soomaliya waa wadan gacan shisheeye qasayso nabadna loo ogolayn

 


Colaada Soomaliya caqli bay u baahan tahay qori caaradii maaha


Hadii dagaal wax lagu xalin karo wadamo fara badan oo aduunyada ka mida ayaa xal loo heli lahaa in badana dagaalo ka socdeen walina dagaalo ka socdaan qaramada midoobay oo ay hogaaminayaan wadamada awooda milatari haysta ee maraykanka , ingriiska iyo farasiisku ka mid yihiin ayaa isku dayay inay xal u helaan dalal fara badan oo ciraaq, afq anistan, ka mid yihiin. sidoo kale libiya oo ahaa wadamadii ugu danbeeyay ee gacan shishe eya dhex gashay ayaan nabad haysan dadkuna si ba,an ukala aarsanaayaan.

In kabadan 100 kun oo ciidana ayay united natationku ku daadiyeen wadamada ciraq , afq anistan ilaa IMIKANA wax nabadgalyo ah kamay dhalan. colaadii iyo dagaaladii iyo  xasuu qiina wali waa ka socdaan , hadaba waxa inoo cad in wadamada reer galbeedku aanay dan ka lahayn dhulkan ay ciidamada u diraan ama ciidamo kaloo ayaga u daacada u diraan sida kuwa ugandha , burundi , kenya balse ay ayaguba yihiin kuwa colaada sii hurinaaya.

Waxa is waydiin u baahan dalka soomaliya waxa ka jiray kooxo hubaysan oo koonfurta soomaalia in badan ku hirdamaayay MARKII dawladii dhexe ee soomalia burburtay hogaankiina lumay nasiib daro maynaan arag cid ka naxday shacabka soomaliya oo kooxaha hubaysan ka qabatay hase yeeshi waqtigii islamic courtku la wareegeen casimada muqdisho iyo 80% dhulka koonfurta soomalia ee ay kooxihii maleeshiyada ka saareen casimada waxay sameeyeen nabad-galyo waxaana yaraday dilkii iyo dagaaladii iyo dhacii wadanka ka taagnaa waxa ciidankii maxkamadahu bilaabeen inay nabad galyada sugaan caasimadana nadiifiyaan runtiina waxay ahayd lix bilood oo aad loogu riyaaqay, in mudo ahna la arag wax la mida.


Afeef anigu koox kuma jiro maxkamadaha iyo groups kalana ma taageero baryahan waa lays  xidhaabaan maqlee, balse shacabka soomaaliya ayaan dumarkooda iyo caruurta nabada waayay u hadlayaa. iyo cidii mar wanaajisay ama mar xumaysay oo aan qoraalkan ku cadeeyay.

xil la wareegidii maxkamaduhu qabsadeen caasimada soomalia may raali galin wadamada reer galbeedka waxa markiiba qaramada bidoobay hubsiiyeen dawlada ethiobia waxaanay ku amreen in ay galaan somalia magaalada baydhabo ayaa markiiba waxa ka bilaabay dagalo culus oo dhex maray ciidankii maxkamadaha iyo ciidankii dawlada ethoibia oo ay taageersanaayeen ciidamo soomaliya oo madaxwaynihii hore ee soomaliya cabdulaahi yuusuf AHN daacad u ahaa.

Waxaana ciidamadaa huwantu ku guulaysteen inay qabsadaan caasimada soomalia muqdis ho ayagoo usii dhaafay gobolada kale ee koonfurta waxa halka ka cad markaa in aan wadamada qarkood aanay ogalayn nabad galyo ka dhalata soomalia taasoo waliba aanay jeclayn in nimanka wadaadadu ay hormood ka noqdaan. maxaa yeelay hadii islamic courtku nabadgalyo keeneen shacabkana ka qabteen maleeshiyadii hubaysnayd maxaa loo taage eri waayay ee looga doortay in dagaal cirka iyo dhulka ah lagu qaado?

Dalka ethoobia ee deriskeena markii jabhadii zanawi qabsatay waxa markiiba caasimada ka duulay madaxwaynihii ethobia mingiste xayle mariam waxaana si nabada lagula kala wareegay maamulkii dawlada manay dhicin dagaalo sii socda oo dalka ku faafa.
taasna waxa suura galiyay isla wadamada reer galbeedka oo aduun iyo maal iyo maskaxba ku taageerayjabhadii meesha qabsatay.

Waad garan kartaa markaa in wadamada qaarna dan laga leeyahay oo la dajinaayo nabadna lagu dabaalayo arinkooda, halka wadamada soomalia, afqanistan , iyo ciraaqna lagu daawanayo colaad sii daba dheeraata hub aad u fara badan IYO CIIDAMANA lagu dal dalaayo taas oo keentay DAGAAL AAN DHAMAAD LAHAYN shacabka wadamadaas ku noolina garan waayeen inay kala roonaadaan sida SOMALILAND OO KALE


Nabada soomlaiya ka dhalan karta waa ayadoo ajaanibku faraha kala baxo oo ayaga laysu daayo maadaama ay YIHIIN umad muslima oo isku luqad isku dhaqan iyo waliba isku qabaa,il yihiin way heshiin karaan xalna way u heli karaan hadii ay isku dayaan INAY caqliga isticmaalaan ciidamada huwanta iyo hubka badan ee lagu dal dalayaa maaha xal nabad keenaya waa hadaynu dib u raacno taariikhda oo wax ka barano wadamada ciraaq, iyo afqanistan

Dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee aduunka oo dad badan oo reer yurub , north america
iyo dhamaan wadamadii dunida sadexaad ee la isticmalay ku halaagmeen waxa laga bartay in nabad galayadu tahay wax aan laga maarmi karin waxaaana la smaystay qawaaniin iyo sharciyo aan laga gudbin si aan nabadu u xumaan dagaalna u dhicin
taasina waxay ku tusaysaa in dadkaasi ayagu heshiis gaadheen ilaa imikana ku dhaqmaan

Sidoo kale ayaa soomalidana waxa lagudboon in ayagu samaystaan wax ay ku heshiiyaan
oo nabadooda suga colaada iyo dagaaladana kaga fogaadaan.
gacan sadexaad oo ku dhex jirtaa keeni mayso xal waara , inta aan taa la garana dhibku waa taagnaanaya
shirarka marba meel looga yeedhayo masuuliyiinta soomalia ee la odhanayo halkan kuwada hadla ilama aha mid natiijo fiican laga gaadhi karo. waxase ka wanaagsan in laysu tanaasulo oo nin waliba wax ka tago si loo helo nabad shacabka soomalia gaadho
meel dulmi, dhiig muslim oo la daadiyo, colaad ka jirto waa arimaha maanta soomlia ku riday abaaraha roob yaraanta, darxumada, tahriibta maxaa yeelay umad is dilaysa oo dhiigooda banaystay naxariistu waa ku yaraataa iyo nimcadu.


GABAGABDII

SHakhsiyan ma ihi mid taageera koox ama urur ama dad gaara balse waxa aan ka hadlay waa habka ugu wanaagsan ee shacabka soomalidu ku gaadhi karo NABADGALYO dalkooda ka dhacda taasina waa [ ayagoo wadahadal toosa dhexdooda ka sameeya miiskana soo wada fadhiista] hadaad qirayso iyo hadaanad qirahaynba ilama aha in yuweri musafani uu nabad ka dhalin karo soomalia sidoo kalana MR MAHIIGA ayaan nabad u keeni karin soom aliya. xalkuse waxa uu yaalaa gondahaaga hadaad raadinayso halkaad u mari lahayd iyo hadaanad raadinaynba ADIGA LEE WAAYE.



WABILAAHI TAWFIIQ


Siciid Cabdi Dheen

dheen2011@hotmail.co.uk
London,UK