Soo dhaweynta Inj. Saylici ee Borama ma Samirsiiska Cabdiraxman Aw Cali Mise Sagootiga Madaxweyne Riyaale?


Berri ayaa waxaa xero ku wada jiri jirey 40 sac. Habeenkii alla soo godaba afartankaa sac way isdili jireen. Markii loo tag waayey ee nabad iyo xasilooni ay ka dheeraadeen, ayaa qoyskii lahaa talo ku dhaqaaqay.

Waxaa loo kala qaybiyey 20 iyo 20, laba xerana waa la kala geeyey. Labaatan ayaa isdiley, labaatankii kalana xasilooni iyo nabad ayay ku nagaadeen. Labaatankii isdiley ayaa 10 iyo 10 loo kala qaybiyey. 10 baa isdiley. 10kii isdiley ayaa 5 iyo shan loo kala saaray. 5 baa isdishey. 5tii ayaa 3 iyo laba loo kala qaybiyey. Labadii ayaa isdishey, sedexdiina xasilooni ayay ku raamsadeen.

Habeenkii danbe ayaa waxa loo dhabagalay labada sac kii bilaabay hirdida. Waxaa la ogaadey in uu saca giirka lihi yahay ka goondhabada, hirdada iyo goolaaftan kula dhex jira Lo’ada. Malaha adigu waad toogan lahayde, Dil lagu ma xukumin iyo gawractoona. Wuu manaafacaad badnaa, habeenkii uu dhashayna qoyskii lahaa lo’doodu way tafiirantay oo u badatay. Hoodaale ayuu ahaa. Waxaa lagu xukumay in habeenkii tiir gaar ah lagu xidho. Xukun waxaa ugu liita dila oo toogta, anigu waan necebahay.

Waxaan sheekadan ku keenay, Sedexda xusbi Qaran iyo Somaliland. Sida aynu wada ognahay siyaasiyiinta Somaliland waa kuwii ku kala biiray sedexda xusbi qaran. Sidii loo asaasayna xusbiga UDUB gudihiisa goondhaba iyo goolaaftan laguma arag. Waxaa isaguna sidaa la wadaaga Xusbiga UCID oo isagana gudihiisu wuu xasiloon yahay. Laakiin Xusbiga Kulmiye tan iyo maalintii kooxdii Xusbiga Asad ku soo biirtay, wuu ladi waayey. Sidii Lo’adaa sicii fiito waraariga ahaa ku jiray, goolaaftan iyo goondhabooyin ayaa gudihiisa ka oognaa.

Haddaba shirkiisii ugu danbeeyey ee Golahiisa dhexe, laguna qabtay magaalada Burco, waxaan u malaynayaa in uu Fiito waraarigii rabshada kula dhex jirey ka baxay, islamarkaana dooni shaxarkii ka fiigey. Kuwaas oo aan mid iyo laba ahayn, laakiin aan codad badan ku lahayn beelaha ay ku baayactamayaan ee ay ka soo jeedaan. Mar haddii qofku ka dudo shirku markuu dhexda marayo ee uu arko dantuu lahaa in aanay soo muuqan, waa fiito waraari. Danta xusbiga uu sheeganayo waxaa kala wayn dantiisa gaarka ah. In uu xusbiga talada qabto raali kama ah, wuxuu raali ka yahay in uu keligii tallada qabto oo uu madaxweyne noqdo.Taasina waxaad xusbinimo ku weydo qofnimo kuma heleysid ayaa hortaal.

Xogta muranka Kulmiye waxay u badan tahay kursiga ay maanta ku fadhiisteen ee loo doortay Axmed Maxamed Silaanyo Iyo Inj.Cabdiraxman Saylici.

Haddaba Inj.Cabdiraxman Saylici oo ka mid ah raga laga duday, gobolkii uu ka soo jeedey oo ay la wadaagaan Madaxweynaha JSL iyo Muj. Cabdiraxman Aw Cali oo hogaqaminaya kooxdii bayrta ka yeelata natiijooyinkii ka soo baxay xusbiga ay muddada dheer ku soo jireen, ayaa si xad dhaaf ah loogu soo dhaweeyey magaalada Borama doorashadiisii ka dib, isaga oo weliba masharaxii sedexaad ee la tartamayey ee ka soo jeede isla gobolkaa, uu la safan yahay. Wuxuu muujiyey in uu codad badan ka helayo Gobolkiisa, Bari iyo Galbeedna aanu kala goyney ee isku tolayo, isla markaana uu xusbigiisu taageero culus ku yeealanayo gobolkaa iyo gobolo kalaba.

Haddaba waxaa isweydiin leh, soo dhaweyntan xad dhaafka ahi ma Cabdiraxman bay leedahay iska samir waa lagaa helaye, mise UDUB iyo Riyaale ayay digniin siinaysaa siday u dhicin doonaan doorashooyinka Qaranka ee innagu soo Foolihi oo kulmiye ayaa sed bursiimo iyo ididiilo hor leh tirsanaya?

Haddaba Akhristo haddii aad jawaab sugan iyo xog ogaalnimo dheeraad ah aad ugu dhaanto dadweynaha u soo bandhig?

 

 


Waa innoo saakuunta danbe


By Hamud Duale