SOOMAALIYAAY Halkaad Xijiraha Ku Bururisay Xab Ku Bururi Oo Ictiraaf Somaliland Hada!: Waano!

 

 

 


- Aan horta halkan judhadaba u hibeeyo hanbalyo guud gudida labada dal ee Jamhuuriyada ha Somaliland iyo Soomaaliya ee ku guulaystay, inay qodobo hor-dhac ah isla qaataan oo ay ka soo saaraan kulankoodii qaayaha lahaa ee shalay la soo gabogabeeyay, oo aan filayno inay arintani noqon doonto aayaha dhaw suduudii loo marayay Seer-ma-waydo-da (Ictiraaf) geediga loo raray ! Si gaar ahna aan u bogaadiyo mudanayaasha shanta ah ee u saftay qaranka Somaliland ''What a Performance!. Intaas ka dib, sida sooyaalka guunka ah ee dadka af-soomaaliga ku hadla ee ku kala filiqsan geeska Africa ku muujisan, colaada iyo dirirtu waa qayb ka mid ah nolol-maalmeedkeena, oo aan marnaba inaga dhixin, hadana sidaasi oo ay tahay, riiq dheeraata ma ay reebi jirin godobteeda iyo naceeduba oo rag uun baa u guntan jiray oo xalin jiray.

Si bogsiimo loogu helo boogaha iyo qoomamka ku samaysma wada-noolaanshaha iyo xidhiidh ka bulshooyinka dekanooyinku kala gaadhay ee dhagaraha iyo dhiigu dhexdooda jiifo, waxa ay odayaashii wax-garadka ahaa ee faraadinka ku ahaa nabadayntu ay u gali jireen arimaha mid kastaaba sida ay u taal, iyaga oo nabar kastana u dhayi jiray si isaga u gooni ah! Waxa ugu culus ee dadka soo kala dhex-gali jiray waxa uu ahaa madax-dad (qof-la-dilo) oo la uus-aaso! Uus-aasku waa ka duwan yahay dhagarta caadiga ah. Oo waa qof magan ah, ama socota aan godob galin ah iwm oo lagu dhagaroobo, isla mar ahaantaa la qariyo maydkiisa, waana halka uu magacu ka soo jeedo (UUS-AAS)!

Si kastaaba badan hadii dil uus-aas ahi dhaco, oo qofkii la dilay dadkiisii ogaadaan cida dishay, colaada halkaa ka hurtaa ma dami jirin ! Waxana ay ahaan jirtay sida ay sheegi jireen odayaashu godob inanka inankiisa danbe iyo ab-ka-ab buqbuqda oo loo maare-waayo! Hadana wax-kastaaba mar uun buu dhamaadaaye, arintan oo kale qajeel dawo bogsiisa waxa looga dhigi jiray diiyo iyo mag badan oo la bixiyo iyo waliba, deeqda wax la isa siiyo ugu mudan oo ah HABLAHA! Oo reerkii dhibanaha ahaa raxan idil oo hablo ah aaa la gudoonsiin jiray, tiiyo looga jeedo in labada reer isku-dhex-abqaalmaan! Oo ay dhashaan da'o labada dhiigba wata oo curisa xigtonimo hor leh oo waarta!

Halkaasina waa halka ay ka soo jeedo maahmaahda xikmada qaaliga ah dul yuururta ee tid haahda; '' Meel Xinjiri ku bururtay Xab ayaa lagu burburiyaa! Hadaba hadaan ku gooladeeyo halka aan u danta lahaa iyo yoolkayga; Oo ah halka u maqaalkani ujeedo iyo reer Somalia (Somalia-Italiano)!

Waxii dadka reer Somaliland soo gaadhay laga soo bilaabo 01/07/1960 ilaa 1991-kii, ee ay koonfuri ku samaysay waa wax ka qaro-wayn wax xataa la garab dhigi karo, hal milyan oo uus-aas oo ah godobta ugu ba'an ee dhaqanka Soomaaliga ahi yaqaan, sidaa darteed, aan idhaahdo waar reer KOONFUROOW, Xinjiraha aad bururiseen ee reer Somaliland (Xasuuqii 1980-dii) waxa kali ah ee da-do-tir iyo shashafo waxoogaa ah u noqon karaa, waa inaga oo isu aqoonsana laba dal oo kala madax-banaan! Markaa hadii reeer Koonfureedoow in uun hunguri idinkaga jiro, walaaltinimo iyo samo-ku-wada-noolaad ka hirgala labada dal (Somaliland iyo Somalia) ee ologa ah, haatan ku dhawaaqa inay tahay Somaliland qaran jira oo jooga oo yaanu jawigaa wanaagsan ee haatan aloosmay gudhin! Hadii kale, Alla kama dhigo-e ...........U diyaar garooba, colaad Isiri ah oo ab-ka-ab ah.

Aan ku xidho maqaalkan, anoo soo dheeganaya maahmaahda dusha, reer Koonfureedoow; '' Halkaad Qoomiyada dhan ku baabiisay Qiritaankooda ku noolee''.

Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed!
 

 

 

 

 

W/q; Cali Cumar Xasan