Soo Dhaweyntii Jamaal Ali Hussein ee Magaaldda
Atlanta, Georgia
 

 



Atlanta (TNN):-Dhawaaan waxaa Booqasho gaaban ku yimid magaalada Atlanta ee Gobolka Georg ia Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Mud. Jamaal Ali Hussein, kadib markii uu casuumad k a helay Jaaliyadda reer Somaliland ee Gobolka iyo taageerayasha xisbiga UCID. Jamaal waxa si diir an loogu soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee magaaladda Atlanta Hartsfied-Jackson Inter national Airport.

Jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladda Atlanta iyo nawaaxigeeda ayaa si qalbi furan u soo dha weeyey Mud.Jamaal Ali Hussein iyagoo aad ugu riyaaqsanaa inay fool ka fool ula xaajoodaan una xog wareystaan Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID. Jamaal ayaa ah ninkii ugu da’da yara a ee u carar jagada madaxweynenimadda Somaliland.

Jaamaal Ali Hussein waxaa uu kulamo gaara iyo mid guudba la qaatey Jaaliyadda reer Somaliland ee degan Gobolka Georgia.Guddi loo xilsaarey qaban qaabada iyo soo dhaweynta Musharaxa Mada xweyne ee xisbiga UCID ayaa si heersare ah u soo agaasimay goob aad u qiimo badan oo ay Jama al iyo reer Somaliland ku yeesheen kulan xiise badan oo isugu jira- isbarasho, xogwareysi iyo falan qeynta xaaladda guud ee Siyaasadda Somaliland.
Xafladaas soo dhaweynta ah waxa lagu qabtay Huteelka weyn ee Double tree ee magaaladda Atlanta, wax aka soo qayb galay dhamaan agabyadda Bulshada reer Somaliland ee Gobolka Georgia oo intooda badan ku labisan Astaanta calanka Somaliland.
Goobta ay xafladdu ka dhacday waxa gees kasta hadheeyey casaan, Akhtar iyo cadaan oo bilicda goobta ka dhigay mid indhuhu ay jeclaystaan.
Carruurta iyo Dumarka ayaa iyagu wejigooda wax aka muuqday farxad iyo rayrayn inay la kulmaan Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Mud. Jamaal Ali Hussein oo can ku ah dadka qurbe jooga ah ee reer Somaliland.
Jamaal waxa uu ku leeyahay taageerayaal badan dalka Mareykanka oo uu muddo badan deganaa, goobtaasna waxaad arkaysay inaanu Jamaal ahayn nin marti ku ah kadib markii uu la kulmay rag badan oo ay Asxaab yihiin iyo qaar ay yaraantii ku soo wada barbaareen magaalda Hargeysaba. Jamaal waxa uu ii sheegay inaanay ahayn markii ugu horeysay ee uu booqasho ku yimaado magaaladan Atlanta, laakiin ay tahay markii u horeysay inta uu ku biiray Saaxadda siyaasadda Somaliland oo uu manta ka yahay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID.
Qaybaha Bulshada ee kala duwan oo isugu jiray Muxaafid iyo Mucaaridba ayaa u dhamaa soo dhaweynta Mud.Jamaal Ali Hussein oo aad ugu faraxsanaa inuu kulan la qaato Asxaabta iyo taageerayaasha guud ee magaaladda Atlanta.

Dadka soo dhaweeyey Jamaal ayaan u kala hadhin yar iyo weynba, run ahaantiina dad badan oo xiise qabay muuqaalka iyo furfurnaanta Jamaal Ali Hussein inay mar arkaan ayaa si xiise leh u joo gay goob kasta oo Jamaal lagu casuumay.

Qado sharafyo soo dhaweyn ah ka sokow, Kullankii ugu weynaa waxa uu k dhacay Galabnimadii Hu teelka weyn ee Double tree ee magaaladda Atlanta. Goobtaas oo si weyn la isugu xog waraystay.
Goobta ay xafladaasi ka dhacday oo si wacan loo qurxiyey ayaa waxa guud ahaanba ka hadaly oo Jamaal soo dhaweeyey guddidii qaban qaabadda xafladda iyo xubno kale oo ka tirsan Bulshada re er Somaliland qaybaheeda kala duwan rag iyo Dumarba. Waxay dhamaantood carabaabeen sidau ugu faraxsan yihiin inuu Jamaal Ali Hussein booqasho ugu yimaado, isla markaana ay ka xog warey staan xaaladda cakiran ee siyaasadda Somaliland wakhtigan hadda lagu jiro.

Mudane Jamaal Ali Hussein oo ay wejigiisa ka muuqato shucuur wadaninimo ayaa soo dhaweyntii diiraneyd si weji furan uga mahadceliyey. Jamaal wuxuu si guud uga sheekeeyey Siyaasadda iyo Haykalka dawladnimo ee Somaliland, wuxuuna aad ugu dheeraadey in dhalinyarada iyo jiilka cusubi ay u diyaar garoobaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen siyaadda dalka si Mustqbalka Jiilka cus ub looga tago dhaxay ay wax ku qaybsan karaan oo ka duwan kii ka Lumay dadk qurbe jooga ah e e soo maray marxaladdaha kala duwan.

Jamaal wuxuu aad ugu dheeraaday wixii dalka ka qabsoomay 24kii sanno ee tagay iyo dhibaatoo yinka ka jira oo uu ku tilmaamay qaar u baahan in degdeg loo saxo sida sharci dejinta dalka, Saami qaybsiga maamulka dawladda iyo Miisaanaiyadda dalka oo si aan dheeltirneyn loo qaybiyo.
Jamaal wuxuu carabaabay inuu dhawaan deraasad ku sameeyey Missaniyaaddii dalka ee sannadk an oo runtii uu ku tilmaaamay mid wax badan ka khaldan yihiin , dadka shicibka ahina aanay u dhe ga nuglayn. Jamaal isagoo ka faa’ideysanaya khibradda uu u leeyahay xisaabaadka iyo maamulka ayaa waxa uu ku tilmaamay in Xukuumadda hadda jirtaa ay si khaldan dadka ugu soo bandhigto X aqiiqadda dhabta ah ee mala-awaalka Miisaaniyadda dalka lagu hagayo.

Jamaal Ali Hussein, oo runtii lagu tilmaamo in farxaan ah oo aan hadaladiisa laga waayin erayo qo sol leh, ayaa dadka dhawr jeer ay qosol jaanta wadheen iyadoo uu u dhacayey sacab, mashxarad iyo odoros aan kala go lahyni.
Iyada oo laga faa’ideysanayo munaasibadaas ayaa taageerayashii Xisbiga UCID waxay goobtaas ku ururiyeen Dhaqale wacan oo lagu taageraayo Xisbiga UCID.
Dad badan oo aan xog wareystay ayaa Jamaal ku tilmaamay nin cod kar ah oo u bislaadey inuu Ho gaanka dalka tubta toosan ku hagaajiyo. Run ahaantii Mud.Jamaal wuxuu si qeexan u cabiray Ajen dayaasha xisbigiisa iyo sida uu rabo inuu dalka wax ugu soo kordhiyo si looga talaabsado nidaamk a wax wada qaybsiga ee saami dheelitiran oo ku saleysan shrciga dalka. Waxa uu Jamaal ku dheer aadey sida hadda aanay u jirin maxkamad sare oo ka madax banaan Xukuumadda iyo mucaaridka ba oo shrciga dalka ku hogaamisa sida uu Dastuurku qorayo.
Waxa kale oo Jamaal uu ka Jawaabay su’aalo badan oo ku saabsan Aqoonsiga Somaliland iyo Adee gyadda bulshada oo u baahan in wax weyn laga qabto. Jamaal waxa uu sheegay in hanaanka soco dka ee dawladi aanu ka soo hadhin dadka loo xusho inay Madaxweynaha la shaqeeyaan oo aan lo oga maarmeyn dad tayo iyo aqoon leh oo wax qabadkooda lagu qiimeeyo.


Musharaxa Madaxweyne mud. Jamaal Ali Hussein ayaa aad ugu riyaaqay sida ay Bulshada reer So maliland ee magaaladda Atlanta diyaarka ugu yihiin ka qayb qaadashada Hanaanka geedi socodka ee Somaliland
Mudane Jamaal Ali Hussein, oo ad ugu riyaqay martiqaadka loo sameeyay ayaa ku tilmaamay wak htigii uu la qaatey Jaaliyadda reer Somaliland mid wax ku oola ah, isla markaana wuxuu halkaas ku kasbadey taageerayaal badan oo u balanqaadey inay ku taageeri donaan Olalaha Doorashada So maliland ee cirka ku shareeran, wakhtiga la isku raaco inay qabsoomi doonto.

Dadkii goobta isugu yimid ayaa aad uga walaacsanaa, odoroska iyo ololaha sharci darada ah ee Xukuumadda Siilaanyo ay indhah ka qarsatey inay diyaariso nidaam dalka ay doorasho ka dhacdo 24 sanno kadib, dad badan oo dareenkooda muujiyey ayaa ku tilmaamay Sumcad xumo iyo waxaan shicibka reer Somaliland qabanin in doorasho ay dalka ka qabsoomi weydo wakhtiga ay muddada Xukuumaddu ku ektahay ee 26 bBisha June 2015.

Xafladas oo aad u qiimo badneyd ayaa ku soo dhamaatey jawi aad u hufan, iyadoo isu keentay d ad badn oo kal baadey. Mudane Jamaal oo degan magaaladda Boston (MA) ayaa ku balan qadey inaanay noqon doonin markii ugu danbaysey ee uu soo booqdo Atlanta iyo magaalooyinka u dhow ba.

Isku soo wada duuboo Jawiga soo dhaweynta ee xafladaas iyo isbarashada Musharxa madaxweyn aha Xisbiga UCID Mud, Jamaal Ali Hussein ayaa ahaa mid midha dhal ah.


Qalinkii iyo isku dubaridkii Bahda SNN- Somaliland News Network.