Sow dhaweynta madaxda kulmiye soo dhaweyeen Inj. Faysal Cali waa arin UGUB ah o saaxad siyaasada caalamka ku cusub

 

 

Waxan marka hore aad an u salaamaya shakdaha JSL ku abtirsada iyo hawladeenadooda iyo dhamaan shacabka sharafta leh e sida joogtada ah u soo booqda.



Saxaafadda iyo warbaahinta qaarkood waxad mooda iney baryahan danbe caadeysateen iney soo tabiyaan warar been abuur ah oo runta iyo xaqiiqda ka fog islamarkan aney  wax ba ka jirin, maalmahan u danbeyay waxad arkeysa ama maqleysa warar sheegaya  Madax weyne-kuxig. eyaa geeriyooday, UCID iyo Kulmiye eyaa xisbi kaliya noqday iwm, waxa  run tii marwalba saxaafadda iyo warbaahinta ba u wanaagsan in ey iska shaandheyaan  wara rka KUTIR KUTEYNTAHA ee xaqiiqda ka fog.

Dhawr cisho ka hor waxa dalkeena JSL ku soo guryo noqday gudoomiyaha xisbiga qaran ee UCID inj- Faysal Cali Waraabe, maalintaasi waxa soo dhaweyntiisi ka soo qeyb galay kana mid ahaa xubno ama madax sare oo xisbiga kulmiye ah kuwaaso uu horkaceyay  gud oomiyaha xisbiga kulmiye mudane Siilanayo iyo gudoomiye kuxigeenkiisa Muj Musa Biixi Abdi iyo musharaxa madaxweyne kuxigeenka xisbiga kulmiye Inj- Abdiraxman Seylic-

Maadaama madaxdaasi Kulmiye soo dhaweysay gudoomiya Faysal Ali waxa dareen iyo  sh aki badan galisey saxaafaddii, warbaahintii iyo dhamaan shacabka JSLand o runtii  aragti yo kala duwan ka bixiyay soo dhaweynta madaxda Kulmiye, islamarkan waxa maalmahan saxaafada madaxbanaan lagu soo daabacey dhawr qoraal oo ciwaankooda ahaa sidatan Asxaabtii mucaariidka o midoobay iyo mucariidkii oo isku milmay xisbi kaliyan noqday iwm.


Waxaan haddaba jecleystey inaan bal u iftiimiyo shacabka soomaliland iyo  taageerayaa sha xisbiga UCID sida ey wax u jiraan ee runtii xaqiiqdu tahay.


Marka hore waxan ka cudur daaranaya in an jawaab ka bixiyo sababta keentey in ey  ma daxda Kulmiye soo dhaweyna gudoomiye Faysal islamarkan kaga hortagaan meesha la  yi dhaahdo Helaya oo dhawr kmt u jirta Hargeysa waayo jawaabtaas waxan u dhaafaya  da dweynaha, runtiina waan arin UGUB ku ah saaxada siyaasada adduunka kuna cusub  siyaa sada soomaliland iney laba musharax o tartamaya sidaasi isu soo dhaweyaan oo waliba laba xisbi ka kala tirsan o an isku barnaamji aheyn iyo isku mawqiftoona!!!! runtii waxaan u arka in ey tahaya aqoon la'aanta iyo sida eynu uga aradanahay siyaasada caalamka ka jirta, waxa jirtey mar u madaxweynaha Obama o dib ugu soo noqoneya Washington ey mrs Hilary Clinton o ey isku xisbi yihiin islamarkan u tartamayeen musharaxa madaxweyne nimada xisbiga dimuqradigii ey diiday in ey ka hortago Obama o xiligaasi u tartan xisbiga dhexdiisa ihi ka socoday, maantana waxeynu arkeynaa sida u Siilaanayo o ey tartan ku wada jiran Faysal u soo dhaweynaya, waa arin aad iyo aad loola yaaba, maadaama ey madaxdii Kulmiye soo dhaweyneyo madaxweyne Faysal soo lama odhan karayo waxey ku soo biireen xisbiga UCID madaxdii kulmiye.


Mudo dhawro bilood ah waxa saxaafadda iyo warbaahinta ba laga dheehaneyay ama lagu soo bandhigayay barnaamjka siyaasaded ee xisbiga UCID taaso loogu talo galay in ey  sh acabka soomaliland waxbadan ka ogaadan barnaamjka siyaasadeed ee mustaqbalka  xisbi ga UCID ku maamuli doono dalka haddii u ku guuleyssto doorashada soo socota, runtiina waa barnaamjiyada axsaabta looga baahan yahay in ey soo qadiman o ey shacabkooda ku kasbadan barnaamjkooda siyaasadeed, waan habka caalamku u ololeyo ee u ku  kasba do taageerayaal badan


Ma filayo inuu xisbiga Kulmiye iyo xisbiga UDUB midna ila maanta soo bandhigay  barnaam koodii siyaasadeed ee dalka lagu maamuli lahaa haddii ey ku guuleystan doorashada la filayo in ey qabsoonto. Waxa runtii aakhristow marag ma doona ha inuu jiro faraqweyn oo runtii u dhaxeya sadexdaasi xisbi qaran ee UCID, UDUB iyo Kulmiye maadaama an la heyn barnaamjkoodaii siyaasadeed labadan xisbi ee Kulmiye iyo UDUB midna, taasana runtii  ma rkhaati ka ah in aney sadexda xisbi qaran isku mawqif, isku aragti iyo isku ujeedo midna aneyaheyn, shacabkuna waxa kaliya ee axsaabta lagu kala dooran doonana inshallahuu waxey noqon doonto barnaamjiyadood siyaasadeed e ey soo bandhigan, waxan labadaasi xisbi u sheegaya waar looma baahan mucaariid baanu nahay iyo muxaafidbaanu nahaye ummadda u sheega waxad ugu talo gasheen ee ad ku hogaamin doonta mustaqbalka, ee ad ku dooneysan inaad ku kasbatan codkooda.

Haddaba bal an isku dayo aakhristow dhawr aragtiyood oo an filayo iney ka mideysan  yi hiin labada xisbi qaran ee mucaaridka ihi kuwaaso shacabka iyo warbaahinta iyo  saxaafa dda ba dareen galisey soo dhaweyntii madaxda Kulmiye.


1. Labada xisbi mucaariid sida an aaminsanahay waxey ka mideysan yihiin in dalkan   JSLa nd doorasho xor o xaalihi ka dhacdo sida ugu dhakhsa ah badan.

2. Labada xisbi waxey ka mideysan yihiin sida an aaminsanahay waa UCID iyo Kulmiye inuu isbadal yimaado ku saleysan dimuqradeyd iyo doorasho xor ah oo xalaal ah.




Labadaasi aragtiyood ee an kor ku soo xusey baa sal dhig u ah barnaamjiyada  siyaasade ed ee ey wadaagan UCID iyo Kulmiye.

Haddii an u soo noqdo labadan xisbi ee kala ah Kulmiye iyo UDUB waxa naga dhexeya  had dii anu nahay UCID aragtiyahan an hoos ku xusin doono


A. Xisbiga UCID wuxu diyaar u yahay inuu doorsho xor ah o xaal ah la galo labada xisbi qaran ee UDUB iyo Kulmiye maalinta komishanku cayimo' Doorashada

B. Xisbiga UCID wuxu diyaar u yahay sidii u horeba ula shaqeyn jirey labada xisbi qaran inuu ula shaqeyo doono, HADBA kii u hogaansanada shuruucda dalka u yaala.

C. Xisbiga UCID wuxu diyaar u yahay sidii u hore ba uga caano maaley inuu garab iyo gaashan ba siin doono labada xisbi ee kale, HADBA kii nabada iyo xasilonida ilaaliney islamarkan u dhego nugul dhawaaqa shacabka masaakiinta ah.

D. Xisbiga UCID wuxu diyaar u yahay inuu gacan sar la yeelan doono labada xisbi ee kale, HADBA kii miiska wada hadalka ogol iyo wadatashig kana doorbida gacan hadalka.



Runtii sadexdaasi aragtiyo xisbiga la yimaada eyuu UCID gacan saar iyo wada shaqeyn la yeelan doona mustaqbalka ee ma jiro xisbi u si gaar ah ugu taageeri doon xaqdaro iwm-




Waxan ku soo gabagabeynaya qormadeydan shacabka soomalilandow Indhihiin eyaa idin macalin ah, maanta barnaamjka siyaasadeed ee warbaahinta iyo saxaafadda ba laga heli kara waa Barnaamjka siyaasadeed ee mustaqbalka ee UCID doonayo inuu dalka iyo  dadk aba ku dhaqo haddii u ku guuleysto doorashada soo socota, ila maanta lama hayo UDUB iyo Kulmiye midna barnaamjiyadoodii siyaasadeed ee mustaqbalka, waxa kaliya ee  saxaaf adda iyo warbaahinta ey soo galiyan waa yooyootan iyo golaaftan an shacabka iyo dalka midna faa'iido u la heyn-


Waa bilaahi tawfiq

 

 

 

Omar Darood Hassan
Gudoomiyaha Guud ee Nordic - UCID