"Soohdinta Somaliland Iyo Soomaaliya Wadaagaan-na Ma aha Mid La Mid Ah Laamiga Gaalkacayo Dhex Mara" Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaalle

 

Hargaysa (TNN) :- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal gar-darro ay ku sifeysay oo ka soo yeedhay Maamul goboleedka Soomaliya ee Puntland oo si daan-daansi ah uga hadashay Sahamin shidaal baadhis ah oo Xukuumadda Somaliland ka Waddo gudaha dalka oo ay fulinayaan shirkado caalami ah oo ay dawaladdu heshiis rasmi ah la gashay.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaalle oo ka jawaa bayay dhawaaqa ee ka soo yeedhay Maamulka Puntland ,ayaa sheegay in Somaliland aanay marna ku xad gudbin soohdin dal kale isla markaana ay baadhitaano macdan iyo kuwo shida alba ka wado dalka Somaliland gudihiisa kuwaasoo uu caddeeyay in aanay cid kale Somalilan d u daba fadhiisanayn khayraadka dalkeeda ee ay la soo baxayso ama sahaminta ku samayn ayso.

“Marka ugu horraysa dalka Somaliland xaq ayuu u leeyahay in uu macdan iyo shidaal baadhis ba ka sameeyo dalkiisa,dawladduna waxay baadhitaanno ka wadaa guud ahaan dalka Som aliland, taasoo ay wadaan afar shirkadood oo caalami ah oo ay Xukuumadda Somaliland hesh iisyo sharciya kula gashay sahaminta shidaal iyo macdan baadhista,”ayuu yidhi Wasiir Xuse en Cabdi Ducaalle oo caawa khadka Telefoonka ugu warramayay Wargeyska DAWAN.

Wasiirka Macdantu waxa uu sheegay in Somaliland ay heshiis rasmi ah oo macdan iyo shiid aal baadhis-ba iskugu jira la gashay shirkado macruuf ah oo caalamiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “ Haddii aan ka jawaabo hadalka ka soo yeedhay Maamul gobole edka Puntland horta marka koowaad Somaliland ma baadhayso dal iyo dhul ka baxsan dalka yaga Somaliland,shirkadda D.N.O oo ah shirkad caalami ah oo laga leeyahay dalka Norway xarunteeduna ay ku taallo caasimadda dalkaas ee Oslo,ayaa horta deegaanada uu ninkan (Wasiirka warfaafinta Puntland) ka hadlayay ka wada baadhitaanno sahamin ah.

sahamintaasina waxay ka mid tahay mid ay dalka ka wadaan afar shirkadood oo caalami ah oo ay Dawladda Somaliland heshiis caalami ah kula jirto.heshiisyda caalamiga ah shirkadaha Somaliland la galayna maaha qaar aan la garanayn oo meel ay ka diiwaan gashan yihiin aanay jirin oo iska yaacaya laakiin waa shirkado caalami ah oo ku socda shuruucda caalamka iyo qawaaniinta dunida,waana shirkado og in ay Somaliland tahay dal gaar ah oo madax ban naan,markay heshiiska Somaliland la gelayeena Garoowe iyo Muqdisho may tegin oo wax ma y waydiin ee waxay yimaadeen Hargeysa Caasimadda Somaliland oo ay Xukuumadda Soma liland heshiis kula galeen.”

Wasiirku waxa uu sheegay inaanu jirin dal Puntland la yidhaahdo oo xuduud la wadaaga Som aliland, waxaanu yidhi “Horta Somaliland, dal Puntland la yidhaahdo oo ay xuduud wadaaga an ma jiro,Somaliland waxay xuduud la leedahay dalalka Geeska afrika ee ay dariska yihiin oo ay ka mid tahay Soomaaliya,Puntlandna waxay ka tirsan tahay Soomaaliya, waxaanay qeyb ka tahay maamul gobolleedyada Soomaaliya ka jira.

Soohdinta Somaliland iyo Soomaaliya wadaagaanna maaha mid la mid ah laamiga Gaalkacayo dhex mara ee dagaal beeleedku ka dhaco. laakiin waa soohdin la mid ah xuduudaha ay wada agaan dalalka Itoobiya,Soomaaliya,Somaliland,Jabuuti iyo guud ahaan dalalka qaarada Afrika ee ku salaysnaa soohdimihii caalamiga ahaa ee qaarada afrika gumaysigu ku kala qeybiyay oo ah ka maanta dalalka Afrika ay waddamada ku yihiin laakiin nimanka Garoowe ka soo qeylinayaa waa nimanka ku murmaya xeebta Waqooyi ee Kiiniya oo aanay jirin meel ay iska gaadhaanba.”

“Markaa waxaan leeyahay waxaad cuni karaysaa la hungureeyaa, laakiin Somaliland dalkee da iyo khayraadkeedu dalka iska leh ayuu gaar u yahay,deegaan iyo dal qabiil xadeeyaana ma jiro,deegaanka Xuddun iyo Taleex ee uu qabiil ahaan ayaan u leenahay uu leeyahayna waa dalka Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba,mana jiro dhul soohdintiisu ay reer tahay laakiin qaarada Afrika xuduudeeda la yaqaan ee caalamga ah ayay Somaliland iyo Sooma aliya wadaagaan,”ayuu yidhi doodiisa ugu quus gooyay Wasiirku Hadaaqa ka soo yeedhay Puntland.

 

Source: Wargeyska Dawan