Soomaaliya Caalamku Ma Rabaan ? 2da Shariifna Ma Rabaan ? Hadaba Xagey Ku Socotaa Soomaaliya !!!


 


Tan iyo kolkii Madaxweyne loo Magacaabay Sheekh shariif Sheekh Axmed,ayaan wax sidaa u buuran ka qabanin tan iyo kolkii Madaxweyne loo Magacaabay Sheekh shariif Sheekh Axmed,ayaan wax sidaa u bu uran ka qabanin xaalada  uu ku sugnaa dalka somaaliya in uu ka sii daro mooyee,waxayna  dadka intooda badani qabeen fikrad ah in uusan ka bixi karin marxalada adag ee uu dalku marayay,waxaana wiiqmay  ha naankii loogu jiray in somaaliya lugaheeda isku taagi doonto,waxa uu reysilwasaare u magacaabay ugu h oreyntiiba Cumar Cabdirashiid,nasiib daro Madaxweynaha iyo Reysilwasaaruhu waxa ay 2-doodu noqdee n kuwu fadhiid ah oo aan hal talaabo habayaraatee horay u qaadin,waxayna shaqada ay ummada u haye en ku soo ururtay,diyaarad la sii raaco  la soo raaco uun,ugu danbeyntiina waxa ay noqotay in ay isku dh acaan.

 
Madaxweynaha iyo Reysilwaarihiisa Cumar Cabdirashiid,is xag xagasho dheer ka dib waxaa soo shaac bax day in uu madaxweyne sheekh shariif ku adkeystay in laga hor  dhaqaajiyo cumar cabdirashiid,nasiib wan aag cumar cabdirashiid ayaa maslaxda ummada  darteed waxa uu iska casilay xilkii reysilwasaarenimada,
Sheekh Shariif oo aan tan iyo markii la soo magacaabay aan hal talaabo halkii uu ku jiray ee Madaxtooya da aan horay u soo dhaafin,ayaa ilaahey u keenay Maxamed Cabdulaahi Faramaajo oo ah Aqoonyahan m uddo ku noolaa Dalka Mareykanka,kolkii Reysilwasaare Cabdulaahi Faramaajo la wareegay xilkii loo dhiiba y,ayuu bilaabay in uu marka hore dhega dhegeeyo bal sida ay wax u socdaan iyo waxa hortaagan geedi socodka nabada,markaa ka dib Cabdulaahi Faramaajo waxaa u soo baxday in wax aan xoog ahayn wax lagu xalin karin,waana mida ilaahey kula garab galay isla markaana uu inta badan Caasimada Muqdisho uu gacanta ku soo dhigo,Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa kormeer xoog leh ku soo kala bixiyay goobihii ay la wareegeen ciidamada qalabka sida oo kaashanaya Amison iyo Ahlu suna waljameeca,iyadoo dagaalkii iyo Halgankii loogu jiray in Dalka oo dhan laga sifeeyo Mucaaradka,ayaa sidii caadada u ahayd 2da Shariif waxa ay bilaabeen Riwaayadoodii beenta iyo turuufada ku dhisneyd,taas oo ahayd in 2doodu dagaal u dh exeeyo iyo in  ay heshiis gaaraan mooyee aan si kale horay loogu socon karin,waxaa Shacabka Somaaliy eed u soo baxday in 2da Shariif ay qaa´imiin yihiin dalkiina ay iibsadeen,Caalamkuna aysan dooneynin in ay arkaan soomaaliya oo lugaheeda isku taagtay? 2da Shariifna aysan dooneynin in somaaliya ay ka soo kabato bur burkii soo gaaray 20kii sanno ee la soo dhaafay ? hadaba waxaa is weydiin leh Soomaaliyeey 2da


Shariif Halkeey Soomaaliya u Wadaan ?,waxaa jira dad aan wadaniyiin ahayn necebna horumarka dalka k uwaasna waxaan leeyahay,Duli Damiir Laa Waa,Doqon Aan Dantiisa Garaneynin,Daneyste Dalka Iyo Daka ba Iibinaya,Damiirlaawe Aan Cidna u Diir Naxeynin,Doofaar Aan Abid Daahireyn,Dadka Iyo Dugaagta Mid Daris Ka Dhigaya,Doqonimo Mid Ay Heysoo Danta Shisheyaha Sharafmooda,Dadnimadu Waa u Dhalashee Wax Layska Yeelo Maaha,Danbi Kastaad Gasho Ogow Mar Uun In Dadweynaha Lagu Horkeeni,Taariikhda Ummada Soomaaliyeedna Waxaad Ka Galeysaan Baal Mugdi Ah oo Aan Weligii uugoobeynin,Reysilwasaare Maxamed Cabdulaahi Faramaajana Waxaan Leeyahay :-


Daacad Mid Ahoo,Dadnimada u Dheertoo,Soomaali u Wada Siman Tahayoo,Damiir iyo Dadnimaba Kii Lagu Dheehayoo,Doofaar Aan Abid Daahirin Kii Diiday Dantiisow,Daneystayaasha Gaarkaa Kii Ka Dhiidhiyayow ,D uliyiin Aan Dantooda Garaneyn Kii Garowsiyayow,Dalka Iyo Dadka Kii Badbaadin Lahayow,Daadiyihii Um mada Soomaaliyeedoow, Darxumada Ummadeena Haysata Kii Ay Damqeysayow,Dahab Iyo Duunyaba Kii Ku Badeshay Badbaadinta Dalka Iyo Dadkiisow,Daacad Faramaajow Ogow Taariikhdu Qof Walba Weey Qo ri,Waxaadna Taariikhda Ummada Soomaaliyeed Kaga Qaran Tahay Baal Dahaba oo Aan Weligiis Duugoobeynin,Iinsha Allaah.

 

 

 

 

Bilan Cabdulahi
bilan_sumuni@hotmail.com