ku ool ah ka qaadteen, wacyigelinta dadweynaha oo ahayd arrin aan komishan iyo xukuumadba tacab ku filan la gelin.

dhab ahaantii diiwaangelintu dalka kama tisqaadeen haddii aan deegaanado tacab badan oo mood iyo nool ba ah gelin.Sidaas darteed waxaynnu u baahan nahay inaynnu u tudhno tacabkaas qiimaha leh, oo aynnu si wadajir ah oo xil kas ah oo walaaltinimo ku dheehan tahay aynnu ka saarno khaladka jira, kadibna ianagoo gacmaha is haysana aynnu u gudubno marxaladdii kale ee aynnu ku durkinaynay musdanbeedka dimuqraadiyadda,Waxa Laga yaabaa inay dadka qaar ula muuqato wax caadi ah xaddiga dadka iyo gaadiidka arrintaas ka qayb-galay.

Hase yeeshee, run ahaantii Somaliland waxay fulisay oo ku guulaysatay arrin mucjiso u dhow marka la eego duruufaha dhaqaale ama muciishadeed ee ka jiray Somaliland , wacyiga daweynaha ee ku saabsan hawlgalkan isaga ah (diiwaangelinta), duruufaha is-gaadhsiineed, xaaladda waddooyinka ama maqnaanshaha waddooyin isku xidha dalka.

Maqnaansha isgaadhsiin iyadoo goobo ballaadhan oo hawlshu ka dhacaysay, gaar ahaan buuraleyda iyo gubanka Sanaag, buuraleyda iyo gubanka Saaxil, buuralayda iyo gubanka Awdal oo ah dhul aad u dib u dhacsan oo aan wax horumar ahi ka dhacin 50kii sandood ee Somalidu xorreydda haysatay iyo intii ka horraysay.

Waxa la yaab leh in hawlgalka baaxaddaas lihi uu duruufahaas qallafsan si nabadgelyo ah u dhacay iyadoo aanay jirin wax shil ah, taas oo ku soo gebagebawday in wiilashii iyo gabdhihii naftood hurayaashas ahaa, gaadiidkii iyo qalabkii diiwaangelintu si nabadgelyo ah ugu soo gurya noqdeen meelihii ay ka tageen.

Waxa soo noqday dhalinyaradii oo soo baratay baaxadda dalkood oo aanay badankoodu hore fursad ugu helin, la soo kulmay martisoorka iyo soo dhoweynta dadkooda.
 

 



Xil. Cabdiraxman Yusuf Cartan

Hargeysa. Somaliland